
WQ:Khadra Maxamed March 4, 2007 khadra@khadijahome.com
kilo daqiiq ah
biyo
malgacad yar oo milix ah
2 malgacadood oo saliid ah
isku dar daqiiqda iyo biyaha iyo milixda,
aad isoogu xash oo yanaay kaa jilcin kana adkaan.
marka ugu danbaysa salida ku dar oo ku yara xash.
marka aad dhamayso 30 daqiiqo daa.
30daqiiqo ka dib googoo sida aad sawirka ka aragto.

kadib lawax sida aad sawirkan ka aragto.

saliid yar dhexda ka mari marka aad mariso ku lab.
waxay kusoo baxaysa sida aad sawirkan ka aragto.

hadana waad lawaxaysaa sida aad sawirka ka aragto.
maqliga soo qaado oo dabka saar, markuu yara kululaado saar sabaayada,
saliid yar ku dar kadib dhinaca kale urog, markay labada dhinacba ka casaato ka qaad.
waatan iyadoo dhamaatayna.

|