
WQ:Khadra Maxamed February 12, 2007 khadra@khadijahome.com
kg kaluun ah ( bilaa laf& bilaa dir)
1 malgacad subag ah
4 xabo oo baradho ah
1 bed ah ( ukun )
inyar oo milix ah
inyar oo xawaash ah
inyar oo daqiiq ah
Sidan usamee
1. kaluunka biyo ku kari marka uu bislado malgacad ku burburi
2. baradhada dabka biyo ku saar marka ay bislaato malgacad ku burburi oo subaga ku dar.
3. kaluunka iyo baradhada isku dar milixdana ku dar iyo waxaashka, aadna isku dhex gali.
4. kaluunka khadija waxaad u samayn karta wareeg ama kubad oo kale.
5. 2 saxan soo qado mid waxaad ku qastaa beedka ( ukunta ) midna daqiiqda.
6.maqliga dabka saar oo saliid ku shub, waxaad soo qadaa kaluunka waxaad dhex galisa beedka labada dhinacba, kadib daqiiqda dhex gali marka maqliga saar.
7.markay labada dhinacba kuu casaadan, saxan warqad saaro si uu uga nuguu saliida marka saxanka saaro. |