najdi   najdi 9. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:621
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Afar qof ayuu ubaahanyahy ninkaagu inaad unoqotid.

WQ:Sucaad A. Maxamed
February 8, 2008
sucaad@khadijahome.com


Iyadoo ooyaysa ayey soo gashay oo hadlaysa, iyadoon la fahmayn waxay leedahay.
Waxaan ku iri: isdaji oo si tartiiba iigu sheeg aan fahmo waxa kugu dhacaye.

Way fariisatay anoo raba inaan fahmo mushkiladeeda, waxaan maqlay iaydoo leh khaa’inku, jacaylkii oo dhan ayuu iloobay? Cishradii wanaagsanayd kadib ayuu samayn?

Markuu ubaxii dhalinyaranimadaydu ku dhamaaday saan ugu shaqeenayey oo uuga rabeenayey ciyaalkiisa, iyo…..iyo….iyo…

Waxaan ku iri: kadibna??

Waxay tiri : wuxuu rabaa inuu guursado mid kale.

Saacado sidaan isugu dayey inaan dajiyo, markay dagtay ayaan ku iri: intaad ooyeysid oo barooranaysid miyaad isku dayday inaad naftaada waydiisid sababta uu u guursanayo??

Waayo ayuu tukale u aadaya isagoo ku jecel oo kaa marmi karayn??

Miyaad iswaydiisay sababta uu ilaahay ubaneeyay inuu guursado afar dumar?

Sabatoo ah si uu udago si nafsiyan iyo jir ahaan.

Waxay tiri: hadaba miyaan iska ogalaada oo ma ku qancaa arinta??

Waxaan ku iri: maya ee adigu u noqo afarta dumarka ee uu ubaahanyahay, hadaad rabtid inaad isaga kaligaa yeelatid.

Waxay tiri: sidee??????

Waxaan ku iri: nimanku waxay jecelyihiin afar nooc oo ka mid ah dumarka.

Ta kobaad: hooyada

Wuxuu jecelyahay hooyada, naxariisteeda, iyo wax bixinta bilaa xuduuda ah.

Hooyoda wax bixisa ee aan mana sheegesho ku jirin iyo dhib.

Wuxuu rabaa sida hooyada u laab furan ee saamaxda markuu qaldamo.

Dhiiri galisa oo kor uqaada markuu hoos udhaco.

Ka farxisa markuu dhib ku jiro, gacantiisana haysa markuu farxad iyo murugo ku jiro.

Way dhafartaa markuu xanuusanayo iyo markuu shaqo ku jiro iyodoo udhoola cadaynaysa.

Way faraxdaa markuu soo galo, wayna walwashaa markuu soo daaho.

Hooyadii ayuu tabaa guurka kadib, wuuna uxiisaa markuu ubaahdo.

Ta labaad: xabiibad

Wuxuu rabaa xabiibad caashaqsan, qalbigiisa xaday oo qaadatay.

Wuxuu rabaa mid cayaar badan, kaga yaabisay quruxdeeda iyo cadarkeeda, iyo dumarnimadeeda.

Wuxuu rabaa mid sariirta kaga farxisa, una bogo cadarkeeda iyo qaabkeeda & hadalkeeda.

Wuxuu rabaa mid ku dhalaasha gacmihiisa cishqi iyo xiiso iyo holac dartood .

Ta sadexaad: saaxiibad

Wuxuu rabaa saaxiibad uu usheegto hamigiisa, mid uu latashto arimihiisa.

Wuxuu rabaa saaxibad sirta xifdida, ceebihiisa asturta, aysan usheegin saaxiibadeed iyo dariskeeda ama ehelkeeda.

Wuxuu rabaa caqligaaga, xikmadaada, taladaada, marabo hadal badlidaada oo muhiim uma aha.

Wuxuu rabaa inuu hadlo, adiguna si fiican u dhagaysatid, iyo inaadan hadalka ku badin calaacalka aad ka cabanaysid guriga iyo caruurta, kadibna uu raadsado guri kale oo aamusan, ama uu baxo oo waqtigiisa badanaa la joogo asxaabtiisa ee fahmaya oo dhageysanaya isaga.

Ta afaraad: mid ushaqeesa

Haa wuu ubaahanyahay khadaamad, haa khadaamad.

Wuxuu rabaa inaad gacmahaaga ugu sameysid cuntada, xitaa hadaad leedahay shaqaalooyin.

Wuxuu kaa rabaa inaad ukala habeeysid alaabtiisa.

Wuxuu rabaa in dhinac walba inuu ka dareemo inaad gacmahaaga ku sameysay.

Wuxuu rabaa inaad ihtimaam siisid dharkiisa iyo muqaalkiisa, muqaalkaaga iyo muqaalka caruurta.

Malihi arintu way fududahay, laakiin wuxuu ufududyahay qofkuu Ilaahay ufududeeyay.

Ilaahay kaalmayso, hana ka caajisin.

Isaga lafariiso, oo u qiro inaad ka gaabisay xaqiisa oo aad rabtid inaad hada wax hagaajisid, bog cusubna aan bilaabno, oo uu kaa arki doono wuxuu rabo.

Sidaa waa hadaad rabtid inaad yelatid isaga kaligaa, una noqo afar dumar ku jira hal jir, mid milkiday caqligiisa, qalbigiisa, ruuxdiisa……….iinsha Allaah.

Waxaan ka soo turjumay qoraal ay qortay:

Diktoora. Ducaa Axmed Raajix

Waa diktoorad cilmi nafsiga, waana sheeko dhab ah.

FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Iyada
· (18/07/2010 05:25) Yaa reerka ka mas'uula? -
· (30/06/2010 06:05) Lama huraan Hooyaa ah. -
· (18/06/2010 14:50) Sideed isaga daahirin dhiiga caadada. -
· (23/05/2010 13:56) Sideed ku Ogaan karta Zawjka aan wanagsaneyn! Q 2aad -
· (28/04/2010 12:56) Habloow Waxbarta -

Top 5: Iyada

Share

Comments
No Comments have been Posted.

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

Awesome! Awesome! 0% [No Votes]
Very Good Very Good 100% [1 Vote]
Good Good 0% [No Votes]
Average Average 0% [No Votes]
Poor Poor 0% [No Votes]



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 736
Hilib Digaag & Makaroone 590
Peanut butter & Red C... 452
Hilib & Fuul 695
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 736
Hilib & Fuul 695
Hilib Digaag & Makaroone 590
Peanut butter & Red C... 452
Info.
Categories: 7
Reads: 2473
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

783,294 unique visits