|

WQ:Hodan Hussein Sugulle July 6, 2007 hodan@khadijahome.com
Bismilaah walxamdulilaah wasalaatu wasalaamu calaa afdalil khalqi calayhi salaatu wa salaam.
Waxaa mahad aan dhamaan iska leh allaah oo kaliya na ahaysiiyay anagoon jirin, naguna manaystay Nicmooyin fara badan oo ay ugu horeeso nicmada islaamka. Alxamdulilaah Nabad galyo iyo naxariis kor kiisa ha ahaato suubanihii naloo soo diray SCW.
Dariiqul Jinaan’’wadada Janooyinka’’ qeybtii 1aad Waxaa laga tarjumay Fadiilatu sheikh Dr. Muxamed Al Careyfi Xafidahulaah.
Su’aal: madoonaysaa in uusan kaa go’in camalkaaga wanaagsan marka aad dhimatid kadib?
(Waxaa arintaa laga helaa)
Jawaab: masaajid dhisidiisa, ceelal qodidooda, Tarbiyada wanaagsan ee ilmaha lagu tarbiyeeyo, cilmigoo la faa’fiyo(sida kutubtoo la daabaco oo la qeybiyo, cajaladaha kheyrka oo la duubo oo la qeybiyo,iyo in aad xoolo ka gaysato)
FG: waxaa fursad ah in laga faa’iidaysto mu’tamaraatka la isugu yimaado, oo aad ku fikirtid sidaad dacwada ugudbin lahayd adigoo adeeg sanaya Cajaladaha kheyrka oo aad uqeybiso dadka aad kheyrka la jeceshahay oo ka maqan nicmadaas. Adigoo hadyad uuga dhigaya, waana hadyad Qaali ah.
Su’aal: ma doonaysaa in la aqbalo ducadaada?
Jawaab: wuxuu Rasuulka yiri Nabad galyo iyo naxariis kor kiisa ha ahaatee’’ ma jiro adoon muslim ah oo walaalkii u duceeya asagoo ka maqan oo aan ogeen, malak ayaa ku dhaha adigana intaas oo kalaad ledahay yacnii ducadii aad u ducaysay. Waxaa wariyay Muslim.
Su’aal: ma doonaysaa in dunuub taada laguu dhaafo haba badnaadaane?
Jawaab: wuxuu rasuulka yiri nabad galyo iyo naxariis kor kiisa ha ahaatee(( qofkii dhahaa Subxanalaahi wa bixamdih boqol jeer maalinkii, waxaa daata dambiyadiisii haday ahaayeen xattaa bada mugeed oo kale. Waala isku raacay
Fg: tasbixidaas aad la imanaysid 2 daqiiqo oo kaliya ayay kugu qaadanaysaa!
Su’aal: ma doonaysaa in guri Janada lagaaga dhiso?
Jawaab: wuxuu rasuulka oranayaa nabad galyo iyo naxarisi korkiisa ha ahaatee(( ma jiro adoon muslim ah oo tukanaya maalin kasta 12 rakcadood oo sunooyin ah, waxaa janada looga dhisaa guri)) waxaa wariyay Muslim.
Fg: 12ka rakcadood waxay la socdaan salaadaha waajibka ah yacnii 5ta waqti ee la tukado waana sidan
Salaada subax : labo rakcadood ayaa ka horeeya. Wuxuuna rasuulka yiri labadaas rakcadood waxay ka kheyr badan yihiin aduunka iyo waxa dhex yeela.
Salaada Duhur : 4 rakcadood ayaa ka horeeya oo labo labo loo tukanayo, kadib duhurkii ayaad tukan, kadib labo rakcadood ayaad tukan, isku dar duhurku wuxuu leeyahay 6 rakcadood oo sune ah.
Salaada Maqrib : labo rakcadood ayaa ka dambeeya.
Salaada Cishe labo rakcadood ayaa ka dambeeya.
Sidaa ayaad ku gudatay 12kii rakcadood, rabbina uuga rajeenaysaa naxaristiisa inuu kuugu dhiso Guri Janada,, Allahuma wafiqnaa…
Witrigana aad buu muhiim u yahay waana suno la adkeeyay qofkana laga doonayo inuu ku dadaalo, waxa ugu yar hal rakco waxaana ugu badan 11 rakcadood. Waqtigiisana waa cishaha kadib ilaa laga gaarayo salaada subax soo gali deeda.
Su’aal: maku ta’amushay xadiiskan?
Jawaab: wuxuu rasuulka leeyahay ma asiibo qofka muslimka ah daal iyo dhib iyo hami iyo walwal xattaa qodax muda illaa wuxuu allaah uugu dhaafaa dambigiisa. Allaahu akbar.
La soco qeybta dambe bi idnilaah….
Rabbi hanagu wada anfaco hana nagu irzaaqo ikhlaas. Allahuma aamiin
Alxamdulilaah wa salaatu wasalaamu calaa afdalil khalqi calayhi salaatu wasalaam.
Subxanaka allahuma wa bixamdik ash’ahu anlaa ilaaha ilaa anta astaqfiruka wa atuubu ilayk.
|