|

WQ:Najma Saciid December 31, 2007
Bismillaah Alxamdulillaah wasalaatu wasalaamu calaa Rasuulillaah. Intaa kadib
Waxa ugu weyn ee Rabbi loogu dhowaado waa iyadoo la faafiyo culuumta islaamka lana gaarsiiyo koonka dhamaan , iyo gaar ahaan musliminta dhexdooda , waxa ugu weyn ee kale Towxiidka ka dib ee Rabbi loogu dhowaado waxaa ka mida in la simo safafka musliminta, kalmadoodana la mideeyo lana dhex dhigo jacayl dhexdooda ah. taasna lama helaayo iyadoo la ilaaliyo mooyee wixii ilaahay waajib yeelay ee ah xaqa ay isku leeyihin muslimiintu, walaltinimaduna ma noqonayso mid sii socota iyagoo is jecelaada mahee iskuna hura naftooda. Nasteexada iyo isku nasteexayntu waa waxa ugu weyn ee ay ku dhisan tahay walaltinimda islaamku waana xaq uu muslimku ku leeyahay muslimka kale inuu u nasteexeeyo, wanaaga faro xumaanta ka reebo isagoo adeegsanaya hadal wanagsan iyo xikmad ayna ka tahay ilaahay dartii iyo wanaag uu la jecel yahay walalkiis. Ahmiyada ay leedahay Nasteexadu darteed ayuu Rasulka (scw) ka dhigay qayb ka mida diinta Isagoo yiri, ( Adiinnu naseexah) saxaabada qaar waxay Rasulka kula balameen inay u nasteexaynayaaan Muslim walba. Markaan ogaanay heerka ay ka gaarsiisan tahay nasteexadu bulshada muslimiinta dhexdooda , tahayna mid ka dhigaysa bulshada muslimiinta bulsho Rabbaani ah.
Waxaa lagama maarmaan ah inan fahano oo garano waxay tahay nasteexadu, shuruudeeda, goormaa la nasteexaynayaa , sidee loo nasteexaynayaa, qaabkeeda maxay ku dhisan tahay? ma iska bilabayaa nasteexada mise waxan la firsanayaa waqtiga iyo meesha ku haboon ee aan bilabayo nasteexadayda. Si aan uga fogaano una garano khaladaadka qaarkeen ku dhacaan iyo turanturooyinka ka imaan kara qaarkeen iyagoo ula jeeda inay nasteexeeyaan. farayana wanaaga reebayaana xumaha, iyagoo mooganaani uga jirto habkii iyo shuruudii nasteexada, halkaana ay isku bedesho nasteexadii iyo wanaagii ` aad rabtay in lagaa ordo taasna waxa ugu wacan baa la dhihi karaa waa qaabkii aad u adeegsatay oo aan ahayn kii ku haboonaa, meeshaad wax hagaaji is lahaydna aad wax sii kharibto. Sida darteed waxa lagama maarmaan ah inaad ogaato Nasteexadu waxay tahay iyo waxa lagaa rabo markaad naasix noqonayso ama isku diyaarinayso inaad qof u nasteexayso,
Waa Maxay Nasteexadu?.
Nasteexadu waa kalmad lagu cabiro khayr lala doonayo qofka loo nasteexaynayo, hadii la soo koobana waa iyadoo qofkan wax nasteexaynaya uu niyadisa khaalis ka dhigo ulana jeedo nasteexadiisa ilaahay dartii hadalkiisa iyo ficilkiisaba, dan kalena uusan ka lahayn mid aduunyo iyo mid shaqsi ahaaneedba, ama uusan ula jeedin inuu naftiisa ugu hiilanayo. ama uusan ku yaraysanayn midka uu u nasteexaynayo, waxaa kaloo laga rabaa inuu adeegsado asluub wanaagsan.
Nasteexada Xukunkeeda. Way isku khilaafeen culumadu nasteexada xukunkeda, qaarkood waxay leeyihiin waaa fardu cayn, qaarkoodna fardu kifaayah. iyagoo isku raacay waajibnimadeeda, waxaa halkaas ka muuqata ( Allahu aclam) inay mar noqonayso fardu cayn, marna fardu kifayah, mar waxay noqonaysaa waajib, marna mustaxab,( wax la jeclaysto) hadaba duruufta jirta markaa iyo awooda iyo sideey ugu suurtagasho qofka haday u suurtagasho shuruudahaan soo socda. 1= Inuu awoodo inuu nasteexeeyo iyadoo aysan jirin wax ka celinaya haday ahaan lahayd celin ( Xisi ah ama macnawi ah) yacni mid toosa ama mid dadban. 2= Inuu ogaado in qofkan uu u nasteexaynayo ka aqbalayo nasteexadiisa kalana hor imanayn wax ka soo horjeeda nasteexadii uu siiyay darteed oo dhib ah, aysana ka dhalanayn nasteexadii darteed dhib ka weyn iyo fasaad. 3= Inuu amaan u helo naftiisa iyo maalkiisa dhibaato ku dhacda.
Nasteexadu sideey ugu soo aroortay Quraanka karimka ah.
Nasteexada waxaa lagu sheegay quraanka kariimka dhexdiisa meelo badan, waxana lagu sheegay inay tahay sifo ka mida sifooyinka anbiyadii wanwanaagsanaa , (scw) dhamantoodabe, nasteexadu waxay leedahay fadli weyn. waxayna tusinaysaa khayrka iyo wanaagsa qofka ku dadaala inuu nasteexeeyo walalihiis mar walba , , Ilaahay isagoo ka waramaya Nebi Nuux wxuuu yiri ( Ubaliqukum Risalati Rabbii .Wa,ansaxu lakum) waxaan idiin gaarsiinayaa fariinta rabigeey waana idiin nasteexaynayaa. sidoo kale Nebiyu laah Huud , iyo anbiyo kaloo badan oo aanan halkan ku soo koobi karin qoraalka oo dheeraanaya dartiii. Nusuusta quraanka waxaan ka faa’iideysanaynaa inay nasteexadu tahay waxa ugu horeyay ee Anbiyadu gaarsiiyeen qoomamkoodii. ayna la imaanayso miraheeda xaalad walba hadii loo eego midka naasixa ah, isagoo ajarkiisa ka helaya ilaahay agtiisa. Hadii la yeelo iyo hadii la diidaba, mar haduu niyad daacad ah ku wado ajar weyna ka helaayo Rabbi agtiisa. Nasteexadu sideey ugu soo aroortay Sunada daahirka ah
Rasuulka (scw) wuxuu yiri, ilaahay wuxuuu idiinka raali yahay 3, inaad caabudaan oo aydan u shariig yeelin, inaad qabsataan xariga ilaahay oo aydaan is khilaafin iyo inaad u nasteexaysaan midka amarkiina loo dhiibay(Madaxdiina) xadis kale ayaa ahaa xaqa uu muslimku ku leeyahay muslimka kale waa 6 waxana ka mida haduu kaa dalbado nasteexo u nasteexee. Xadiiskii kale ee caanka ahaa ee uu wariyay Saxaabiga Tamim bin aws addari oo ahaa, ( Adiinu Nasexah) kaaso soo koobaya dhamaan qaybaha nasteexada halkana laguma soo koobi karo, waxaa nooga filan in dintii oo dhan lagu soo koobay inay tahay Nasteexo, u tahay ilaahay, kitaabkiisa rasuulkiisa, musliminta madaxdoda iyo caamadoodaba. Xadiskan ay yar yihiin kalmadihiisu laakiin macno wayn ku fadhiya xambaarsana dhamaan axkaamtii islaamka, waayo wuxuu shegayaa in tiirka islaam ku taagan yahay ay tahay nasteexada, haday ku dhex faafto musliminta dhexdodana ay taagnanayso diintoodu midoobayana, hadii la waayo oo qof walba dantiisa kaliya firiiyo dadka kalena maxa iga galay nasteexadooda yiraahdo inay dib u dhac ku imaanayo musliminta noloshooda, wuxuu kaloo cadaynayaa xadiiskan in qof walboo qabsada dintan uu noqonayo Naasix, mid nasteexeeya aysana ku koobnayn culumada kaliya.
Aadaabta Nasteexada.
Inay ahaato ugu horeyn mid aad ku doonayso wajiga ilaahay iyo inaad ajar ku hesho maalinta aakhiro, aysana noqon mid aad ku doonayso aduun ama is tus iyo ha lagu dhaho waa Naasix siduu wax u wacdiyo ma aragtay oo dadku kugu amaanan iyo sumcad raadis (Wal ciyaadu bilaah) Islaamkana sidiisaba wuxuuu asaas uga dhigaa camal walba waa Niyada . Niyada oo khaalis laga dhigana waxay ka mid tahay waxyaalaha keena in Rabbi kaa aqbalo camalkaaga, qofka u nasteexaynaysana ku aqbalo.
Inaysan noqon hadafkaaga nasteexadu mid aad ku yaraynayso ama wax ugu dhimayso cirdigiisa iyo sharaftiisa toona, aadan u gaysanayn wax aflagaado ama meel ka dhac ah, waayo waxaan aragnaa dadka qaar markay nasteexayanayan inay xanaqaan ay ku hadlan waxyaalo aan lo baahnayn, uma socotid wax halayn ee wax hagaajis ayuu yahay qasdigagu mar walba ee isku day inaad sabir badan yeelato.
Waxaa waajib ku ah midka wax nasteexaynaya inuuu dareensiiyo qofkuu u wado hadalka in dantiisa iyo muraadkiisu yahay isagoo la doonaya khayr iyo wanaag uu la jecel yahay, waxa ku kalifay ama sababay inuu nasteexeeyana ay tahay jacayl uu u qabo qofkan iyo cadaab uu uga baqayo naftiisa iyo tan walalkisba, aysana ahayn ujeedadiisu Ilaa Raali ahaanshaha Rabbi mahee, waxa ku kalifayana tahay cabsi uu u cabsanayo inuu Walalkiis /Walaashed ku dhaco Carro Alle, isagoo ka shidaal qaadanaya hadalkii Rasuulka(scw) ee ahaa la jecloow walalkaa waxaad naftada la jeceshahay, iimankiina lagu xirey. Inay noqoto nasteexadu mid sir ah, waxaa laga rabaa midka naasixa ah , inuu walalkii markuu wax u sheegayo ula baxo gooni ahaan, markaa waxaa u surta galaysa inuu siduu rabo ula hadlo isagoon ka baqayn inuu kala hor yimaado wax canaad ama xumaan ah. Waayo saan ognahayba qofka bini aadamka ma jecla in xumaantiisa dadka hortooda loogu sheego adiguna ujeedadu maaha fadeexo ee waa nasteexo. Waxaa laga yabaa markaad dadka dhexdooda kula hadsho in shaydaan soogalo qofkii oo uu xumantiisii difaaco isagoo og inuu khalad ku jiro, markaana aad walalkaa ugu kaalmeysid inuu shaydaan adeeco wanagana diido.
Iska jir arintaa waan ku dhacnaa marar badan, taasna waxay ka mid tahay aadaabta Rasuulka na baray, in uu dhihi jirey isagoo og qofka wax sameyay, ( Maa baalu aqwamin yafcaluuna kadaa wakadaaa) markaa maxa nooga baahi badan inan qaadano asluubtaa wanaagsan iyo tarbiyadaa Nabawiga ah. Inay ahaato nasteexadu mid ku dhisan Xikmo iyo waano wanagsan maaha iska hadal , waxaa lagama maarmaan ah in midka wax nasteexaynaya uu qaaacidadiisa ka dhigo qowlka Rabbi ee ah ( ugu yeer jidka Rabigaa xikmad iyo waano wanagsan, kulana dood tan ugu wanaagsan) waxaa laga rabaa qof walboo naasix ah inuu ugu yeero dadka asluub wanaagsan, fudud jilisan ay fahmi karaan si naxaris leh, aad u dhimriso, aad noqoto mid soo jiidasho leh , bashash ah, aan laga ordin dhaqankisa iyo hadalkiisa, mid aan lagu arag wuxuuu dadka ka reebayo ama uga nasteexaynayo isagii oo ku dhex jira, waayo waa ceeb waxaad qofka ka reebtay adigii la imow,,, (Laa tanha Can khuluqin wata.atii bihaa caarun calayka in facalta cadiimun) Inuuu doorto midka naasixa ah, waqtiga munaasibka ah kuna haboon iyo meesha ku habooon waa muhiim inuu fiiriyo watqiga munaasibka ah ee uu hadalkiisa bilaabayo, waa inuusan iska bilaabin waqti walba iyo meel walba , waayo waxaa jira mar aan laguu soo jeedin, ama qofku uu wax kale ku mashquulsan yahay inuu ku dhagaystana diyaar u ahayn. Markaa waxaa laga yabaaa in markaa oo kale aadan u faa’iideyn qofkii adna aad daasho wax miro dhal ahna aadan la kulmin, waxaa kaloo dhici karta inuu qofkuu isku dayo inuu kaa fogaado watqigan munaasibka ahayn dartii iyo isagoon hadeer waqtigan niyadiisu meel kale jirto.
Fadliga uu leeyahay qofka dadka naseexeeya.
Rasuulka wuxuu yiri (scw) qofkii qof kale tusa khayrka wuxuu la mid yahay ajarka kii sameyay, Kamaa qaala Rasululaah, scw. Xadiis kale ayaa ahaa ( ilaahay ban ku dhaartee inuu ilaahay dartaa ku soo hanuniyo qof kaliya ayaa kaaga khayr badan geela cascas, Ow kamaa qaala , S CW. Xadiisyada ka hadlaya arintaan waa badan yihin lamana soo koobi karo, dhamantoodana waxay cadaynayaan naguna boorinayaan inan noqono umad isku nasteexaysa khayrkana is tusta , umada islaamka laguma yaqaan Maxa iga galay meshu rabo haka dhaco, waxaa nalaga rabaa inan camalka khayrka ah ku dadaalno haba yaraadee, ilaahay ayaa ka dhigaya wax badan ajarkiisana ku siinaya maaalin aad ugu baahi badan tahay maanta.
Ugu danbayntii naguma jiro midaan gafayn aan ka leexanayn jidka toosan , waxaa nagu abuuran waa naf lagu abauuray inay marna xaqa racdo marna ka jeedsato, hadaan la tarbiyayn lana xasuusin khayrka mar walba, qof walba oo og khaladkiisa maaha inuu iska hanuunayo ama iska toosayo kaligiis, sidaa darteed waxaa nalooga baahan yahay inan isku nasteexayno wanaaga is xasuusino xumaantana iska reebno midkeenba kan kale gacanta qabto siduu uga soo saari lahaa xumaanta uguna jeedin lahaa dhinaca wanaaga.
Malaa’ig ma nihin habeen iyo maalin waan gafaynaa sidaa darteed waa xaq inan is tusno ceebaheena iskuna sheegno xumaanteena inagoo aan is aflgaadaynayn, yasayna. Billatii hiya axsanu wax iskugu sheegayna nagana tahay midaan ku doonayno wajiga Rabbi iyo raali ahaanshihisa iyo wanaag aan isla jecelnahay, hadii aan sahalsano arinkana waxa dhacaysa in midba kan kale ku xadgudbo ayna xumaato cilaaqada dhexdeena ah ay isku bedesho saaxiibtinimadi cadow tinimo, bulshadiina ay daboosho xumaan iyo dulmi. La waayana mid sheega dulmiga mid yiraahda saan ma fiicna mid ka gilgisha xumaanta iyo sameynteeda, taas waxaa cakiskeda ah marka bulshada ay dhexdeeda ku faafto nasteexadu marka la is tuso wanaaga , marka la iska reebo xumaanta , in aan noqono walaalo is jecel is ixtiraama, dhexdooda wanaagu ku faafay, kalsooni , is caawin , khiyaano la’aan, qish la,aan. malo xumo la’aan amni iyo nabad buuxisa umada dhexdeeda, sidey ahaayeen jiilalkii naga horeeyay ee wanwanaagsanaa kuwaasoo fahmay kuna dhaqmay diiintu waa nasteexo.
|