|

WQ:Hodan Hussein Sugulle November 30, 2006 hodan@khadijahome.com
Alxamdulilaah wasalaatu wasalaamu calaa afdalil khalqi wacalaa aalihi wa saxbihi ajmaciin.
Walaahayga aan Alle dartii aadka ugu jeclahay Gabdhaha qiimaha badan ee waliba ah Jowharada Islamka, waxaan jeclaystay in aan halkan idiinku soo gudbiyo maqaalo aan ka tarjumay
Dr. Maxamed Alcareefy waxaanan ukala qaybiyey qaybo ee lasoco qaybahaas kala duwan.
Qaybta 1aad: Maxaa nooga kaa qaalisan!! Wuxuu yiri: waxaan wax ka dhiganayay dalka ingriiska…
Waxaa jirtay haweenay aad u da’ weyn oo dariskeena ahayd… gurigeedu waa qabri oo kale.. cidi ma joogto aan ayada ahayn… waxay xaaskaygu uga sheekasay haweenaydaas in islamku ka yeelay ninka mas uul oo uu ka yahay masuul xaaskiisa, iyada dareedeed ayuu u shaqeeyaa wuxuu usoo iibiyaa raashinkeeda iyo dharkeeda, iyadoo guriga joogta waxa waajib ku ah ninka nafaqayn teeda iyo xanaanadeeda, bal uu dhowro cirdigeeda yacni sharafteeda iyo nafteeda.. Ilmaheeduna waxay u noqonayaan baariyaal hadaysan guursanna waxa masuul ka ah oo waajib ay ku tahay ricayadeeda qofka walaayadeeda haya(Aabe ama Walaal)..
Haweenaydii duqda ahayd waxay u dhagaysanaysay xaaskayga si la yaab leh iyadoo xusuusanaysay ilmaheedii aysan arag mudo sanado ah.. ayna dhimanayso iyagoon ogayn..sababtoo ah wax qiimo ah agteeda kuma lahan… hadalkii ayay dhameesay
Xaaskaygii: haweenaydii duqda ahayd inyar markay joogtay ayay tiri…dhab ahaantii.. Haweenayda dhulkiina(wadamada islaamka) waa Boqorad..
Haa walaahay agteena waxaad ku tahay boqorad…
Balse haweenayda halkaas (dhul gaalo) waa miskiinad.. mareekanka dhexdiisa waxaa lagu fara xumeeyaa 1900 oo gabdho ah %20 ka mid ah waxa fara xumeeya aabayaashood!! ( Laa xowla walaa quwata ilaa bilaah.. Nacuudu bilaahi min ficlatihim)
Waxaa la dilaa malaayiin awlaad ah inta u dhaxaysa markuu abuurmo iyo markuu dhalanayo dag dag!!! Wuxuuna gaaray heerka furitaanka %60..
Ingriiskana 170 gabdho ayaa si caqli xumo ah u qaada uur isbuuc walba!!
Imisa haweenay oo halkaas jooga, ayaa raba oo tamaniya waxa aad ku kugan tahay adigu ee ah dhowr sanaan iyo asturnaan......!
Wabillaahi towfiiq, Ukhtukum fillah
|