|

WQ:Hodan Hussein Sugulle December 23, 2006 hodan@khadijahome.com
Alxamdulilaah wasalaatu wasalaamu calaa afdalil khalqi calayhi salaatu wa salaam.
Walaalahayga aan alle dartii u jeclahayow waxaa inoo dhalatay bishii barakaysneed, Dul xijjah, sida ku soo arooray axaadiis aan soo qaadan doono ay tahay maalmaha ugu fadliga badan acmaashoodana allaah ugu jecel yahay.
Ilaahay hana waafajiyo gudashadooda hana naga aqbalo hana na dhaxal siiyo Dambi dhaaf.
فضل العشر والعمل الصالح فيها
عن ابن عباس - رضي الله عنهما - عن النبي r قال : (( ما من أيام العمل الصالح فيهن أحبُّ إلى الله منه في هذه الأيام العشر ، قالوا : ولا الجهاد في سبيل الله ! ولا الجهاد في سبيل الله ، إلا رجل خرج بنفسه وماله ولم يرجع من ذلك بشيء )) أخرجه البخاري وأبو داود والترمذي وابن ماجه وأحمد (1) .
Fadliga tobanka maalin ee ugu horeeya bishan Dul xijjah iyo camalka wanaagsan ee laqabto.
Waxaa laga wariyay ibnu cabaas allaha ka raali noqdee inuu Nabiga yiri scw: ma jiraan maalmo camalka wanaagsan uuga jaceel badan yahay allaah tobankan maalin, waxa la waydiiyay: Ma Xattaa Jihaad alle dartii loo baxo? Wuxuu yiri Rasuulka Scw Xattaa Jihaad alle dartii loo baxo, ilaa nin baxay oo maalkiisii iyo naftiisiiba is raacshay waxna usoo laaban. Waxaa soo saaray Bukhaari , abuu daa’uud, tirmidi, iyo ibnu maajah.
- Wuxuu Rasuulka noo sheegayaa tobankan casho in ay ugu fadli badan tahay maalmaha sanadka oo dhan acmaasha la sameeyaana ay ugu ajar badan tahay
- Acmaasha la sameeyo bishan waala laba laabaa waxaana ka mid ah acmaashaas
1: In la badiyo Salaada sunooyinka ah, Sadaqada, iyo dhamaan acmasha wanaagsan oo dhan, sida Baari unoqoshada waalidka, Kharaabada xiriirin tooda, iyo towbad nasuuxa ah, iyo usoolaabasho wanaagsan loo soo labto allaah iwm.
2: Badinta xuska Alle, iyo waynayn tiisa, Akhrinta Kibaakiisa quraanka.
3: Soonka, soomida sagaalkan bari ee Dul xijjah xattaa hadaysan daliil ku soo aroorin waa fadli badantahay acmaasha wanaagsan ayuuna ka mid yahay, ayadoo laga qaadanayo adilooyinka kale.
4: Xajka iyo cumrada waana kuwa ugu fadliga badan acmaal la qabto,( Hadaysan sanadkan kuu suura galin sanadka dambe qorsheeso insha allaah)
5: In lagu dadaalo Udxiyada lagana fogaado in la dayaco, ajarka weyn ee ku sugan daraadii.
فضل صوم يوم عرفة
Fadliga Yowmu Carafa.
عن أبي قتادة الأنصاري t أن رسول الله r سئل عن صوم يوم عرفة ، قال : (( يكفر السنة الماضية والسنة القابلة )) أخرجه مسلم (1)
Waxa laga warinayaa Abii Qataadah al ansariyi Allaha ka raali noqde in Rasuulka la waydiiyay, soonka maalinta Carafo, wuxuu yiri: Waxaa lagu dhaafaa Sanad tagtay dambigedii iyo mid soo socota. Waxaa soo saaray Muslim.
Allaahu akbar Ya inaga dunuub badan ? waa fursad aad u qaali ah ilaahay hana garsiiyo, waxaa dhacda haday sanadkan ku dhaafto in aad haleeli wayso sanadka soo socda, li ajli xanuun amaba ajashaadii dhamaato, marka kheyrka in lagu dagdago aad bay muhiim u tahay ileen nafina garan mayso xiligay ka galban lahayd dunida safarka lagu yahay.
Qofka muslimka ah ee muqiimka ah aan musaafirka ahayn Xaajigana ahayn yacni ku jirin gudashadii xajka waxa laga doonayaa in uu Soomo maalinta Carafo fadliga ku sugan daraadeed sidaan xadiiska ka qaadaneno labo sano ayaa lagu dhaafaya dambigooda sanad tagay iyo mid soo socda. Xaqiiqdii aad ayaynu baahi uugu qabnaa dambi dhaaf rabbi, li anna quluubteenii way engagtay dunuubteeniina farahay ka badatay, wadankaan ku dhex nool nahay waa wadan GAALO waxaan intaa arkeenaa munkar, waxan wadooyinka la mareenaa umad naclad Rabbi ku soo dagayso, Ilaahay hanaga badbaadshee aan dadaalno.
- Hada inta dhiman ka faa’iidayso isku day in aad wada soontid haddii ay kuu suurta galayso oo maanic jirin, sidoo kale isku day in aad quraanka soo khatimto, Macruufkana ku dadaal, kana fogow maalaa yacniga,
- Waan is wacnaa intaas oo saacado wada hadalnaa balse su’aashu waxay tahay imisa faa’iido baan helnaa? Hadalkeena muxuu u badan yahay ma duni mise aakhiro? Ma dhacdaa in aad saaxiibadaa wacdid oo ku dhahdid maanta maxaad qabatay oo kheyr ah ilaa intee in la eg ayaa akhrisay quraan?iwm.
- Walaalahay aan dadaalno fursadan qaaliga ah ee inoo martida ahna xooga saarno, iskuna baraarujino. Kheyr aan dhamaan ayaan idiin rajeenayaa aduun iyo aakhiro.
Baarakalaahu fiikuna wa axsanalaahu ilaykuna,
Alxamdulilaah wasalaatu wasalaamu calaa rasuuli laah.
Wasalaamu Calaykum waraxmatulaah.
Faqiiratun Ilaa Rabbihaa
Umu Naasiru Diin
|