|
WQ:Najma Saciid August 21, 2008
"Allaah ayaa mahad dhamanteed iska leh. Naxariis iyo nabad galyo ha ahaato Rasuulkii sharafta lahaa Muxamed Salalaahu calayhi wasalim. Amaa bacd"
Jidka Rabbi oo loogu yeero dadka, waxay ka mid tahay waxyaalaha ugu waaweyn ee Ummada Nebi Muxamed Salallaahu calayhi wasalim gaarka u ah ee ay kagana sharaf badan tahay ummadaha kale. Rabbi Subxaanah isagoo ummaddaan amaaanaya ayuu yiri: “ Waxad tihiin ummada tan ugu khayrka badan, taasna waxaad ku gaarteen waa Macruufka( wanaaga) oo aad fartaan iyo Munkarka oo aad reebtaan” [Ali-Cimraan 110]. Amaantaa waxay ku muteysteen wax kale maaha ee waa wanaaga oo la faraa iyo xumaanta oo la reebaa, hadii taas la waayana waxaa xaqiiq ah inaysan sifadaa wanaagsan ee Rabbi sheegay ku sifoobayn, taas oo ah “Khayru Ummah”
Mar kale Rabbi Subxaanah siiqo kale ayuu ku yiri: “ Ugu yeer jidka Rabbi xikmad iyo waano wanaagsan”[An-naxl 125]. Mar kale isagoo Rabbi Subxaanah dhiiri galinaya ayuu yiri:” Yaa ka Hadal wanaagsan qof dadka ugu yeera Xagga Rabbi sameeyana wanaag, yiraahdana waxaan ka mid ahay muslimiinta” [Fussillat 33] Waa cidna jawaabtu. Yaa ka wanaagsan qof shaqadiisu tahay siduu Ummada khayrka ugu sheegi lahaa. Qof hamigiisu yahay sidey Ummadaan u baran lahayd diinteeda, sidey u ogaan lahayd waxa ku waajibka ah iyo waxa ka xaaraanta ah. Qof har iyo habeen u taagan siduu ummaddiisa jahliga uga saari lahaa, siduu uga bixin lahaa qof macaasi ku jira sababna ugu noqon lahaa inuu daacad sameeyo, uguna kaalmeyn lahaa inuu Rabbi adeeco, ajarkiisana u socdo ilaa qiyaamu saacah. Maxaa ka wanaagsan,kana fiican in aad noqoto Daaciyun illa laah ( Qof Alle dartii diinta ufidiya)!
Dacwadu kaama rabto in aad caalim weyn oo laga danbeeyo noqoto, kumana laha sug ilaa aad cilmi dhameynayso, iyadoo la wada ogyahay in uusan cilmigu dhamaan, oo caalimka xitaa wax u sii dhiman jiraan. Sidoo kale kaama rabto in aad cilmi la’aan ahaatid, waayo markaa waxaad noqonaysaa qof danbaabay, dadkiina jaahilnimo wax ugu sheegay, taas oo sababaysa inuu lumiyo dadkii, isna lumo, taas oo ka soo horjeeda manhajka Islaamka ee ku saabsan dacwada, in aad bilaa cilmi wax sheegto waxay ka dhigan tahay in aad dhinac martay xikmadii dacwada.
Waxaa laga rabaa qofka daaciga ah, oo lagama maarmaana ah in uu fahmo dadkuu u yeerayo axwaashooda (xaaladooda) uguna yeero Xikmo iyo waano wanaagsan. Waxaa kaloo laga rabaa qofka daaciga ah in uu fahmo dadka meeshuu ka soo gali lahaa. Qof walboo Bini-aadam ah wuxuu leeyahay meel laga soo galo, muftaaxaad ku furi lahayd qof walba qalbigiisa waa in aad garataa, taas oo kuu sahlaysa in aad noqoto daaci naajix ah, kuna guuleystay muhiimadii dacwadiisa.
Dacwada Illaahay xagiisa loogu yeerayo dadka maaha kaliya in aad muxaadaro jeediso, ama ummad badan ku dhagaystaan, ama aad cashar bixiso. Intaas oo dhan way tahay, laakiin kuma koobna intaas, ee waxay noqon kartaa adoo u sheega qof walba waxaad taqaan ood ku dhaanto ee cilmi ah. Adoo qofka khaldan saxa, in ay banaanayna u sheega waxa uu ku dhex jiro ama hadduu ka gaabiyay Daacadii Illaahay, adoo isticmaalaya Xikmo iyo waano wanaagsan oo ka bilaabaya naftaada, gurigaaga, saaxiibadaa, dariskaaga, qaraabadaada iyo qof walboo aad is leedahay waad gaarsiin kartaa.
Qof walbana waa siduu u awoodo, ha ahaato dacwo si toos ah, qoraal ahaan sida sms ama e-mail ama maqaal uu qoray oo uu dhigo meel lagaga faa’iideysan karo dhamaan. Waa qof walba siduu u awoodo iyo habkuu isleeyahay habkaan baa ugu fiican. Mar walbana ula hadal dadku si ay kuu fahmaan, adoo tusaale u soo qaadanaya mar qiso ugu cabiraya waxaad rabto inaad gaarsiiso, waayo qisooyinku iyo tusaalayaashu waxay fududeeyaan fahanka, waxayna soo dhaweeyaan quluubta inay qaadato wixii wanaag ah, siduu Rabbi Subxaanah Quraankiisa marar badan uga waramo qoomamkii hore, si ay u noqoto wax lagu cibro qaato ee aysan ahaan Tasliyah bas iyo wax lagu madadaalo. Daacigu wuxuu la kulmayaa waxyaalo badan oo dhibaatooyin ah, mid caama ama mid gaar ahba ha ahaatee. Markaa marna ha quusan, marnana ha murugoon. Hadaad aragto baadilkii oo tiro badan, ha is oran dadkii way halaagsameen oo waxba ma maqlayaan, Islaamkii wuu sii daciifayaa, baadilkii wuu sii xoogaysanayaa ee ogow mar walba baadilkaa badan, laakiin xaqaa guuleysta ciribta danbena isagaa iska leh, waana Sunatul koown, guushana waxaa iska leh Islaamka walow bacda xiin (mudo kadib ha ahaatee).
Tusaalahaaguna ha noqdo Iimaamkii Dacwada, Rasuulullaah Salallaahu calayhi wasalim. Waan wada ognahay wixi ka soo gaarey dacwada iyo wuxuu ka soo maray, lakiin ugu danbayntii waxay noqotay in uu xaqii guuleysto, baadilkiina jabo. Marna ha tirin inta kaa maqashay dacwadaada iyo inta kaa diiday, ee Illaahay agtiisa ka xisaabso ajarka, Illaahayna u daa natiijada. Adigu ha caajisin hana murugoon hana is dhiibin.
Lasoco Qaybaha kale....
|