najdi   najdi 9. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:621
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Igu qaad gacmahaaga (Sheeko dhab udhacday)
WT:Nimco Cabdiraxmaan
July 16, 2007
nimco@khadijahome.com


Markaan imaaday guriga habeenkaas isaga ah, ayey xaaskeygii iikeentay casho kadibna gacantaan ku dhagay oo aan ku idhi :” wax baan rabaa in aan kuu sheego!’’ Way fadhiisatay iyada oo qunyar cunteyneysa. Markale ayaan fiiriyay oo waxaan arkay dhibaatada indhaheeda ka muuqata.

 

Waxaan garanwaayay sida aan ugu sheego. Laakiin waan ku qasbanaa in aan usheego waxaan ku fakarayo. Waxaan rabaa furitaan! Waxaan usoo bandhigay mowduucii si aayar ah. Ma aysan u ekeyn mid ay erayadeydu ka cadheysiiyeen ee waxay si dabacsan iiweydiisay sababta? Waan iska dhaga tiray su’aasheedii. Kadib way xanaaqday wayna igu qeyliday oo ay igu tidhi :” ma aad tihid nin!’’

 

Habeenkaas isaga ah islama aanaan hadlin oo wey ooyeysay. Waan garanayay in ay rabto in ay ogaato waxa ku dhacay guurkayaga, laakiin ma aanan siin karin jawaab qancineysa. Qalbigeygii waxaa qaadatay gabadh macaan oo la dhaho Dew. Markaas jaceyl umahayo xaaskeyga dibdambe. Waan ka naxay !

Aniga oo dareemaya mid aad dambiile u ah ayaan ugu yeedhay in ay ila gasho heshiis furitaan, kaas oo aan siiyay gurigayaga iyo iney ila wadaagto 30% oo kamid ah shirkadeyda iyo gaadhigeyga. Way dhowrtay warqadii kadibna way jeex-jeexday. Qoftii ila wadaagtay toban sanno oo nolosheeda kamid ah ayaa ila noqotay ‘ajaanib’. Waan ka xumaaday wakhtiga, dadaalka iyo awoodaan ka khasaariyay, laakiin ma aanan ceshan karin waxaan idhi, sababtoo ah aad baan ujeclahay Dew.

 

Markii udambeysay ayey si xoog ah hortayda ugu oydey, kaas oo aan sugayay. Waxaan u arkayay oohinteeda furasho. Fikrada furitaanka oo idabasocotay asbuucyo badan, ayaa hadda noqotay mid sugan oo muuqata ah.

 

Maalintii ku xigtay, waxaan imid guriga wakhti dambe oo waxaan u imid iyadii oo wax ku kor qoraneysa miiska. Ma aanan casheynin ee waxaan toos u aaday hurdo kadibna dhaqsaan u seexday, sababtoo ah waan daalanaa kadib markaan la soo qaybsaday Dew maalin dhacdooyin xiisa-leh. Markaan soo toosayna wali miiskii bey wax ku kor qoraneysay. Dan kamaanan galin ee waan is rogay kadibna waan seexday.

 

Aroortii markii lagaadhay ayey iisoo bandhigtay sharuudeedii furitaanka. Wax maal ah igama aysan dalbanin, laakiin waxay iga dalbatay ‘bas’ in aan iyada ihtimaam siiyo bil kahor furitaankayaga. Waxay iga dalbatay in aan bishaas u noolaano sidii anagoo is qabna ‘caadi’. Sababta ka dambeysa shuruudeedaas waxay ahayd: wiilkayagu wuxuu lahaa imtixaanaad bishaas, mana aysan rabin in uu ka qashqashaado imtixaanaadkiisaas guurkayaga burburayaa. Arintaasi waan ku raacay, laakiin waxay keensatay arin dhaafsiisan taas. Waxay iga codsatay in aan dib usoo celino ama soo xasuusano sidaan uqaaday maalintaan is guursanay ee aan ugaliyay qolka arooskayaga. Waxay iga codsatay bishaas, in aan maalin kasta ka soo xambaaro qolkayaga jiifka oo aan keeno albaabka kore ee banaanka aroor kasta. Waxaan umaleeyay in ay waalatay!

 

Si aan utuso adkeysi dheeraad ah maalmaha noogu dambeysa ee isla noolaanshahayaga, ayaan ka aqbalay codsigeedii. Waxaan usheegay Dew shuruuda furitaanka ee ay xaaskeygu iga dalbatay. Korbey uqososhay waxayna u aragtay wax aan caqliga gali karin. ‘‘ khidaday dooniba halatimaadee, waa tii furitaanka waajihda’’ ayeey utidhi si xaqiraadi ku jirto. Aniga iyo xaaskeygu isma taaban jidhkayagu, kadib markuu si waadix ah unoqday furitaankayagu. Markaan qaaday ‘xambaaray’ maalintii ugu horeysay, labadayadiiba waan isla sirgagaxnay. Wiilkayagii baa dabada naga dharbaaxay oo yidhi ‘‘ Aabo wuxuu ku qaaday hooyo gacmihiisa’’. Erayadiisii waxay igu beereen xanuun. Waxaan ka soo qaaday qolka jiifka oo aan soo dhaxmariyay fadhiga kadibna albaabkaan keenay. Waxaan ku waday gacanteyda 10 meter. Indhahey isku qabatay, waxayna igu tidhi si dabacsan:” ha usheegin wiilkeena furitaankeena”. Madaxaan gundhiyay, anoo ka xun. Waxaan ku dajiyay albaabka banaanka hortiisa. Waxay aaday meesha baska laga raaco ‘stopta’ si ay ugu raacdo shaqadeedii. Waxaan qaatay gaadhigeygii kaligey oo aan aaday xafiiskeygii.

 

Maalintii 2aad, waxay labadayadaba nala noqotay mid dhibyar. Waxay ku tiirsatay laabtayda. Waxaa ii soo carfay cadarka marsan finaanadeeda. Waxaan ogaaday in aanan si fiican ugu fiirsan qofkan dumarka ah wakhti dheer kahor. Dhalinyaranimadeedii way tagtay. Waxaa ka soo baxay wajigeeda calaamadihii coodhcoodhka, timaheedana way soo cireysanayaan! Guurkayagu wuxuu ku reebay dhaawac. Daqiiqad baan ka fakarayay waxaan ku sameeyay iyada.

Maalintii 4aad, markaan kor uqaaday, waxaan dareemay soo laabasho dareen aad u xeel-dheer. Tani waa qoftii isiisay toban sanno oo kamid ah nolosheeda. Maalintii 5aad iyo 6aad ayaan ogaaday in dareenkayaga xeelsha- dheeri uu sii waynaanayay marlabaad! Umasheegin Dew arintan. Way ii fududaatay in aan xambaaro bishii oo idil. Laga yaabo xambaaridaan xambaarayay maalinkasta in ay quwad weyn isiisay.

 

Aroor arooryaha kamid ah ayeey dooraneysay maradey xidhan lahayd. Waxay isku dayday dhawr maro, laakiin way wayday maro le’ ekaata. Kadibna way neeftuurtay ‘‘ maryaheygii oo idil way iga weynaadeen’’ Waxaan ogaaday durbadiiba in ey dhuubnaatay, taasina waxay ahayd sababta ay ‘xambaarkeedu’ iigu fududaa. Arintaasna way itaabatay. Guurkayagu wuxuu ku aasay xanuun iyo uurxumo badan qalbigeeda.

 

Si ulakac ah ayaan laacay oo aan taabtay madaxeeda. Wiilkayagii ayaa noo soo galay laxdadaas iyada ah oo yidhi: ‘‘ Aabo! waxaa lagaadhay wakhtigaad hooyo ‘xambaari lahayd’.” In uu arko aabihiis oo qaadaya hooyadiis waxay noqotay qayb aasaas ah oo noloshiisa kamid ah. Xaaskeygii waxay dhaqaajisay gacmaha oy ugu yeedhay wiilkayagii in uu usoo dhawaado kadibna isku dhajisay oo ay habsiisay. Wajigeyga waan sii jeediyay, sababtoo ah waxaan ka baqayay in aan fikradeyda badalo daqiiqada ugu dambeysa. Kadibna gacmaheygii baan ku qaaday oo aan ka soo xambaaray qolka jiifka, soo dhaxmariyay fadhiga kadibna keenay albaabkii banaanka. Gacmaheedii waxay saa uhareereeyeen luqunteyda si dabacsan oo dabiici ah.

Jidhkeedii baan si dhuuqsan iskugu dhajiyay; waxay ahayd sidii maalintaan isguursanay!

Laakiin miisaankeeda aadka ufudud ayaa i walbahaariyay. Maalintii ugu dambeysay markaan ku xambaaray gacmahayga, waan qaadi waayay talaabo. Wiilkayagii wuxuu aaday iskuul. Intaan si dhuuqsan iskugu soo dhajiyay ayaan ku idhi: ‘‘ Ma aanan ku ihtimaamsaneyn in ay nolosheenu la’dahay bas isku soo dhawaansho iyo saaxiibtinimo.

Waxaan gaadhigeygii uqaatay xafiiskeygii, oo aan ka soo booday gaadhigii si dhakhso ah aniga oo aan xidhin albaabkii. Waxaan ka baqayay in ay igu timaado wax fikradeyda badala. Waxaan fuulay jaranjartii. Dew ayaa albaabkii furtay waxaanan ku idhi: ‘‘ waan ka xumahay Dew, ma rabo in aan xaaskeyga is furno’’

Sidaas bey iidhowrtay iyada oo amakaagsan, kadibna waxay iqabatay foolka oo ay igu tidhi: ‘‘ ma qandhaa ku heysa’’ Gacanteedii ayaan ka qaaday madaxaygii oo aan ku idhi: ‘‘ waan ka xumahay Dew, marabo furitaan.

Nolosha guurkeygu waxay ahayd caajis‘boring’ sababtoo ah aniga iyo xaaskeyguba maanan qiima uyeeli jirin dhibicyada yar-yar ee noloshayada, anaga oo aysan naga ahayn in uu jacaylkayagii dhamaaday. Hadda waxaan ogaaday kadib markaan xaaskeyga ku xambaaray gurigayaga dhaxdiisa sidii maalintaan arooska ahayn, in aan saas uhayn doono ilaa iyo inta uu mid anaga naga mid ahi ka tagayo adduunyadan.”

Dew waxay u ekeyd mid markaas baraarugtay. Waxay igu dhufatay dharbaaxo kulul, kadibna qabsiisay albaabkii oo ay la dhacday oohin. Waxaan hoos oga dagtay jaranjartii oo aan raacay gaadhigeygii. Dukaankii ubaxyada ayaan aaday, kadibna waxaan udalbay xaaskeygii ‘bouquet’ ubaxyo ah. Gabadhii dukaanka gadeysay ayaa iweydiisay waxaan ku qorayo kaarka lasocda ‘bouquetka’. Waan qoslay, waxaaanan ku qoray: ‘‘ waan ku xambaari oroor kasta ilaa intaan ka gaboobeyno.’’

 

Dhibicyada yar-yar ee nolosheena waa kuwa run ahaantii qiimaha ugu fadhiya xidhiidhkeena. Muhiimadu ma aha guriga wayn, gaadhiga, maalka ama waxa bangiga kuugu jira. Kuwaasi waxay sameeyaan bay’ad wax tara ama uroon ‘farxada’ ee laf ahaanteedu ma keenaan farxada. Ee uhel wakhti aad ku-noqotid saaxiibka xaaskaaga ama ninkaaga oo isku sameeya waxyaabahaas yaryar ee qiimaha ugu fadhiya xidhiidhkiina dhisayana!


Qisadan oo asalkeeda lagu magacaabo” Carry me in your arms” ayaa waxaan ka soo xigtay daabacaada Koonfur- Afrikaanka ah ee la dhaho Al- islaah publications ama homepage-kooda everymuslim.net. Qoraaga qisadan lama yaqaano!


FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Qoyska qiso

Top 5: Qoyska qiso

Share

Comments
No Comments have been Posted.

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 736
Hilib Digaag & Makaroone 591
Peanut butter & Red C... 454
Hilib & Fuul 695
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 736
Hilib & Fuul 695
Hilib Digaag & Makaroone 591
Peanut butter & Red C... 454
Info.
Categories: 7
Reads: 2476
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

783,305 unique visits