|
WQ:Anisa Sh Ibrahim January 14, 2007 anisa@khadijahome.com
Waa Zaynab al-qazali al-jabaliy, geesiyadii cadibaadii loo gaysatay ayna ka jeedin inay diinta Alle ugargaarto iyadoo nafteeda iyo maalkeedaba u hudhay sidii diinta Illaahy ay kor ugu qaadi lahayd. Waxay ku dhalatay wadanka Masar sandku markuu ahaa 02-04-1917. Wuxuu ka mid ahaa aabaheed culimadii Azhar ee wakhtigaas, wuxuu ku rabeeyey gabadhiisa jacaylka khayrka iyo dhawrsoonaanta, wuxuu ku beeray gabadhiisa inay runta sheegto waligeed dulmigana ay diido, wuxuu baray say nafteeda iyo diinteeda u difaaci lahayd wuxuu nafteeda ku qan ciyey hubna uga dhigay iimaanka Ilaahay iyo in kalmada Ilaahay ay tahay tii markasta saraysa.
Wuxuu la doonay aabaheed oo uu lajeclaa dariiqeediina uu ku rabeeyey inay noqoto sidii ay ahayd saxaabiyadii waynayd ee la odhan jiray Nasiiba bin kacab sidaa darteed ayuu markasta ugu yeedhi jiray magaca saxaabiyadaas rc, wuxuuna uga danlahaa taas inuu gabadhiisa ku rabeeyo jacaylka diinta iyo jihaadka. Wuxuu u sameeyey Seef uu uga sameeyey alwaax, intuu seefta u dhiibo ayuu ku odhan jiray: ku dhufo oo dil cadawga Rasuulkii Alle " Calayhi salaatu wasalaam " markaasay iyaduna ku dhufan jirtay iyadoo sawiranaysa inay la dagaalamayso cadawga Rasuulka csw si dhab’ah. Farxada ay Zaynab ku faraxsanayd aabaheed kumay raagin, qadarta Alle ayaa ka qaaday aabaheed iyadoo 10 jira ayuu geeriyooday aabaheedii wanaaga iyo geesinimada ku rabeeyey. Waxay dareemi jirtay inay nolosheedu dayacantay geeridii aabaheed kadib, waxay wayday tarbiyadii iyo diin jacaylkii uu aabaheed markasta ku rabayn jiray. Mudo ka dib ayey hooyadeed ula soo guurtay magaalda Qaahira oo ay daganaayeen wiilashooda waa waayni.
Wuxuu aad ula yaabi jiray walaalkeed da’deeda yar iyo siday u shakhsiyad adkayd, markaa kadib ayuu go’aan saday inayna waxbarashadeeda sii wadin. Waxayna ku qasbanayd inay yeesho amarka walaalkeed iyadoon ka raali ahayn dhaqanka xun ee uu sameeyey walaalkeed, kaligina ma uu ahayn ee waa dhaqan cadaadisa oo dadka muslimiinta’ah kasoo galay dhulalkale inayna gabadhu wax baran, iyagoo iska dhaadhicinaya waxay ka timid diinta.
Intay sugaysay inuu u yimaado farajka Ilaahay, waxay fursad u heshay inay akhrisato kutub badan oo kala nooca, waxaana ka mid’ahaa kitaabka ay qortay Caa’isha Taymuuriya ee ka hadlaya Dumarka, waxaana u keeni jiray walaal keedii kayaraa isagooy aragtidiisu ahayd inay daruuri tahay inay gabadhu wax barato.
Waxaa timid maalintii ay Zaynab dib ugu noqon lahayd waxbarashadeedii, waxay go’aansatay inay raadsato meelay wax ka barato, waxay kasoo baxaday gurigoodii iyadoo raadinaysa madaraso ay isa soo qorto, waxay kusoo hagaagtay madaraso gabdhaha u khaasa, da’deeduna waxay ahayd wakhtigaas 12 jir, markii ay usheegtay waardiyihii madarasada inay rabto inay la kulanto Mumulaha madarasada isagoo layaaban yaraanteeda ayuu ku yidhi “ oo maxaad ka rabtaa “ iyadoo nafteeda qadarinaysa oo ku faanaysa ayey tidhi “ waxaan ahay [ sayida, iyadoo ula jeeda Miss ] Zaynab al Qazali ee lagu naanayso Nasiiba bin kacab, waxaanan balan la leeyahay mudiirka “ markaa kadib ayuu u ogolaaday inay gasho madarasadii isagoo wali la yaaban da’deeda iyo hadalkeedu siday u kala duwan yihiin.
Waxay u timid maamulihii iyadoo hadalkeedii ku bilaabatay “ asalaamu calaykum waraxmatullaahu wabarakaatuh waxaan ahay Miss Zaynab al Qazali ee lagu naanayso Nasiiba bint kacab “ isagoo layaaban kana helay xilkasnimadeeda ayuu ku yidhi “ maxaad rabtay Miss Zaynab ama Miss Nasiibaay “ markaa kadib ayey uga sheekaysay walaalkeed iyo inuu u diidan yahay wax barashada iyadoo ka dalbatay inuu ogolaado inay ardayad ka noqoto madarasadiisa, aad ayuu uga helay maamulihii gabadhan yar caqligeeda iyo hadal wanaageeda wuxuuna ka qaaday imtixaan yar kadibna wuxuu ka dalbay inay soo kaxaysato walaalkeeda yar si loo qoro madarasada. Sidaas ayeyna dib ugu laabatay Zaynab wax barashadeedii.
Lasoco wiiga danbe iyo marxaladii dhalin yara nimada Zaynab iyo siday ugu biirtay hay’adaha isku tilmaama inay u doodaan xuquuqda dumarka.
|