|
WQ:Anisa Sh Ibrahim September 21, 2008 anisa@khadijahome.com
Marka hore waxaan aad iyo aad uga cudur daranayaa qisadan oo qabyo ahayd mudo aad u dheer, cilado iska jiray darteed.
Qisada Zaynab intan wixii ka danbeeya waxay kaga hadashay buugeeda caanka ah ee ay u bixisay Maalmo kamida noloshayda. Buugan oo ay kaga sheekaynayso dhibtii iyo jidh dilkii loogu gaystay jeelka intii ay ku jirtay. Runtii maaha wax aan kusoo koobi karo qoraalo aan halkan kusoo gubiyo, sidaa darteed qofkii jecel inuu ogaado wixii ay la kulantay gabadhani waxaan kula talinayaa inuu akhristo buugeeda ay ka qortay wax kasta oo loogu gaystay jeelka, waxaadna ka heli kartaa buugeedaas halkan. Halkan riix
Waxaan kusoo gabagabaynayaa qisadeeda waxyaabihii ay qabatay Zaynab intii ay noolayd.
1936kii waxay aas aastay jimciyadii waynayd ee ay u bixisay jimciyada dumarka muslimiinta, markii danbena ka midnoqotay hogaamiyayaashii ururka ikhwan-almusliinta.
Waxay qortay kutub badan oo ay kamid yihiin.
* نظرات في كتاب الله
* أسماء الله الحسنى
* لغريزة المرأة
* إلى ابنتي
* مشكلات الشباب والفتيات في مرحلة المراهقة
* نحو بعث جديد
* شرح الأربعين النووية
& kitaabkeeda caanka ah ee ay kaga hadlaysay nolosheeda أيام من حياتي kitaabkan oo noqday mid taariikhda galay.
Waxay booqatay wadanka Sucuudiga 60jeer iyadoo u booqanaysay arimo ku saabsan dacwada darteed, waxay soo xajtay 39jeer waxayna cimraysatay 100jeer.
Waxay dacwada ku jirtay cimri aad u dheer oo lagu qiyaasay 53sano inuu ahaa intay dacwada waday.
1965 ilaa 1971 waxay ku jirtay jeelkii lagu cadibayey, iyadoo lagu xukumay inay ku jirayso jeelka inta nolosheeda ka hadhay. Boqorkii sucuudiga ee wakhtigaa boqor Faysal ayaa u dalbay in laga cafiyo jeelka sidaasayna kaga soo baxaday.
Zaynab al-qazali waxay guursatay 2jeer wax caruurana may dhalin. Ninkeedii u danbeeyeyna intii ay jeelka ku jirtay ayuu furay, kadib markii loogaystay jidh dil si uu u furo xaaskiisa isagoo aad u jeclaa. Markii ay zaynab maqashayna waxay fahantay inay ahayd dalaaq qasab ah, waxayna xaqiiqsatay kadib markii ay jeelka kasoo baxaday ee ay akhriday waraaqdii uu qoray intii uuna dhimanka hor ee uu ku sheegay in lagu qasbay inuu furo laakiinse ay xaaskiisa tahay ilaa qiyaamaha. Waxaad ka helaysaa qisadoo tafatiran buugeeda nooloshii wanaagsanayd ee ay la noolayd.
Waxay geeriyootay Allaah ha u naxariistee 3.8.2005 Qaahira iyada oo uu cimrigeedu gaadhay 88sano. Illaahay swt waxaan ka baryayaa inuu ka abaal mariyo Zaynab dadaalkaas wayn ee ay usoo gashay diinta islamka. Runtii waxay ahayd daaciyad wayn oo qudwo u noqotay gabadhkasta oo rabta inay diinta islaamka kor uqaado, waxay muujisay Zaynab in gabadha muslimada ahi ay tahay aas aaska dacwada islaamka oo haday wanaagsanaato oo ay fahanto waajibka diinteeda ka saaran inay noqonayso tii soo saari lahayd hogaamiyayaal qiimo iyo qaayo badanleh.
Halkan waxaad ka helaysaa qaar kamida video laga duubay intii ay noolayd.
|