WQ:Anisa Sh Ibrahim
anisa@khadijahome.com
Muxammed waa kii khatimay “ ugu danbeeyey “ Nabiyada iyo Rususha Alle dhamaantood
Muxammed waa Sayidkii Caruurta Aadam oodhan
Muxammed waa Nabigii Raxmada
Muxammed waxaa loo soo diray dadka oo dhan “ waa Nabigii Caalamiinta “
Muxammed waaka usaaxiibka’ah “ iskaleh “ shafaacada maalinta wayn “
Muxammed waa qofka ugu horeeya ee albaabka Jannada loo furi doono
Muxammed waakii Rabbigii swt uu u sheegay inuu dhaafay danbigiisa kii horeeyey iyo kii danbeeyeyba
Muxammed wuxuu ahaa ka dadka ugu cibaado fiican
Muxammed wuxu jeclaa “ jecelyahayna mar walba “ Digriga Alle swt
Muxammed wuxuu ahaa dadka kii ugu ducada badnaa
Muxammed Mucjisooyinkiisu way joogaysaa waligeed maadama “ inta ay “ cirarka iyo dhulku joogaan
Muxammed wuxuu ahaa dadka ka ugu dabacsan ee kibirka ugu neceb
Muxammed wuxuu ahaa ka dadka ugu wanaajin og reerkiisa
Muxammed wuxuu ahaa mid reerkiisa ugargaara oo u adeega hawalahoodana u qabta
Muxammed wuxuu ahaa mid kabihiisa samaysta maradiisana gacantiisa ku tosha
Muxammed wuxuu ahaa mid caadil’ah oo qofkasta xaqiisa siiya
Muxammed Hadii uu hadlo wuxuu ahaa midku hadla hadal wanaaga oo kooban
Muxammed wuxuu ahaa mid la fadhiista asxaabtiisa
Muxammed wuxuu mid la fadhiisa martidiisa soona dhaweeya
Muxammed wuxuu ka dadka ugu Zuhdiga badan “ aduunyo ka fogaanta “
Muxammed wuxuu ahaa mid aamus badan oo aan hadlin ilaa uu ubaahdo mooyaane
Muxammed wuxuu mid inyar qosla hadii uu qoslana gawsihiisa kabadan lama arki jirin laakiin wuxuu ahaa mid markasta waji furan oo dhoolo cadeeya
Muxammed wuxuu midka dadka ugu wanaagsan la dhaqankooda
Muxammed wuxuu mid caruuta salaama oo la ciyaara
Muxammed wuxuu ahaa kii dadajiya salaada hadii uu maqlo ilmo ooyaya
Muxammed wuxuu kii tujiya dadka isagoo sida gabadhii ay dhashay gabadhiisu
Muxammed wuxuu mid dabacsan oo aad u naxariis badan
Muxammed wuxuu Nabi u dabacsan Umadiisa iyo kuwa beeniyeyba
Muxammed wuxuu kii jecel Umadiisa
Muxammed wuxuu ahaa mid aan habaar badnayn xataa cadawgiisana ha ahaadee
Muxammed wuxuu ahaa kii dadka ugargaara ee markasta caawiya
Muxammed wuxuu ahaa kii aan diidin caruurtu haday gacanta qabsadaan si ay ula ciyaaraan
Muxammed wuxuu ka dadka ugu akhlaaqda wanaagsan
Muxammed wuxuu mid aan xanaaqin naftiisana u aar goosan hadii laga gardaraado isaga
Muxammed waligii muuna ahayn kii wax caaya
Muxammed waligii muuna wax ka sheegin cunto hadii uu kahelo wuu cuni jiray hadii kalese wuxuu ahaa kii kataga isagoon wax ka sheegin
Muxammed wuxuu ahaa kii salaanta ku bilaaba qofkii kasoo hor baxaba
Muxammed wuxuu ahaa kii la fadhiista dadka Faqiiriinta’ah
Muxammed wuxuu ahaa kii fadhiista meesha uu kasoo gaadho majliska
Muxammed wuxuu ahaa ka dadka ugu Deeqsisan
Muxammed wuxuu ahaa ka dadka ugu Geesisan
Muxammed wuxuu ahaa midka xishood badan gabadha ugubka’ah
Muxammed wuxuu ahaa kii aan waligii may ku odhan qof wax waydiistay
Muxammed wuxuu ahaa kii u dulqaata ka jaahilka’ah
Muxammed wuxuu ahaa kii u adkaysta ee u sabra dhibta
Muxammed wuxuu ahaa kii u dhoola cadeeya qofka lahadlaya waligiina aan sii hordayn isagu qof gacan qaaday
Muxammed wuxuu ahaa kii usoo jeedsada qofka lahadlaya ilaa uu kamoodo inuu isag dadka ugu jecelyahay
Muxammed wuxuu ahaa kii necbaysta in fadhiga looga kaco |