slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-2 slide-3 slide-4 slide-5 slide-6 slide-7 slide-8 slide-9 slide-10 slide-11
Login
 
Navigation
· Home
· Photo Gallery
· Forum
· IlaTali
· Dhambaalo Jacayl
· Media - Video
Dacwada
· Fanka Dacwada
· Qur'aan
· Ramadaan
Jikada-Guriga
· Cunto Karis
· Cunto Karis Sahlan
· Cunto Karis Video
· Habaynta Hoyga
Horumarka Nolosha
· Qurxinta Jidhka
· Habbaynta Nolosha
· Caafimaadka
Arimaha Bulshada
· Arimaha Bulshada
· Murti iyo Madadaalo
· Buuga Bisha
Information
· Search
· About Us
· Nala soo xidhiidh
· Shuruda maqaalada
· Wakhtiga [Caadada]
· Miisaanka Munaasibka ah
 
Quranexplorer
Halkam Riix
 
Most commented
Articles
· Aniga iyo adiga iyo ... 15
· Aniga iyo adiga iyo ... 13
· Waxaan rabaa Gabadh ... 12
· Maxay rabaan dumarka... 10
· Aniga iyo adiga iyo ... 9
· Habloow Guurka Fudud... 9
· Xasuusnow Mowdka [Ge... 8
· Tusaale unoqo Ilmaha... 8
· Kii gafuurtaag ayuu ... 8
· Fikrado roomaantik a... 7
· Aniga iyo adiga iyo ... 7
· Ha isu qurxin ninkaa... 7
· Galmada ammaanka ah 7
· Aabaha wanaagsan... 6
· Aniga iyo adiga iyo ... 6
· Hooyada Wanaagsan 6
 
Random Photo
 
Buuga bisha
Buuga u caansan
 48 su'aalood Ramd...
 Quick & Easy Dinners
 The Ten Secrets t...

Looking for something special?
Use search!
 
Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
DULINIMADA QABSATAY ISLAAMKA & MUSLIMIINTA , DABINADA CADAWGEENA & DARIIQA BADBAADO INTAAN KA FOGAANAY Q1aad
WQ: C/naasir Faarax Maxamed
11-05-2009


Maqaaladan Waxaan diirada Kusaari doonaa marxaladihii Islaamku Soo maray & gacan qabashadiisii , Marxalada uu maanta marayo & sababta keentay Inuu cadawgu Duleysto , meelaha cadawgu Inaga soo galay ee Muhiimka Ah , & Sidii aan uga bixi lahayn dulinimada Aan huwanahay & magac xumada maanta--


*Qiimaha & qaayaha islaamku leeyahay ma garan karo qofka aan aqoon dheeraad ah u lahayn gaalnimada & xumaheeda jaahiliga ah.

*Sidoo kale islaamku ma difaaco qofka aan aqoon ulahayn cadawgiisa & kuwa la dagaalamaya, islamarkaana aan diraasadayn & raadraac ku samayn qorshayaasha ay hadh & habeen la daba taaganyihiin...

islaamku waa dariiqa kaliya ee badbaadada aakhiro & aduunba , waa naxariis ku dhisan cilmi samaawi ah oo aan bani aadamka (jahliga & dulmiga isku darsaday ) aanu samayn ..... wuxuu islaamku hormood ka ahaa labadii xadaaradood ee soo maray dunidan , muslimiintuna (kuwii hore) waxay horseedeen oo ay dunidan keeneen cilmiga ,waxayna ahaayeen kuwii dadka baray cilmiga... iyagoo umaray manhajkooda toosan (kitaabka quraanka & sunnaha rassuulkooda Scw)).....gaaladii xiligaas jirtayna waxay qireen in islaamku yahay manhajka & jadwalka noolaha & nolasha , waxayna yidhaahdeen ((Hogaamiyuhu maaha midka nool ee laga danbeeyo amarkiisana la qaato ,balse waxaa hogaamiye dhab ah Muxamed Scw oo isagoo dhintay laga danbeeyo amarkiisuna (wuxuu layimid ee ah diinta islaamka) la qaato ,lana ixtiraamo laguna dhaqmo ilaa maanta ))..... Maxaase ka danbeeyey Akhristow?

Waxaa xaqiiqo ah oo aan laba isku diidi karin (mid moog ma sheegin) in caalamka islaamka dib u dhiciisu gaadhay heer aad uhooseeya oo dib u dhac & taag darro ku nool ah ,burbur xaga caqiicadada kaga dhacay , dadkii muslimiinta sheeganayayna waxay ka tageen ilihii saafiga ahaa ee ay ka cabeen dadkii islaamka kor usoo qaaday ee inaga horeeyay ,waxaanay noqdeen kuwo ka cabba biyaha ajada ah ,oo aanan aqoonin ceelka loo arooro & waraabintiisa .....

markii ummadan ay dayacday waajibaadkoodii iskuna darsadeen daciifnimo , ogalaadeen in la dulaysto ayaa waxay kaliftay in lagala wareego cilmigii & aqoontii ,waxaana laga dafiray loona diiday muslimiinta in ay iyagu cilmiga dadka bareen islamarkaana keeneen, dibna looguma soo celin cilmigii ay horseedka ka ahaayeen , kadib markii laga faa,idaystay cilmigaas & horumarkuu lahaa waliba lasii horumariyay laguna daray qiimo qarsoonaa oo loo baahnaa inaan inagu ku darno kana soo saarno ayaa waxaaa lagu soo celiyay cilmigii oo dhar reer galbeed xidhan deegaanadii muslimiinta.....

Dulinimada ku dhacday mujtamaca islaamka ayaa ah in garan waayeen in dadkan umaleegaya dabinada ee gaalada ah ay yihiin kuwii ilaahooda Swt uu 14 qarni ka hor ku sheegay Quraankiisa kariimka ah isagoo ina yidhi Swt ((Waa sida Ayga haddaad qaado afkuu luli ,haddaad eryatana wuu haraanhari)) mar kalena inoo tilmaamay Alle Oo ina yidhi Swt (( waxay leeyihiin qalbiyo aan xaqa fahmin ,indho aan xaqiiqada lagu arag ,dhego aan waanada lagu maqlin ,waa xoolahoo kale ,waaba kaba sii liitaan))Markalena ina yidhi ((Kaama raali noqonayaan yuhuuda & Nasaaradu Illaa aad raacdo miladooda & waxay rabaan mooyaane ))...

Markaa kadib wuxuu cadawga islaamku heley illaha laga weerari karo islaamka. waxay adeegsadeen dhammaan wax kasta oo suuro gal ah oo muslimiinta lagaga weecinayo diintooda , waxayna soo bandhigeen qorayaashooda rasmiga ah ama la odhan karo waxaa weeye afhayeenadooda ra,yiga ahna maskaxda reer galbeedka & ufikirayaashooduba dacaayado lagu bahdilayo islaamka . meelaha laga weerari karo islaamka nuurkiisana lagu damin karo (sida ay la tahay) kadib markii ay tageen dhulalka islaamka iyagoo ku daba gabanaya haayadahooda cilmiyaysan ,, markii ay soo darseena waxay qoreen sidan ....

Qoraaga la yidhaahdo (Qaryon) ayaa lahaa 20sano kahor (( islaamku waa gidaarka kaliya ee hortaagan isticmaarka reer galbeedka ee dunidan waana in la dabar gooyaa))

Qoraaga Kale ee la yidhaahdo (Shaatili oo ahaa mushtariq diinta Christianka faafiya) wuxuu kula taliyay reer galbeedka (( Haddaad doonaysaan inaad ka guuleysataan islaamka xoogisana burburisaan waa inaad tirtirtaan caqiidadooda ,taasoo ah mid ay kaga guuleysteen dhammaan caqiidooyinkii kale & isla waynidooda ay ku faanayaan (taariikhdoodii hore & kitaabka quraanka ah) taas ayaa ahayd sababta ay ku maamuleen aduunkan ,waa inaad ku faafisaan dhammaantooda aqoontiina & taariikhdiina , xataa haddaad heshaan kuwa moogan , maangaabka & wax magaratada oo qudha inagu filan WAAYO GEEDKU WAA INUU KUJIRAA DAABKA GUDIMADA )) ....

Haddaan hadaba soomaali nahayna waxaynu ku maahmaahnay in geed gudin la hadlaya uu ku yidhi ( Gudineey imaad jarteen Haddii aan qayb iga mid ah kugu jirin )..iyagoo kaashanaya maangaabyadeena u adeega ee ay ka weerareen maskaxda ayaa waxaa la inoogu heesay (( Ingiriiska waa lagu xaragoodaa ,Talyaanigana waa lagu hanjabaa ,Faransiiskana waa lagu caytamaa , Carabigana waa lagu dawarsadaa))..... looma baahna in la macneeyo kalmadahan balse waxaad garan kartaa in ay jirto dhaleeceyn baahsan oo lagu bahdilayo islaamka , reer yurubna waxay heleen dhalinyaro islaam sheegato ah oo ay marin habaabiyeen oo udooda danahooda kana soo hor jeedsan oo daacad ah, waxaa soo baxay mid aan kaba dhicin gaalka kana wadanisan, difaaci og xuquuqdooda , ku faani og dhaqankooda , matali yaqaana hab dhaqankooda , islaamkana waxay ku tilmaameen dib udhac , dimuqraadiyadana waxay yidhaahdeen waa sinaan & wax cusub ((wixii cusubna caalamkaa jecel))

Hogaamiyayaashii Islaamka waxaa laga xidhay il kasta oo lagu gaadhi lahaa horumar & in ay hurdada ka kacaan , wax kasta oo ay ubaahnaayeena fadhiga ayaa loogu keeney iyadooo lagu fushanayo dano gaar ahaaneed & wado karidid caddaan ah (kursiguna macaanaa dhibaato la,aan) waxayna wax ka odhan kari waayeen dhaleecaynta & aflagaadada badheedhka ah ee laga bixinayo diintooda xaniifka ah , Illaa nabigoodii Muxamed Scw loo sawiray si aad foolxun oo aan loo quudhin hogaamiyayaasha caalamka....

waxaa ciil & calaalba leh kuwa sheegtay muslimiinta ee run mooday baaqa beenta ah (xuquuqda dadka) indhahana ku eegaya miisaaniyada kala duwan ee loogu miisayo martida (galbeedka) loona adeegsanayo qodobo kala duwan oo aan dan u ahayn ,, wax aan roob ahayn ayay roob moodeen waxayna u qaateen haamo (goormuuse di,i)yaase daaqi doona cawskiisa ? maxaase kasoo bixi doona oo daaq ah ? yaase u hadhi doona midhaha qadhaadh ? ku macaanse yaa goosan doona ? daynta yaa bixin doona? dulmiguse yuu ku dhacayaa ? waa xujo aan meel haysan oo aan lahayn cago ay isku taagto .....

Balse waxaan leenahay dabargoynta islaamka ee ay ku haminayaan ma hirgalayso marnaba inta ay noolyihiin muslimiin rumeysan in ilaahay kan abuuray yahay ,diintuna tahay manhajkooda ,Rassuulkuna Scw yahay hogaamiyahooda ,shareecaduna qaanuunkooda tahay ,inta ay noolyihiin kuwa soo jeeda ee aan seexan,kuwa daalan ee aan hadana caajisin ,kuwa dagaalsan ee aan wali duulin kuwa diyaarka ah ee aan wali dagaalka galin,kuwa ogaaday cadowgooda una heelan difaaca diintooda ,inta ay noolyihiin dhalinyarada ku taagan dariiqa toosan ,dooneysana nidaam hagaagsan &aqoon waaqici ah oo ay higsadaan kuna dabaqan diintooda Marnaba ma hirgalayso ...

Inagoo Soo xiganayna Macluumaad ku Saabsan Heerka Islaamku Taaganyahay Maanta & Sababaha Kalifay Marxaladan Foosha Xun ee Islaamka Marayo Waxaynu
Qaybta Xigta Kaga Hadli Doonaa Hadduu Alle Idmo

*Meelaha rasmiga ah ee laga weeraray islaamka & Qodobada Uhirgalay Gaalada Cadaawada Ku Haya Islaamka ......

Wassalaamu Caleykum Waraxmatullaah Wabarakaatuh
 
Related Articles
 
FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Facebook Comments Dhiibo Ra'yigaaga
Comments
No Comments have been Posted.
 
Dhiibo Ra'yigaaga
Please Login to Post a Comment.
 
 
Khadija Shop
















 
IlaTalida KHome
 
KhadijaHome Facebook
 
Latest 20 Articles