najdi   najdi 8. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:620
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Aniga iyo adiga iyo Murankeena Q4aad
WQ: Anisa Sh Ibrahim
15-06-2009
anisa@khadijahome.com

Waa wakhti habeen ah oo ay ubadkii seexdeen, saacaduna waa 9kii & dheeraad, midkastaa wuxuu doonayaa in waxa uu isagu rabo la daawada.

Iyadii: kama daashid miyaa warka

Isagii: ma warbaa laga daalaa waa kusidee

Iyadii: war cusub haduu yahay waan fahmay, ilaa 2dii saacadood ee u danbeeyey isku wax ayaa soo noqnoqonaya ee dadka kale booska u banee.

Isagii: dadkee

Iyadii: anaga dee

Isagii: ANAGA oo aayar maad iska dhahdid waxbaan daawan ee isii wakhti..... dumarbaa

Iyadii: oo dumarna maxaa meesha keenay anaaba hadlayee, waxaaban la yaabaa nimankiinan doonaya uun kaligood inay waxkasta helaan.

Isagii: haye sheeko aan loo joogin imika meesha keen dee

Iyadooy sheekadu halka marayso waxaa soo dhacay tlf

Isagii: qabo kolay waa naagihii wakhtigaa warka la socon jiraye

Iyadii: iyadoo tlfka sii qabanaysa ( war afkaaga hagaajiso nin waynbaad tahaye) .... halooo... ii waran heblaayo...

Isagii: intuu ramuudkii kasoo dhuftay ( naa keen waa waxaan garanaynaye )

Iyadii: intay neeftuurtay ayey sii wadatay tlfkeedii.... ii wad sheekada heblaayooy

Heblaayo: naa tii heblaayo ahayd inuu ninkii la guursaday ma maqadhay

Iyadii: intay kor u qaylisay... naa maxaad tidhi... balaayo qaadaydu goormuu la guursaday... sawkii afrika ku maqnaa maaha...

Heblaayo: naa hoogto waliba lacagteedii ayuu kusoo guursday...

Iyadii: inkaar kugu dhacday... bal abaalkiisa eeg xayawaankaas..

Isagii: naa dadka cayda ka daa, waxba kaama galine...

Iyadii: intay tlfkii gacanta saartay... haa dhiigaa kusoo kacay haye... balaayo inkaari qaaday ah weeye... reerbuu guri usoo dhisayey ee maxaa guurna keenay meesha...

Isagii: isagoo xanaaqsan... waad istaahishiin naagihiina soomaaliyeed in 1000jeer la idinla guursado, midbaad ka hadalysaaye...

Iyadii: intay tlkii qab kusiisay heblaayo ayey isagii kusoo jeedsatay.. iyadoo indhaha ku gubaysa..

Isagii: ma runtaad ka gubanaysaa... naago aan loo talin karin ayaad tihiine...

Iyadii: ciil iyo xanaaq iyadoo la buuxda.... imisaa kuu qarsoon oo aanan ogayn tolow...

Isagii: intuu kasii jeedsaday... haa waan garanayey inaad saa odhanayso...

Iyadii: maxay ku istaahileen dumarka soomaaliyeed inaad abaalkeeda sidaa ugu jawaabtaan...

Isagii: ma xaqiisa uu ilaahay siiyey ayaad ka xuntihiin... naa caga dhigta...

Iyadii: ciilkii hayey dartii ayey ilmo indhaheeda kasoo daadatay... hadalna kasoo bixi waayey

Isagii: isagoo gacantiisa teeda saaraya... abaayo runtu way xanuun kulushahay...

Iyadii: intay gacantiisii iska tuurtay... waad istaahishiin in saliid kulul la idinku shubo...

Isagii: acuudu billaah... xaasid sanidaa macaaneey..

Iyadii: wallaahi waxaa idinka aarsaday kuwa dharkiina banaanka idiin dhiga ee fariidada ah... nin soomaaliyeed ayaa abaal yaqaana yaa yidhi...

Isagii: naagahaa dhaqanka xun tusaale ka dhigta...

Iyadii: inkaari qaadayga lacagta caruurtiisa kusoo guursaday idinkuna ku wada dayda..

Isagii: sababtuu usoo guursaday maad ogaatiin, intaad habaarka shubaysaan...

Iyadii: sabab ayaaba loo raadinayaa... hhhhh... cajiib kasta maxaa la maqli...

Isagii: hadaa ma bilaash inuu u guursadaad mooday...

Iyadii: doqonta ka yeelaysa inuu usoo noqdo hadhoow ayaaba ka xun isaga....

Isagii: hadaa ma hadalkiina aan macnaha keenayan ayey gurigeeda u dumisaa... wallee way idinka fariidsantahaye socda...

Iyadii: war socda xaqdarada aad ku haysaan dumarkiina iska daaya.. nabsigeedu mar ay ahaataba walle waaka idinkusoo baxa...

Isagii: maxaa inaga inaga galay bal dadkaas kale sheekadooda...

Iyadii: adiguba nin soomaali ayaad tahay oo waykaa suurowdaa.. hadii aynaba wax kuu qarsoonayan...

Isagii: sheekadaas kama daashid miyaa... sidaad iigu wareerisay darteed inaan u guursadaaba laga yaabaaye si aad uga hadhid sheekadaaye...

Iyadii: wallee goortaan ku dareemay ma fogayn... haa cadayso warkaaga.. caawaba lakala bixiye...

Isagii: intuu istaagay... hawlaa bari i sugaya ee ma seexanaa...

Iyadii: xaqiiqda in la ogaadaad kasii cararaysaa...

Isagii: ma seexanaysaa hurdaa aniga i haysee...

Iyadii: MAYA... iyaduu xanaaq badani hayo... diiqad ayaa iga kaa haysaba ee seen qol kuula seexdaa...

Isagii: hadaa halkeed seexan... isagoo xanaaqsan isna

Iyadii: cirkaan seexan ee idhaaf...

Isagii: waa danahaaga... inaad idishaaban ka baqi caawa ( isagoo xaalada daji isleh )

Iyadii: waad iska kaftamaysaa ee bal samee waxa iga suurooba aad aragtide....


Kadib sidaa ayaa lagu kala seexday iyadoo midkastaa xanaaq la buuxo, waxay sheekada oo dhan ka bilaabantayna waxay ahayd dadkale oo aan dantooda ahayn.

FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Sheekooyin la alifay

Top 5: Sheekooyin la alifay

Share

Comments
mohamed-kadar
on June 16 2009 09:45:59
User Avatar

dantii moog maro duug ah hortiisuu dhamaadaa!!!
Jzk laah ukhtii anisa
Siham
on June 19 2009 10:42:39
User Avatar

kkkkkkkkkkk subxaanallaah maxaa ka galay dadkale dartood bay iyagii is kugu xanaaqayaan cajiiib

Anisa Jzk khayr ukhtii fillaah
Yusra_Ali
on June 20 2009 12:03:41
User Avatar

lol) Shock Bismillaah qosaska soomalida wallahi wey dhiban yihin subxanallaah Allaah haka dulqado dhibka. Laakin shekadan waa sheko aad cajib u ah oo tusalo fiican ah ninki caqli leh wallaahi
safia_fin
on June 20 2009 15:16:33

kkk dhibata ana yarayn aya somali kala haysta ee ilahay haka dul qaado rag iyo dumar toona makala danbeeyaane. sheekadan ayaba iga yabaisay miyay hor fadhiyaya qofkii ka qoray heeheh
khalid_08
on July 03 2009 00:44:50
User Avatar

inaba caadi ma aha thanks walaalaha soo qoray
ganaane girl
on August 08 2009 12:50:10

maashaa allaah walaalaha soo qorey waad mahadsan tihiin, waa dhib heysta qoysaska soomalida ilaah hau fududeeyo , qeybaha kalana waan idinka sugeynaaclap
HODAN SHAFEC
on August 14 2009 10:38:07

scw xaaladan aadka xadasheen waa mida maanta ubadan dadka somaliyeed oo ninka iyo xaas kiisa isma afgaranayaan waxaana ugu wacan dhibka wadanka haysta daraadeed ninka meel ayuu ka hurayaa naagtana meel kale ilaah hanasoo qabooji waa dhibatasanahay aamiiiin alahayow
HODAN SHAFEC
on August 14 2009 10:44:19

scw walaalayaal hadaa tahiin raga somaaliyeed waa in aad unaxariisataa gabadha kuu dhaxda waa uma ciyaal naagta marna waa hoyadaa marna walaashaa marna ooridada oo qaliga kugu ah ee unaxariista dumarka walaalayaal naxariis ilaah ha idunku soo dajiyo amiiiiiiiiiiiiiin alahayow
HODAN SHAFEC
on August 14 2009 10:45:57

scw xaaladan aadka xadasheen waa mida maanta ubadan dadka somaliyeed oo ninka iyo xaas kiisa isma afgaranayaan waxaana ugu wacan dhibka wadanka haysta daraadeed ninka meel ayuu ka hurayaa naagtana meel kale ilaah hanasoo qabooji waa dhibatasanahay aamiiiin alahayow
abdirahman med
on August 27 2009 05:36:52

scw walaalayaal waad salaaman tihin dhamaan inta uu ilahay uu surta galiyay inay halked ama websitkan ka wacyi galiyaan umada somaliyeed melkasta ay joogan waxaa oo kale oo salaan iga muta gabdhaha iyo wilalkaa fikirkooda ka dhibanaya arimaha qoyska ,inkastoo aan laga marmayn iin ay gabdhu gursato inaan ama iin uu inanku gabdh guursato .hadaba walaala qimaha iyo qayaha lahoow hadii aan ka dhibto fikirkayga arimaha qoyska (horta ilahay baa tafiqda bixiya ,walaalayaal waxa wanagsan iin la'isfahmo wa'ayo dadka iyaga ayaa iska soo xushay oo iska soo baxay ehelkoodi iyo qarabadoodi marka waxaa wanagsan iin la'is dhagaysto oo siday wax ku hagaagayaan wax loo eego ilaahayna la'talo saarto ) waa bilaahi tawfiq

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 729
Hilib Digaag & Makaroone 577
Peanut butter & Red C... 444
Hilib & Fuul 687
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 729
Hilib & Fuul 687
Hilib Digaag & Makaroone 577
Peanut butter & Red C... 444
Info.
Categories: 7
Reads: 2437
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

779,302 unique visits