Web Toolbar by Wibiya Guriga Qoyska & Wanaaga Bulshadda - Articles: Xasuusnow Mowdka [Geerida]
slide-1 slide-2 slide-3 slide-4 slide-5 slide-6 slide-7 slide-8 slide-9 slide-10 slide-11
Login
 
Navigation
· Home
· Photo Gallery
· Sheekooyin la alifay
· Forum
· IlaTali
· Send E-cards
· Media - Video
· Buuga Bisha
· Wakhtiga [Caadada]
· Xisaabi Miisaankaaga
· Miisaanka Munaasibka ah
· About Us
Dacwada
· Fanka Dacwada
· Qur'aan
· Qisooyin dhacay
· Ramadaan
Jikada-Madbakha
· Cunto Karis
· Cunto Karis Sahlan
· Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
· Qurxinta Jidhka
· Habbaynta Nolosha
· Habaynta Hoyga
· Caafimaadka
Arimaha Bulshada
· Maqaalo Guud
· Arimaha Bulshada
Information
· Usheeg Saaxiib
· Shuruda maqaalada
· Nala soo xidhiidh
· Search
· Links
 
Buuga bisha
Buuga u caansan
 48 su'aalood Ramd...
 The Ten Secrets t...
 Quick & Easy Dinners

Looking for something special?
Use search!
 
IlaTalida KHome
 
Mailing list KHome
Newsletters are for registered members only.
 
Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Xasuusnow Mowdka [Geerida]
WQ:Najma Saciid
2009-07-18
najma@khadijahome.com


Mashquulka aduunku ma dhamaado. Riyadiisu ma dhamaato. Beri u dhigista camalkii manta ka daran. Ilowshaha Mowdkuna ka sii daran waxaan xasuusanaa marka qof naga dhinto ama aan xanunsano.. isaguse waa mowdkiiye nama ilowsana markuu na soo booqdana mayeelo ii dib dhiga , isug . howl yar baa ii hartay. Waxbaa Iga kala dhantaalan oo qabyo iga ah Waa waqti go,an waa cumri go,an , wax laguma daro waxna lagama dhimo,, waa safar qasab ah oo aadan adigu lahayn waydiinteeda , ma aadnaa meel heblaayo , maya maanta ma aadi karo berri nooga dhig, mashquul ban ahay hada ma aadi karo, lacagtaa igu yar.

 

Mowdka sidee u xusuusanaa mar walba si aan iskugu ilaawin aduunkaan , qofka mowdka xasuustaa marna iskuma ilaawo aduunkaan ee wuxuu ka dhigtaa doontii uu kaga gudbi lahaa badda si uu u badbaado , hadaa tiraahdo ka waran dabbaal kaliyaan kaga gudbayaa badda intaa le,eg oo ku tagayaa dhinaca kale adoo wadan doon ama markab , soo maaha wax aan caqliga galeyn , sidoo kale aduunkaan aan joogno waxaa looga gudbaa si loo gaaro daaarta badbaadada waa camal saaalix ah

.

Ma rabtaa inaad xusuusnaato Mowdka mar walba iyo xilli walba , mowdka oo la xasuustaa waxay qofka u sahlayaan inuu u diyaar garoobo aduunkaan markuu ka tago ee uu tago daarta nagaanshaha wixii anfici lahaa , mowdku ma kala yaqaan qof yar , mid weyn , mid aroos ah mid safar ah, mid hada dhashay, mid 100 jira , hadaba si aad u xasuusato mowkda isku day inaa sameyso arimhaan.

 

1. Soo iibso kafantaada gashana kabarka sida dharka kale , dharka labiska , dharka hurdada , dharka waqtiga qabowga , kuleylka , sidoo kale Kafantaada haka mid noqoto dharkaaga kabarka kugu jira , si aad u xasuusato inay ka mid tahay dharkaaga

,,

2. Dardaaarankaaga qor , hana kuu yaalo meel la ogyhay una sheg dadka kula nool hadaan dhinto hala ii soo duceeyo ha la iga bixiyo waxas baa la igu leeyahay , qor wxii dardaaran ah , kuna dar waliba inaa ka dalabto qaraabadada inay kugu duceeyaan inuu Rabbi ku sugo habenka ugu horeysa ee aad qabriga ku hoyato , hoyigaaga runta ah

,,

3. Telefonkaaga ku xifdiso inuu ku xasuusiyo maalin walba ama todobaaad walba hal mar ha noqotee, mesege aad ku qortay mesege kaa waa midaa adigu isku qortay oo aad leedahay, hebeloow ,x asuuso geerida ha isku ilaawin aduunkaan , taas waxay kaa saacideysaa inaad mar walba xasuusato mowdka una camal fasho wixii aad ku badbaadi lahayd

,,,

4. Qolkaaga jiifka meel muuqata ku qor aayaadaha ka hadla mowdka sida , (Kullu nafsin daaiqatul mowd _ ama ayada ah ( qul inala mowta ladii tafiruuna minhu fa ,inahu mulaaqiikum) si aad u xasuusto uguna tala gasho daqiiqad walba inuu kuu imaan karo, ileyn waa safar qasab ahe , mana aha wax lagu dooransiinaayo oo lagu leeyahay ma dibaa laguugu dhigaa mise diyaar baa tahay

,,?

5. Booqo qabuuraha asbuuc hal marba ha noqoteee , si aad u xasuusato mowdka , si aad u ogaaato in adna maalin ay noqotaba aad ka mid nqoon doonto dadka lagu soo booqdo meshaan , u ducee maytada , adna duceyso in Rabbi kaaga dhigo qabrigaaga , beer ka mida beeraha janada kaana badbaadiyo cadaabtiisa,, waaa fikrado kugu saacidaya inaa mar walba niyada ku hayso waayo aduunka mashquulkiisa ayaa badan lakin waxaan kaa mashquulayn adna haka mashquulin ee ogoow lana soco kuna xisaabtan in maalin uun u ku soo booqan doono siduuu u soo booqday qayrkaaaaaa, Aloow ka yeel qabuurteena Rowdatan min riyaaadil janah walaa tajcalhaa xufratan min xufari naar aamin aamin

 
FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Facebook Comments Dhiibo Ra'yigaaga
Comments
HODAN SHAFEC
on October 24 2009 08:20:32

scw walaal waa mowduc xaq ah oo qofkasto dhadhaminaayo kulu nafsu daqatul mod ilaah ajir iyo xasanaad hakaa siiyo xasuusta motka nafta waa in ay dareentaa gorwalbo .
zubeida
on September 17 2009 06:45:50

As Wr Wb

masha allah jzk khayr: xabiibti waa maawduc fiican ilahay ha kaa awaal mariyo.
Siham
on August 10 2009 09:52:49

Asc wr wb

Masha allaah jzk khayr ukhtii Najma sida wacan ee aad inoogu bararujisay geerida xaqa ah rabbi baanu ka baryenaa inuu khatumadayada wanaajiyo Aamiin yaa allaah
umu zak
on August 09 2009 23:06:14

ukhti fil islam assalamu calaykum jazakalahu khayran.
ilaahay waxaan ka baryaynaa inaan wax ku qaadano qodabadan wan wanaagsan eed halkan ku xustay. dad waxaa ugu wanaagsan qofka geerida ku xusuusiya.i)
Joqo Laki
on July 28 2009 17:27:44

Asslama caykum_? walaall allah ha ka abaal mariyo Najma

sidaad noo xasuusisay muwdka iyo sharudihiis mashallah

waa maqaal aad u ah cajiib badan ee walaall allah (swt* ha

kugu badalo ajar adiga dhamanin if iyo aakhiraba .......w-

tawfiiq ..wcs wr wb
S@H@L
on July 25 2009 22:24:28

Ascwrwb

Masha'ALLAH wa maqal xaqiiqdii aad iyo aad muhiim u ah.. ALLAH SWT Ha Inaga Yeelo Geerideena Mid Khatuma Wangsan ku dhimata Qabrigana Inoo waasiciya..Aameen
wardo
on July 22 2009 17:25:48

asc wr wb walaal najma jzkl kheyr waa wax aad u muhim ah mowduuca aad noo doortey waa lagama maarmaan geerid waa wax in badan oo inaga ka mida aan iloowsanahay allah ayaan waxaan weeydiisaneynaa idinka iyo inagaba in uu qaatumo fiican inagu dilo reer khadijohome waa walaalo alle darti isu jecel masha,allah asc wr wb
Muxsin
on July 18 2009 13:10:38

Bissmillaah.

Assallaamu calaykum waraxmatullaah.

Jazzaka Allaah kheyr ukhtii Najma, sidaad noo xasuusisey geerida xaqqa ah...

Allaahuma adaanu ku waydiisanaynaa towbo geerida ka hor, Allaahuma geeridanna raaxo nooga yeel.

wassalaamu calaykum waraxmatullaah.
 
Dhiibo Ra'yigaaga
Please Login to Post a Comment.
 
 
KhadijaHome DATING
 
Halkam Riix
Quran Explorer
Xadgudub copyright
 
Latest 20 Articles
 
Articles
 
Most commented
Articles
· Aniga iyo adiga iyo ... 15
· Aniga iyo adiga iyo ... 13
· Waxaan rabaa Gabadh ... 12
· Maxay rabaan dumarka... 10
· Aniga iyo adiga iyo ... 9
· Habloow Guurka Fudud... 9
· Xasuusnow Mowdka [Ge... 8
· Tusaale unoqo Ilmaha... 8
· Kii gafuurtaag ayuu ... 8
· Fikrado roomaantik a... 7
· Aniga iyo adiga iyo ... 7
· Ha isu qurxin ninkaa... 7
· Galmada ammaanka ah 7
· Aabaha wanaagsan... 6
· Aniga iyo adiga iyo ... 6
· Hooyada Wanaagsan 6