Web Toolbar by Wibiya Guriga Qoyska & Wanaaga Bulshadda - Articles: Waxaan rabaa Gabadh RAALIYO ah!
slide-1 slide-2 slide-3 slide-4 slide-5 slide-6 slide-7 slide-8 slide-9 slide-10 slide-11
Login
 
Navigation
· Home
· Photo Gallery
· Sheekooyin la alifay
· Forum
· IlaTali
· Send E-cards
· Media - Video
· Buuga Bisha
· Wakhtiga [Caadada]
· Xisaabi Miisaankaaga
· Miisaanka Munaasibka ah
· About Us
Dacwada
· Fanka Dacwada
· Qur'aan
· Qisooyin dhacay
· Ramadaan
Jikada-Madbakha
· Cunto Karis
· Cunto Karis Sahlan
· Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
· Qurxinta Jidhka
· Habbaynta Nolosha
· Habaynta Hoyga
· Caafimaadka
Arimaha Bulshada
· Maqaalo Guud
· Arimaha Bulshada
Information
· Usheeg Saaxiib
· Shuruda maqaalada
· Nala soo xidhiidh
· Search
· Links
 
Buuga bisha
Buuga u caansan
 48 su'aalood Ramd...
 The Ten Secrets t...
 Quick & Easy Dinners

Looking for something special?
Use search!
 
IlaTalida KHome
 
Mailing list KHome
Newsletters are for registered members only.
 
Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Waxaan rabaa Gabadh RAALIYO ah!
WQ: Anisa Sh Ibrahim
25-07-2009
anisa@khadijahome.com

Markaad waydiiso niman badan oo guurdoon ah oo soomaaliyeed gabadha uu rabo inuu guursado sifooyinkeeda wuxuu kuugu jawaabayaa, waxaan rabaa gabadh raaliyo ah! Markaad sii su’aasho raaliyo waxay tahay sharaxeeda, qaarbadani waxay ku jawaabaan raaliyo waa raaliyo, qaarbadanna way ku kala fikir duwanaadeen gabadha raaliyada ah sifadeeda. Hadaba raaliyooy yaad tahay.


  • Gabadha aan guursanayaa waa inay ahaataa mid aan hadalkayga hadal ka daba keenin. Markaan hadlayo waa inay iyadoo khushuucsan i hor timaadaa iyadoo hoos eegaysa. Xaraf kasta oo aan farana waa inay isla markiiba ku dhaqaaqdaa iyadoon hadal kasoo celin. Raaliyadaydu waa taas.
  • Gabadha aan guursanayaa marka ay ila hadlayso waa inay hadalkeeda hoos u dhigto, maadaama oo ay naagtaydii tahayna waa inayna ila doodin, ila murmin, igu qaylinin, i karaahiyeysanin, cadhadeedana waa inayna itusin marnna. Raaliyadaydu waa taas.
  • Gabadha aan guursanayo waa inay ogaataa inaan anigu iska leeyahay inta Ilaahay ka sokaysa, sidaa darteed si kasta oo aan ka yeelo waa inay iigu dul qaadato hadal la’aan. Raaliyadaydu waa taas.
  • Maadaama oo ay diintu ii ogolaatay inaan maamulo iyada, hadaan i dhaahdo albaabka ha gaadhin waa inayna gaadhin, hadaan i dhaahdo maanta oo dhan idul taagnow waa inay samaysaa, hooyadeed oo sakaraada hadaan idhaahdo ha u tagin waa inay hadal la’aan i maqashaa. Gidaarka madaxa u sii jeedi 24/7 hadaan i dhaahdo waa inay samaysaa. Aniga Raaliyadaydu waa taas.
  • Raaliyadaydu aniga waa sidan, sida wax loo qoro waa inayna aqoon, wixii aan anigu cilmi u baro mooyaane cilmiga kale oo dhan waa inay ka dhago la’aataa, afcarabi hadaan kula hadlo waa inay moodaa inaan aayad quraana u akhrinayo, Raaliyadaydu waa taas mida jaahilada ah ee aan anigu sidaan rabo wax u baro.
  • Gabadha aan guursanayaa habeenka u horeeya waa inay i dareensiisaa inaan ahay sayidkeedii, sidaa darteed waa inay gacanteeda kusoo qaadato ushii aan ku edbin lahaa. Raaliyadaydu waa taas.
  • Raaliyadaydu aniga waa mida iyadu gacanteeda iigu soo xusha gabadhii aan la guursan lahaa. Taas weeye Raaliyadaydu.
  • Aniga raaliyadaydu waa inay ahaata mida markasta ka fikirta sidii ay ii raali galin lahayd aniga bas, waa inay ahaataa mid aad ii kool koolisa, markastoon guriga soo galo waa inay ii diyaarisaa musqushaan ku qubaysan lahaa waa inay diyaar sii ahaataa, cunto midii ugu macaanayd waa inay iisii diyaarisaa, ubadka buuqooda waa inay iga ilaalisaa, guriga iyo nafteedana waa inay sii giijisaa. Raaliyadaydu waa taas.
  • Raaliyadaydu aniga waa inay noqotaa mid dadka kala hadasha bas inta aan anigu u ogolahay bas, waalidkeed hadaan necbahay xataa waa inayna la xidhiidhin maadaama oo aan anigu qawaam u ahay. Raaliyadaydu waa taas.
  • Raaliyadaydu aniga waa mida lacagta aniga iga sugta, maalkeeda iyo nafteedaba waa mida ii hibaysa. Hadii ay lacag leedahayna waa inay iga idin qaadato waxay ku samaynayso lacagteeda. Raaliyadaydu waa taas.

Hadaladaas aan soo sheegay oo dhan iyo kuwo kasii badan oo aan soo koobi karin, waa hadalo ay ku riyoodaan in badan oo kamida nimanka guurdoonka ah. Hadaba Raaliyooy maxaad tahay, ma sida kor ku xusan mise si kale oo aan la aqoon, akhristahaan jawaabta u daayey.

 
Related Articles
 
FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Facebook Comments Dhiibo Ra'yigaaga
Comments
yaabane
on September 12 2009 23:13:56

Ascwrwb

To: Anisa Sh Ibrahim

Walaal horta khayrr fara badan Allaaha kusiiyo ( Aamin ).
Wax badana waan qoslay, wax badana waan yaabay, laakiin gabdhihii baad nagu dirtay, tusaale ahaan gabar aanan waligeed guursan oo akhrisa qoraalkan, guurkaba way ka baqaysaa oo waxayba moodeysaa ragoo dhan inay saan yihiin. waana mahadsan tahay walaalkaa

shiino34@hotmail.com

waxaad tahay gabar caqli badane, bal soo qor gabdhahana waxay raali galiye u yaqaanaan. ll,,,,l


wscwrwb
amina
on August 26 2009 00:32:12

asalamucaleykum dhamantiin
salaan kadib wey ku mahadsantahay walaasha inoo soo diyarisey maqalkan sida adka ah u xiisaha badan intaa kadib waxan layaby kan dhahayo ineysan waxba aqoon oo aay jahilad tahay ayaan raliyo u aqaan walal sidee ilamahaga u tarbiyeen maxaa yeeley waa hooyo meesha ay tarbiyada koowad ka imaato oo sidey bey ilaah u caabudi inlaalilah wa inaa ilayhi rajicoon walala sidaa fikirkoodu yahay way qaldanyihiin allah hanunsho wan kumahdsanyahay walalka sida fiican u sharaxay raliyo waxay tahay asc.
umu zak
on August 10 2009 00:00:17

[asalamu calaykum dhamaantiinba

Aniisa oo ah qoraaga maqaalkan,dadka maqaalkan fikrada ka dhiibtay khaasatan c/naasir iyo ugu danbayn akhristayaasha maqaalkan dhamaantiinba waa salaamantihiin. runtii waa qoraal aad u xiiso badan in kasta oo aanan wax comments ah aanan ka gaysanayn waayo shakhsiga c/naasir la yiraahdo ayaa taabtay xaqiiqdii raaliyo sifooyinkeediina dhameeyay aadna waan ugu faraxsanahay alxamdulilah , waxaanan leeyahay jazakallahu khayran.clap
Sharmaarke Ahmed
on August 09 2009 13:40:03

maqaalkan waxaad moodaa inuu dhinac u janjeedho inkasta oo uu khaladaad raggu aaminsanyihiin kujiraan haddana waxaa kujira qaar badan oo aan macquul ahayn ama aan ka suurtoobin qof bani aadam ah oo muslim ah ,.

siday doontaba ha ahaatee khalad wuu jiraa waxaase haboon in aan dhab u ogaano in khalad iyo dulmi oo dhan aynaan ragga dhabarka usaarin islamarkaana qirno in bani aadamka oo dhan khaladka wadaago .

Hablaha qaarkoodna yaysan aaminin in ragga soomaaliyeed oo dhan ay yihiin caynkan kor kuxusan ama raaliyo uyaqaana sida kor ku xusan , balse ay jiraan kuwo badan raaliyo uyaqaana sida walaalaha hore u cadeeyeen (cnaasir iyo khaalid) .taasna waxaan kawadaa in aydnaan gayaankiina ka qaadin sas kana aaminin fikir khaldan.
wardo
on August 09 2009 10:55:27

asc wr wb walaal raaliya taas ma aha wa mida shanta waqti tukata soonta ,adeecda ninkeeda waxaan macsi ahayn laakiin 24/7 derbiga madax ha ku hayso ma guantamano bay ku jirtaa mida kale adigu ma xabsiyad ka shaqeeyn jirtey naxariis yarida anig anig uun baad haysaaye meedey iyadii allah ka baq oo haddi raaliya ku adeecdo eebe kugu irsaaqo si wanagsan oo diinta waafajisan ula dhaqan wa bilaahi towfiiq
sakiina
on August 07 2009 06:57:08

asc walaal marka hore waxaan salaamayaa reer khadija oo dhan waayo hada kahor maan ra yi kadhiiban

maashaa allaah walal ilaahay hakaa abal mariyo maqaalkan aadka u faa iidada badan ee runtii ah mid loobaahnaa waayo si loo ogaado bal fikradaha ay ragu kaqabaan raaliyo nomada walaal allah hakaa abaal mariyo mar labaad ragii waad naga dhiciseene www
nasroruun
on August 01 2009 12:52:58

asc!
laa ilaaha illa laah. Xaasidsanaa nimanka sidaan rayigooda yahay. Adoon ha ii noqoto waaye waxooda.Waxaan rabaa kugu sameeynaa waa inaad aqbashaa......

waad mahadsantahay Aaniso waa maqaal fiican.
FATIMAH3
on July 28 2009 16:02:13

Assalamu caleykum waraxmatullahi wabarakaatuhu.

dhamaan walaalaha waxaan kusalaamaya salaanta ko kuxusan, bacdaa salaan anisa walaal maqaalkaaga aad ayaad ugu mahadsantahay , walaalaha aminsan raaliyanimadana inay saas tahay aadbay u qaldanyihiin Allah kheyr fara badan hasiyee raalinimaa waxay tahay waxaa aad u qexey walaalka cabdinasir Alaah hanoo badiiye amthaashiisa , wasalamu caleykum waraxmatullah
Muumino
on July 27 2009 21:32:46

salaamu caleykum.

la isku raac guurdoonkaas inuu yahay mid khaldan , hadana yaynaan ilaawin inuu kamid yahay guurdoonkaas ragga oo uu sidaas ku rabo gabar islaameed oo uu nolol la wadaago kulana wadaago qaabkiisa uu rabo.

waxaan umalaynayaa inuu macnaha raaliyo u qaatay in ay wax kasta oo uu ula yimaado ay fulin doonto raalina ka tahay dulmiga , gidaarka madaxa saar sidii askartii iyo wixii la mid ah.

maan arag guurdoonkaas balse waa mid laga soo dhex heli karo ragga soomaaliyeed waanan ku kalsoonahay middaas.

walaalka cnaasir waa mahadsantahay raaliyo sawirka wanaagsan ee aad ka bixisay ee quruxda badan.
ilaahayna ha naga garansiiyo wanaaga oo dhan , inagamana yeelo kuwo is dulmiya.

Aniisa Waad mahadsantahay xabiibti adna waa maqaal fiican

wsc waraxmah
Bashiir_mahdi
on July 27 2009 19:37:43

marka hore aaad iyo aad ayaan u salaamayaa gabadha kor ku xusan ee odhaahda kor ku xusan nooso qortay wayna ku mahadsantahay runtii odhaahdaa dadka aaminsan waa dad aad iyo aad u marin habaabsan waxaana dhihi lahaa allaah subxanahu watacala ha u soo laabtaan hana dambi dhaaf waydiistaan walaalka kor ku xusan khayr illaah ha siiye ayaa hadalkiiba dhameeyay waayo siyaadkii raaliyo lagu yaqiinay oo dhan ayuu kor ku xusan aad iyo aad ayuuna u mahadsanyahay gabadhii ixtiraam leh ee illaah ka cabsi leh ee dhaqan suuban leh ee sharafta dadka u dhow iyo kuwa ka fogba ayaa raaliyo ah walaalayaal aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin<<<<<
 
Dhiibo Ra'yigaaga
Please Login to Post a Comment.
 
 
KhadijaHome DATING
 
Halkam Riix
Quran Explorer
Xadgudub copyright
 
Latest 20 Articles
 
Articles
 
Most commented
Articles
· Aniga iyo adiga iyo ... 15
· Aniga iyo adiga iyo ... 13
· Waxaan rabaa Gabadh ... 12
· Maxay rabaan dumarka... 10
· Aniga iyo adiga iyo ... 9
· Habloow Guurka Fudud... 9
· Xasuusnow Mowdka [Ge... 8
· Tusaale unoqo Ilmaha... 8
· Kii gafuurtaag ayuu ... 8
· Fikrado roomaantik a... 7
· Aniga iyo adiga iyo ... 7
· Ha isu qurxin ninkaa... 7
· Galmada ammaanka ah 7
· Aabaha wanaagsan... 6
· Aniga iyo adiga iyo ... 6
· Hooyada Wanaagsan 6