najdi   najdi 8. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:620
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Naagtii markaliya ayey qaraxday reerkiina way dumisay…!Q1aad
WQ: Anisa Sh Ibrahim
17-10-2009
anisa@khadijahome.com

Sidii ay u joogtay ayey maalin kaliya qaraxday sidii bac la afuufay, kadibna reerkii iyo wixii ay ahaayeenba way burburisay iyadoon ka fikirin natiijada ka iman doonta ficilkeedaa. Naagtii way isku buuqday oo waali ayey in yar u jirtaaye quraan hala saaro ayaa lagu wada dhawaaqay.... Caruurta guriga halaga kaxeeyo intayna dilin.... Dumar wadaadada cunto u kariya haloo yeedho... horta mala is waydiiyey gabadhu inay caadi tahay iyo in kale maxaynu la dagdagaynaa...... Maya ninkeedii ayaaba wax loo saaray oo ayna arki karinba ee sideed u hadlaysaa....

Wadaado ayaa la keenay gabadhii iyadoon la su’aalin sideey wax u jiraanba... isla markiiba maryaa lasoo saaray kadibna quraan ayaa hareeraha lagala fadhiistay. Maadaama oo qur’aanka lagu dago gabadhii maalmo ayey iska aamusnayd iyadoo dagan, ninkii iyo caruurtiina ay guriga sidoodii hore ugu soo noqdeen. Sidii caadada u ahayd ayuu ninkii siduu samayn jiray uu ku noqday, wuxuu iska dhaadhiciyey naagta shaydaan ayaa maalmihii galay sidaa darteed ayey la qaylinaysay waxna la jajabinaysaye, adiga ciladu may ahayn.... sidaa ayuu isku qanciyey.

Maalmo yar kadib ayuu maalin guriga soo galay gurigii oo ay ciyaalkii is dhex yaacayaan, gurigii oo aad moodo inay dad isku laayeen. Isla markiiba wuxuu ku dhawaaqay hooyadiin meeday maxay guriga idiinku eegaysaa.... guriga gudaha markuu usoo galay wuxuu arkay iyadii oo sofa-ha ku jiifta oo timaheeda ku ciyaaraysa. Intuu xanaaq buuxsamay ayuu markaliya ku dhawaaqay....naa ma waalidii ayaa kugu soo noqotay maxaad caruurta sidan ugu eegaysaa. Sidii ay rabtay ayeyba sheekadu u noqotaye, markaliya intay soo booday iyadoo ciilka ka muuqda uu dad dili lahaa ayey qaylo af labadii yeedhay, HAAAAAAA waan waashay ee hawada ii banee, intay tidhi ayey miiskii hor yaalay gidaarka ku tuurtay iyadoo wali qaylinaysa, intuu isagiina garbaduub u qabtay ayuu qol kusoo xidhay isagoo caruurtiisii kuleh banaanka u baxa oo kusoo ciyaara. Isla markiiba wuxuu diray tlf uu ugu yeedhayo ehelkeedii isagoo leh gabdhiinii way waalatay ee soo gaadha.

Hmmmm gabadhu maxay la waalatay oo sidan uga qaylisiiyey, horta miyey waalatay mise wax kale ayey la qaylinaysaa oo cid waydiisa ayey la’dahay, bal sanado yar kahor sidii ay reerkani u noolaayeen aan dib ugu noqono.


Iyada oo uu daal aad ubadan ka muuqdo ayey fadhidaa qolka dhakhtarka lagu sugo, afka ayey kolba gacanta saaraysaa iyadooy maskaxdeeda ay ka guuxayso.... uur 3aad ilmo 3aad... Ilaahoow ii ceeb astur... wax yar kadib iyadoo cago jiidaysa ayey kasoo baxday qolkii dhakhtarka, meel ay joogto iyo meel ay marayso isma oga, maskaxdeeda waxaa kasii qaylinaya.... kuwii horeba sidaan ku dhalay Ilaahay ayaa ogaa ee kana ma anigaa u taag haya... maxaan yeelaa doqonkii dhalayna siduu yahay waan ogahaye... sidii ay usoo socotay waxay isku tuurtay sariirtii hurdada, xubin kasta oo jidhkeeda kamid ahi waxay la qaylinaysaa daal iyo silic... waxaa kasoo daadatay ilmo kulul oo ayna ogayn sababta ay uga timid, intay soo fadhiisatay ayey dhabanada qabsatay iyadoy wali ilamadu ay ka daadanayso... intay kacday ayey gidaarka ku tiirsatay iyadoo isla hadlaysa... ma doqonkii aan ogaa ayaan ilmo kale udhali maantana... hadana sariirtii ayey kusoo fadhiisatay iyadoo ilmada iska tirtiraysa... acuudubillaahi minashaydaani rajiim intay tidhi ayey istaagtay... intay caloosheeda si naxariisleh gacanta usaartay ayey tidhi ma nimcada ilaahay ayaan ka ooyayaa, illaahoow isaamax...


Iyadoo wali iyadu isku maqan ayaa la soo garaacay albaabka, markay furtayba waxaa hortaagan gabadh ilmo sanad jira gacanta ku sidda.... oo waabad joogtaa.... intuu ilmihii isku soo tuuray ayuu ku dhagay hooyadiisa murugaysan.... raali noqo walaal waan yara mashquulsanaaye intay ugu jawaabtay gabadhii ayey albaabkii xidhatay... ilmihii ayey isku duubtay iyadooy ilmadu laabteeda qoysay... Lasoco

FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Sheekooyin la alifay

Top 5: Sheekooyin la alifay

Share

Comments
nasroruun
on December 21 2009 20:29:03
User Avatar

Waaw, sheeko qatar ah waaye. Laakiin qaybti labaad waad kla soo daahday. Please, qeybta labaad soo galiya. Sheeko xiiso badan waaye. Thanks Anisa
abdiaziz
on January 28 2010 10:08:54

Aslaamu Caleykum

Maashaa Allah Jazakumullahu Kheyr Ukhtii Anisa waa sheeko qosol badan fadlan qeybtii labaad si deg deg u soo gudbi insha allah

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

Awesome! Awesome! 67% [2 Votes]
Very Good Very Good 33% [1 Vote]
Good Good 0% [No Votes]
Average Average 0% [No Votes]
Poor Poor 0% [No Votes]



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 729
Hilib Digaag & Makaroone 577
Peanut butter & Red C... 444
Hilib & Fuul 687
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 729
Hilib & Fuul 687
Hilib Digaag & Makaroone 577
Peanut butter & Red C... 444
Info.
Categories: 7
Reads: 2437
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

779,128 unique visits