najdi   najdi 9. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:621
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Ima fahamsanid [Xabiibi] DHAMAAD

WQ:Najma Saciid

26-10-2009

najma@khadijahome.com


Assalamu calaykum waraxamatu laahi wabarakaatuh.

.Alxamdulilaah wabihi nastaciinu calaa  umuuri dunyaa wadiiin    wabacd…

Allah  Subaxaanahu watacaalaa  wuxuu ka  yeelay   Mawadah iyo Raxmah  aasaaska  nolosha  qoyska  ee dhabta ah  .nolosha la dhihi karo waa nolol ku dhisan Sacaado . waxyaalaha   yar yare e ka dhex dhaca  qosyka   nolol maalmeedkooda waxay ka mid  yihin  dabeecadaha basharka   . lama orana karo   wax is khilaaf ah ama wax  xurguf ah kama dhex dhacayaan qoyska  sacaadada ku nool ,  sidaa  darted   Cudur daarku waaa  dhayida   nolosha  laga dhayayo wax walboo u keeni kara   in mushkiladu sii dheeraato.    Si doonta  noloshu ugu  socoto  dariiqeedii caadiga ahaa …

Waxaa jirta  su,aal la is  waydiin karo  taasoo ah. Yaa bilaabaya Raaligelinta ?ma  zowjka  ma zowjada ?   waxan maqalnaa  mararka qaarkood Ragga qaar ka mida   oo rumeysan  in cudur daaarku  yahay wax hoos u dhigaya   ragganimadiisa

ama  ay yareysanayso xaaskiisu haduu ku yiraahdo waan ka xumahay,   . ama uu   u muuqanayo mid hooseeya   xaaskiisa horteeda  ,  mar walbaa kan   gardaran  ayaa ah inuu  sameeyo    Raali gelinta hadii kiii laga  gardarnaa uu ku hor marana way ka sii fican tahay waayo  Rasuulku salalahu calayhi wasalim , markuu ka hadlayay   2da qof ee muslimiinta ee  xumaan dhex marto  wuxuu tilaamamay in 3maalmood ka badan   aysan  haboonayn inay kala aamusnaadaan waliba wuxuu sii dhiiri geliyay inuu ajar badan yahay kan bilaaba salaanta ,, sidoo kale  waxaa laga yabaa  in xaaskii tiraahdo  daaiman waa aniga midda bilowda  cudur daarka  , imisaaan  cudur daaartay? Xuquuqdaydiina la duudsiiyay. Waxaan siyaadsaday oo dacfi ahayn ma arag. Cinaadka iyo isla weynidu waaa asbaabaha ugu weyn ee dumiya   guryaha…waxaa lagama maarmaan ah  in   aan ka yeelno guryaheena kuwo ku dhisan oo ku taagan  isfaham. Naxariis.jacayl. ay wadaaagaan lamaanayashu ..

Dariiqa ugu  sahlan waa adoo si toosa u yiraahda  waan ka xumahay wxiii dhacay. Ii cudur daaar waan khaldamee.  I saamax.  Kama dhigna ereyadaan in midkood ka guuleystay kan kale,waxaa jirta wado kale oo aan toos ahayn wayna ku kala duwan yihin  habkaan raggaa iyo dumarku


Habka Cudur daarka   Haweenayda.


Markuu ka soo laabto  zowjku  shaqadiisa waxay u diyaarisaa cunto aad u macaaan   oo nafta  fureysa . iyadoo ku dadaaalaysa  diyaarinteeda waaaba iyadoo  fariin  u direysa  ninkeeda si aan  toos ahaynna u dareensiinaysa   cudurdaarkeeda  iyo  iyadoo kasbanaysa  jacaylkiisa iyo raali ahaanshihiisa . xaaladaan oo kale waxa la gudboon zowjka inuu yeelo  isagoo furaya xirirkooda   kuna daraya Ammaaan   waxay u sameysay,, sidaa waxaa meesha uga baxaya  dhibaato kale  oo ka dhalan lahayd marka la kala aamuso oo midba dhinac u jeesto    isagoo sugaya dhanka kale   inuu noqdo midka wax bilaaaba mar walba.

Isku  qurxin hadeey tahay dhar qurux badan  oo ay xirato  ama  cadarkeeda .   muuqaaal soo jiidasho leh oo ay ku qaabisho .waaaba sidii iyadoo leh waan kuu xiisey .waana ku sugi la,aa intaa  ka soo laabanayso  xabiibi. Waaa inuu fahmo zowjku fariintaa uuna muujiyo  dareenkiisa  iyo jacaylka uu u qabo xaaskiisa .  kana soo qaado inaysan waxba  dhicin , si wax walbaa ugu soo noqdaan xaaladii ay ahayd   ama ka wanaagsanba ,

Mararka  qaaar waxay adeegsataa xaaasku inay   ka  dalbato talo ninkeeda ., markeey ka xishooto  ama ka qajisho  haweenaydu  inay u cudur daarato  ninkeeda waxay isku daydaaa inay dhaqaaajiso naxariista qalbigiisa    iyadoo u soo bandhigaysa   kana dalbanaysa   xal… ama Rayigiisa siiyo    iyadoo doonaysa inay hesho naxariis iyo inay soo afjarto ismaandhaafkii. Xaaladaan  waaa inuu ku qancaa  zowjku  inaysan xaaskiisu ka maarmin haba is maandhaafaane .   isagoo   u sameynaya xalkii  ay u baahnayd ,  fikradiisana u shegaya .saamaxayana,,

Haweenka qaaar waxay adeegsadaan    habka ah , isa suureynta ,  hadeey hadal tahay ama eegmo. Taasoo aad u  raaadaysa   zowjka   ka dibna    uu aqbalo cudurdaarkeedii     cafiyana ,,,

Muxuu kaaga baahan yahay Zowjkaagu?

Wxuuu kaaga baahan yahay    in xaaskiisu ku kalsoontahay.  Qadarinsayo wuxuu hayo ee howl ah   una sameynaayo darted iyo   gurigooda  dartiis.. wuxuu u baahan yahay oo kale inay ku ogolaato siduu yahay iyadoo isku dayayn inay isbedel  ku sameyso,ama   tiraahdo Matalan hadaadan sidaa sameynayn    wax soconaya ma jiraan ,  hadaadan  sidaa yeelin  iima soo dhowaan kartid,, waxaa kaloo laga rabaa  zowjadu inay ku qanacdo  zowjkeeda  ay  ahaato mid indhaheeda uu  ku weyn yahay   ..inay u shukrido wixii wanaaga ee uu u qabtay sidoo kale inay qadariso  rayigiisa . aragtidiisa, xalkuu keeno   inteey oran lahayd.. ereyadaan,,

Raggoo dhan way sameeyaan waxad sameysay..

Waxaad noo soo kordhisay oo fikrad ah ma jirto.

Hanoo soo iibin waxba . doorashadada nama cajabiseee

Maxaa kugu soo kordhay  kaan aqaaanay unbaa taheee …..

Fikradaahaagu marwalba waxay noo keenaan dhib…

Wuxuu kaa doonayaa zowjkaagu inaa u muujiso  inaa mucjabah ku tahay  .dadaalkiisa ,  hiwaayadihiisa,  shaqadiisa  , go,aamadiisa  awoodiisa .  iyo dhaman wax wallbuu qabanayo .waaayo isku mid maaha marna    zowjadisa  hadalkeey  tiraahdo iyo dadka kale.  aad buu ugu farxaaa waxayna u sii  kordhisaa inuu   helo deganaan nafsad ahaneed  taasoo ka   dhex dhalata   guriga dhexdiisa waxana keenay markay xaaskiisu ay dareensiiso  sideeey ula dhacsan tahay   ninkeeda iyo waxqabadkiisa ,,  waxaa lagama maarmaan ah inay garab istaagto    markuu u baahan yahay in la garab istaago, sidoo kale wuxuu u baahan yahay  zowjku , dhiiri gelin  dhirigelinta dadka kale   la mid maaha dhiiri gelinta xaaska , way ka farxad badan tahay. dhiiri gelinta looga baaahan yahay waa  inay  xoojiso  kuna dhiiri geliso mar walba inuu noqdo  midaaan is dhiibin  mid ka hor taga kana xoog badan  wax walboo soo waajaha  mid leh  Riyyo. siduu u gaari lahana aan ka daalin  wax walboo ka hor yimaado   ka  gudba ,,, . leh adkaysi,

Maqaladaan waxan ka soo diyaariyay    inta badan  kitaaab  la yiraahdo ( Azowj  Rajul Wazowjah Immra,ah)   oo uu qoray Jamaal maadi,

,Waxaan Rabbi ka rajayn inay noqdaan kuwo anfac leh   oo wax laga  faaiideysto  insha alah,..

Wixii aan saxay   waxay ka ahaadeen  towfiiqda Alle  wixi aan khaldayna waa naftayda daciifk ah iyo  shaydaan ,   wasalamu calaykum waraxamtu laahi wabarakaatuh ,,

 

FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Lamaanaha
· (09/03/2010 12:29) Makaa dhabbaa Hijradu?? -
· (03/03/2010 13:10) Qiimaha gabadhu ma da'deedaa? -
· (22/02/2010 14:07) Aan wada hadalo waa aan heshiino. -
· (26/10/2009 10:04) Ima fahamsanid [Xabiibi] DHAMAAD -
· (25/07/2009 15:17) Waxaan rabaa Gabadh RAALIYO ah! -

Top 5: Lamaanaha

Share

Comments
nasroruun
on October 28 2009 07:45:06
User Avatar

asc!
Masha allah, waa maqaal aad u fiican. Ilaaheey kheyr ha kaa siiyo najmo.
khadija
on October 28 2009 22:17:56

mash alaah walaal alaah waxaan kaga baryaya inu ku siyo cimri dherer iyo cibaado wanaagsan wa maqal aad u fican barakalahu lak
Najma Hoodo
on November 01 2009 00:38:19
User Avatar

asc wr wb runtii maqaalo aad u wanaagsan bay ahaayeen jzklaah khyr walaashay Najma

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

Awesome! Awesome! 0% [No Votes]
Very Good Very Good 100% [1 Vote]
Good Good 0% [No Votes]
Average Average 0% [No Votes]
Poor Poor 0% [No Votes]



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 736
Hilib Digaag & Makaroone 591
Peanut butter & Red C... 454
Hilib & Fuul 695
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 736
Hilib & Fuul 695
Hilib Digaag & Makaroone 591
Peanut butter & Red C... 454
Info.
Categories: 7
Reads: 2476
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

783,361 unique visits