najdi   najdi 9. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:621
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
WAA TEE AKHLAAQDA WANAAGSANI Q2aad
WQ:Ahmed Hassan (muxsin)
2009-11-14
muxsin@khadijahome.com

Inta badan dadku waxay hilmaameen fahamka akhlaaqda fiican, gaar ahaan tan u dhaxaysa addoonka iyo Allaah subxaanahu watacaala, iyagoo ka hormarinaya akhlaaqda kale ee addoomaha u dhaxaysa, laakiin fahamka noocaas ahi waa mid gaabis ah, waayo akhlaaqda wanaagsan sidey u tahay tan lagula dhaqmo khalqiga ayay haddana tahay akhlaaq wanaag in lagula macaamilo Allaah subxaanahu Watacaalaa taas ayaana ka muhiimsan tan addoomaha dhexdooda ah. Marwalba oo akhlaaqda wanaagsan ee addoonka iyo Allaah cazza wajal u dhaxaysa sii wanaagsanaato, waxaa iyanna daba socota akhlaaqda wanaagsan ee addoonka iyo khalqiga kale ka dhaxaysa. Marka mawduuca akhlaaqda wanaagsani waa akhlaaq wanaag lagula dhaqmo Allaah Cazza wajal iyo akhlaaq wanaag lagula dhaqmo addoomihiisa.

Haddaba akhlaaq wanaaga u dhaxeeya addoonka iyo Allaah subxanahu watacaalaa, waxaa lagu soo koobey saddex qodob.

1- inaad ku qaadato rumayn dhab ah waxii Allaah subxanaahu watacaalaa sheegay.

2- Inaad ku aqbasho oo qabatinto axkaamta uu Allaah jiddeeyey aqbalaad dhab ah.

3- Inaad waxii qadarka Allaah subxaanahu watacaalaa ah ugu qanacdo si sabir iyo raali ahaansho ah.

Saddexdaasi waa kuwa ugu muhiimsan akhlaaq wanaaga addoonka iyo Allaah subxaanahu watacaalaa.

Aan mid walba dhinac ka eegno.

1- inaad ku qaadato rumayn dhab ah waxii Allaah subxanaahu watacaalaa sheegay:

Waa inaan qofka insaanka ah shaki ka gelin ama aanu ka noqon rumaynta waxii Allaah subxaanahu watacaalaa dhankiisa ka sugnaadey, maxaa yeelay waxii ka sugnaadey Allaah Tacaalaa waa mid ku yimi cilmi , Allaahna subxaanahu watacaalaa waa kan ugu run badan cid wax sheegta, uguna odhaah fiican sida uu Qur’aanka inoogu sheegay (( YAA KA RUNSHEEGSAN ALLAAH)) Suura Nissaa 87. Haa xaqiiqdii, Allaah subxaanahu watacaalaa ayaa ugu runsheegsan oo innaga og wax walba, maxaa yeelay cilmigiisa iyo odhaahdiisuba waa mid koobay wax walba samada iyo arladaba guudkooda ah.

Insaankiina waxaa laga rabaa waxii Allaah subxaanahu watacaalaa dhankiisa ka sugnaadey inuu qabatimo, difaaco, oo uu u dedaalo , shakina aanu ka gelin waxkasta oo ka sugnaadey Allaah cazza wajal iyo Rassuulkiisa sallawaatullaahi wassalaamuhu calayhi.

Marka uu sidaa u dhaqmo addoonku waxuu noqonayaa mid kalsooni leh, oo ka difaaca wax walba oo shaki ah, oo lagu shaki galinayo waxii ah sheegitaanka Allaah cazza wajal iyo kii Rassuulka calayhi assalaatu wassalaam, ha ahaado shaki-gelin ama shubahaat ay la imanayaan Muslimiinta ka dheeraaday diinta Allaah cazza wajal, ama kuwa aan Muslimiinta ahayn, ee quluubta Muslimiinta shakiga gelinaya.


Haddaba mu’minku waa kan rumaynaya wax walba oo ka sugnaadey Allaah cazza wajal iyo Rassuulkiisa calayhi assalaatu wassalaam, una qaadanaya oo u rumaynaya sida ugu akhlaaqda fiican, ee ay u sugnaatey looguna tilmaamey.

Tusaale ahaan, xadiith ayuu Nebigu Sallawaatulaahi wassalaamuhu calayhi kaga waramay in (( Cadceeda la dul keeni doono addoomaha maalinka Qiyaame masaafo ah 1 Mile)). masaafadaa u dhaxeysa cadceeda iyo khalqigiina waa mid yar, haddana ma’aha mid ay ku gubanayaan kulkii cadceeda. Waxa uu qofku is odhan karaa, side cadceedi oo 1 Mile u jirta khalqiga aanay haddana u gubayn, iyaddoo malaayiin miles jirta maanta ayaa mararka qaar kulkeeda la xammili waayaaye.?

Akhlaaq wanaaga ku habooon xadiithkaasi waa inaynu rumayno, oo aynaan quluubteena cidhiidhi ku gelin sidii uu inooga daadagi lahaa khabarkaasi, ama intaynu marka hore rumayno haddana ka noqono, waayo?.waa wax maqan oo aynaan arag, Bani aadamkuna waxii maqan ee aanu arag waxba kama oga, Nebi Muxammedna Calayhi Assalaatu wassalaam wax hawadiisa ah iskama odhan ee waxaa uu sheegay waa waxyi xagga Allaah subxaanahu watacaalaa uga yimi, sidaa uu Allaah cazza wajal ku sheegay Qur’aanka (( Ku dheh ( Muxamedow) idinma odhanayo waxaan idiin hayaa khasnadihii Allaah, mana ogi waxii iga maqan, idinna odhan maayo malak ayaan ahay, ee waxaan idiinla imi waxii lay waxyoodey )) Suura Ancaam 50.

Mana haboona in insaanku xaaladaha maalinka Qiyaame uu uga qiyaas qaato xaalka dunida, maadaama maalinka Qiyaame yahay mid lakala soocmi doono kana duwan xaalka adduunka aynu maanta joogno. Waxaa kale oo aynu ognahay in maalinkaa Qiyaame dadku taagnaan doonaan 50 sanno, laakiin maanta qof ma istaagi karaa dunida 50 sanno, waa maya jawaabtu, laakiin maalinka kala taga wayn.. haa.. waa uu taagnaan doonaa qof waliba, sidaa oo ay tahay ayaa qofka mu’minka ah laga rabaa inuu aqbalo khabarkaas, oo qalbiga u furo, kuna xassiliyo, fahamkiisana ku balaadhiyo.

2- Inaad ku aqbasho oo qabatinto axkaamta uu Allaah jiddeeyey aqbalaad dhab ah:

Waa inaan qofku ka noqon shay ka mid ah waxii ah axkaamta Allaah cazza wajal, haddii uu ka noqdo ama aanu dabbaqin waa akhlaaq xumo shakhsigu kula dhaqmayo Allaah subxaanahu watacaalaa, isagoo uga noqdey inkir iyo diidmo, ama uga noqdey kibir iyo iska waynaysiin ku camalfalida axkaamtaas, ama ka caajisey oo ka wahsaday, taasina waa diidmo akhlaaq xumo ah oo Allaah subxaanahu watacaalaa lagula dhaqmey.

Tusaale ahaan: Bisha barakaysan ee Ramadaan soonku waxuu ka mid yahay acmaasha saalixa ah ee adag, shaki la’aanna soonku waa ku adagyahay nafaha Bani Adamka, maxaa yeelay insaankii waxuu ka tagayaa, cuniddi, cabbitaankii, nikaaxi, iyo waxii soo raaca, arrinkaas marka la eego insaanka wuu ku adagyahay ka tagistiisu, laakiin mu’minka akhlaaqda wanaagsan kula dhaqmaya Allaah cazza wajal, waxuu u aqbalayaa si sax ah, kuna raali yahay wax walba oo soonku leeyahay, kulayl, harraad, gaajo iyo maalmo dheerba, maxaa yeelay waxa uu wanaajinaya akhlaaqda wanaagsan ee isagga iyo khaaliga u dhaxaysa, taasoo uu ku mutaysanayo abaalmarinteeda Bi’idniLaah.

Tusaale kale : Salaadu waxaa hubaal ah inay dadka qaar ka mid ah ku culustahay, haddana ku culustahay munaafiqiinta sida uu Nebigu Callayhi affdallu sallaatu wassalaam yidhi (( salaadaha tan ugu culus munaafiqiinta waa salaada Cishe iyo tan Fajarka )). Laakiin marka la eego Mu’minka kuma cusla, ee waa u sahal, waliba tahay mid qalbigiisu ku xassilo oo uu jeclaysto markasta uu u diyaargaroobayo ama tukanayo, haddii uu fajar tukadey waxuu niyeynayaa inuu duhurna diyaar u yahay, haddii uu duhur tukadey waxuu niyeynayaa inuu casarna u diyaargaroobo oo tukado, ilaa sidaa maalinkiisu ku dhammaado, oo uu sidaana ku joogteeyo, taasina waa shaki la’aan inay tahay akhlaaq wanaaga addoonka iyo Allaah subxaanahu watacaalaa u dhaxeeya…………………………….

Lasoco qeybta 3aad Insha Allaahu Tacaalaa.

FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Dacwada

Top 5: Dacwada
1) Xasuusnow Mowdka [Geerida] :: 2458 views ::
2) NAFTA IYO EDAABTEEDA :: 2239 views ::
3) Salaada Istikhaarada :: 1798 views ::
4) Quruxda gabdhaha ee dhabta ah :: 1797 views ::
5) Isjir Gabaray oo taxadar badan qaado!! :: 1353 views ::

Share

Comments
Haykal
on November 16 2009 10:39:29
User Avatar

bismillah
assalamu calleykum wa raxma tullahi wa barakaatuh.

jazzaka Allah khayr akhunaa Ahmed-Muxzin sidaad noogu soo gudbisay mawduucan wanaaga badan.

baaraka Allahu fiik akhii,Allah subxaanahu wa tacalaa ha nagu anfaco akhlaaqda teeda fiican.
Allah ha naga yeelo kuwii ka faa'idaysta arinka xaqa ah Allahuma aamiin.
wassalamu calleykum wa raxma tullah.
Saabirah
on November 16 2009 11:12:53
User Avatar

Assalamu calaykum

Masha alaaah waa qoraalo faaido badan leh, Alaah kaa abaal mariyo walal Axmed misankagana hakuu saaro amin
maxamed cali
on November 17 2009 18:26:54
User Avatar

asc wr wb muxsin allaah yuxsin ilayka aad ayaad u mahadsantahay akhii khayraad allaah ha kaa siiyo anagana allaah ha nagu anfaco wsc wr wb
Najma Hoodo
on November 23 2009 23:25:18
User Avatar

Maasha Allaah,,,Jazaakallaah khayran jazaa walaal
Arwaa
on November 24 2009 08:48:01
User Avatar

Allaahu akbar! Maashaallah Akhii waa inoo faa´iideysay Alle mizaankaada xasanaadka hakuu saro maalin eynan nafba naf kale wax u tari karin maalin ey xoolo iyo caruur wax tareynin Insha Allah

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 736
Hilib Digaag & Makaroone 590
Peanut butter & Red C... 452
Hilib & Fuul 695
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 736
Hilib & Fuul 695
Hilib Digaag & Makaroone 590
Peanut butter & Red C... 452
Info.
Categories: 7
Reads: 2473
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

783,264 unique visits