WQ: C/naasir Faarax Maxamed 12-12-2009 C/naasir@khadijahome.com
Assalaamu Caleykum Waraxmatullaah Wabarakaatuh .
Illaahay baa mahad leh Illaaha Cirka Taagay tiir la'aan Dhulkana teedshay tolliin La'aan ,NNKHHA Muxamad Scw .
guurku waa hab nololeed ka duwan kan aad imika ku nooshahay (waa haddaad tahay Single) , waa nidaam aad ku xalin doontid dhibaatooyin badanoo gooni kuu haysta gaarna kuu ah ,
Waa astaan muujin doonta jiritaankeena ummadeed Iyo Sooyaalkeena taariikheed ee danbe ,
guurka oo yaraada ama la waayana wuxuu lid ku noqonayaa jiritaankeena umadeed ee danbe iyo soo saaristeena maskax cusub oo mustaqbalka loo aayo .
wuxuu mudanyahay in la isku dhiiriyo loona kala hormaro , wuxu mudanyahay in laga saxo lagana toosiyo qalooca baaxada wayn ee wakhtiyadan danbe uu la deriska noqday , dhaqamada jaahiliga ah ee soo jireenka ah iyo kan shisheeye ee ku lifaaqmay .
Guuldarada kutimid guurka dhalinyarada soomaaliyeedi wuxuu yimid kadib marki laga marin habaabiyay lagana duway jidkii loogu tala galay ee diineed , fahan khaldana laga qaatay macnihi guur lahaa ,
Anigoo og in fashilka ku yimid guurka bulshadeena loo nisbeyn karin qolo gaar ah ama qayb kamid ah bulshada ,anigoo og in uu yahay mid loo dhanyahay lana wadaago rag iyo dumarba . Fikir ahaan anigoo aaminsan in qof walba xil ka saaranyahay xal uhelida mushkiladaha guurka haysta .
Haddana kama xishoonayo inaan hablaha soomaaliyeed ku baraarujiyo inay guurka fududeeyaan kana hortagaan fikradaha aan waafaqsanayn diinta islaamka iyo anshaxa muslimka ee lagu soo riixayo, isla markaana qodobadan hoose hablo badani ka waantoobaan, kuwa aqoonta iyo cilmiga leh ee kamid ah hablaheenana kuwa kale kaa waaniyaan ,
* In Inanka (Wiilka) lagu xidho inaanu la guursan !
Qodobkan oo aad layaabto waxaan rajaynayaa inuu kugu dhiiri galin doono xal u helitiisa , jiritaankisuna waa hubaal waana mid kamid ah qodobo la isku xidho wakhtigan .
Waxaa dhiiri galinayaa xeerarka qurbaha iyo wadamada lagu noolyahay , waxaana gundhig u ah jaahilnimada aqoon iyo darida diimeed, wuxuuna qodobkan garabsanaya hinaasaha / maseyrka dabiiciga ah ,waxaana sii xoojinaya la guursiga haweenka islaamka ee aysan rageenu jidkeeda umarin shurudeedana fulin ..
Waxaanse leenahay kani waa ka xaaraantimid aad qofka muslimka ah ka xarrimtay waxuu alle swt u xalaaleeyey ..
Lagamana gaadhayo ujeedada loo saxiixayo xataa hadday dhacdo waayo ilaahayba kama raali aha ...
Jid khaldan ha umarin inaad xajisato seygaaga kuna xajiso adigoo kasoo baxayaa waajibka kaa saaran iyo gudashadeeda sidii ay haweenki Nebiga Scw u Guteen.
* Ku Xidhidaa takaaliif aanu inanku awoodin -
Nimaan halowle maadhiiniyo
Boqol baar madow hurinoo
La heshiinin aabahay
Hadalkaba ma anigaa u fura !
Waxay kamid ahaayeen halhaysihii ka turjumayay berigi hore in inanta soomaaliyeed aabaheed uun bixiyo lagana bixiyo 100 halaad , ninkaan haysanina aanu xataa hadal istaahilin ,
Wakhtigaa nimaan geel lahayn guur waa ka dheeraa sidaasaana la odhan jiray halhaysahaas ama tixahaas .
Maantana nimaan hotel ka tumi karin , baabuur is daba taxayn , maro cadoo dheero jiitamaysa gadi karin , qaabili karin magaalo dhan ,habeen kaliya dhowr kunoo fara wayn khasaarin karin ma hawaysto guur iyo gabadh toonaa WAANA CIDLA KA QOOQE !
Diiniyan waa israaf guurkuna maahaa ganacsi , allaha awooda lehna kuma xidhin shurudahan ..
Culimaduna waxay ku talinayaan kharashkaas reerka cusub kayd ha looga dhigo si ay beri ka maalin ugu aayaan ama wax kaloo ka kheyr badan ku fushadaan inti lagubi lahaa .
Marka qodobkana habluhu waa inay fududeeyaan .
*Hablaha bac Ayaa Barashada Kaga Xidhan -
Ma xuma inaad qofka aad nolosha la wadaagi doonto si wanaagsan ubarato ,una odorosto dabeecadihiisa, hab dhaqankisa iyo akhlaaqdiisa shakhsiyeed iyo tiisa diineedba , waana fikrad soo dhowayn mudan.
Hablaha qaar se waxay aaminsan yihiin inay ninka raga ah waxuun u qarsoonyihiin khiyaamana jirto ,
Waxay difaac kaga jiraan (been kusoo xero gali runa ku dhaq ) balse (beentaada hore runtaada danbe ayay dishaa ) xisaabta laguma darin , waxayna wakhti dheer ku bixiyaan ka midho dhalinta baadhitaankaas ,uguna danbeyna in qofkaas iin laga helo way imanaysaa , kalsoonida iyo xidhiidhka wanaagsana sida loo dhiso way adagtahay , sida loo dumiyana way fududahay ... Halkaasna wax mudo dheer lasoo waday ayaa ku qarxa .
Dad badan waxaa ka khaldan in aan qofna dhab ahaan loo baran karin , waayo ?
Kasokow intaanaan ka jawaabin ma ogtahay inaadan awood ulahayn inaad naftaada qiimayso oo aad adigu is barato ?
Ma ogtahayse inuu jiro qof naftaada kaaga aqoon roon oo ah waalidkaa ama mid in badan kula dhaqmay ?
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ( Qiimahaaga ood taqaan waa qaddarka badhkiis )macnaha ku duugan waxaa weeye , hadaad naftaada qiimayn karto khaladba ma aadan samayseen !
Hadaba adigoon naftaada qiimayn karin aqoon buuxdana isku lahayn sidee baad u baran kartaa qof kale oo waliba ka gaabsanaya inuu kuu muujiyo iimihiisa iyo ceebihiisa ?
Qofka bani aadamka ah hab-dhaqankiisa iyo ficiladiisu
waxay la fal galaan dhaqanka maadiga ah iyo dhaqdhaqaaqa bulshada uu ku dhex noolyahay ,
Marmarna wakhtiga iyo marxalada uu kujiro dabeecad iyo dhaqan ka turjumayaa ayuu bixinayaa , mar wuu faraxsanyahay marna wuu cadhaysanyahay , faqriyaysanyahay dharagsanyahay iwm
Markaa isbadalka dabeecada , ee ay bulshada , wakhtiga iyo waayaha noloshu keenayaan qofku kama madaxbanaanaan karo .
Haka qaadan sawir khaldan qofka laga yaabo inuu marxaladahaas qaar kujire , hana isku mashquulin inaad baadho wax cusub , kana baro diintiisa & akhlaaqdiisa kaa badanoo kugu filane.
Intaa waxaa dheer in aan waxba laga qorin kuwa jidka khaldan umaray noloshooda iyo xulashada gayaankooda dhalinyaradana sawir xuuxnimo leh uga bixinaya guurka iyo gayaankaba (qofka aad kabaha ka tolonaysid kuwiisa la eega marka hore ) .
Jidka kaliya ee lagu najixin karo guurka bulshadeena madhalayska ka noqday waa iyadoo (la waafajiyo diinteena islaamka iyo anshaxa wanaagsan iyo axkaamteeda )
Taasi waxay xal la hubo utahay in laga gudbo caqabadaha horyaala maanta guurka , waxayna sawir qurux badan ka bixin doonta nolosha qoysaskeena ku dhisma jidkaas wanaagsan , waxayna badali doontaa afkaarta argagaxa leh ee ay dhalinyaro badani saska uga qaadeen guurkaa , hablaha soomaaliyeedna iyagoo ka danbayna kuwooda cilmiga leh waxay qayb libaax leh ka qaadan karaan hagaajinta , horumarinta iyo hufaynta guurka maanta .
Kuligeen waxaynu ku naaloonaa nolol qurux badan , waxaynu niyaysnaa qof xabiib ah oo aynu nolol iyo nafci la wadaagno , si aynu urumayno riyadaas nolosheenuna u noqoto Jano Jano ku sug aynu Umarno dariiqa Allaah Noogu Baaqay rassuulkeenuna kula noolaa qoysaskiisa iyaguna kula noolaayeen.
FG: Qalinka uma qaadan inaan cid lid ku ahay , waana iga daweyn masaladaas ijtimaaciga Ah , wixi khaldan waa shaydaan wixi saxsana Allaah Swt Ayaa I waafajiyay .
Wassalaamu Caleykum Waraxmatullaah Wabarakaatuh .
|