slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-2 slide-3 slide-4 slide-5 slide-6 slide-7 slide-8 slide-9 slide-10 slide-11
Login
 
Navigation
· Home
· Photo Gallery
· Forum
· IlaTali
· Dhambaalo Jacayl
· Media - Video
Dacwada
· Fanka Dacwada
· Qur'aan
· Ramadaan
Jikada-Guriga
· Cunto Karis
· Cunto Karis Sahlan
· Cunto Karis Video
· Habaynta Hoyga
Horumarka Nolosha
· Qurxinta Jidhka
· Habbaynta Nolosha
· Caafimaadka
Arimaha Bulshada
· Arimaha Bulshada
· Murti iyo Madadaalo
· Buuga Bisha
Information
· Search
· About Us
· Nala soo xidhiidh
· Shuruda maqaalada
· Wakhtiga [Caadada]
· Miisaanka Munaasibka ah
 
Quranexplorer
Halkam Riix
 
Most commented
Articles
· Aniga iyo adiga iyo ... 15
· Aniga iyo adiga iyo ... 13
· Waxaan rabaa Gabadh ... 12
· Maxay rabaan dumarka... 10
· Aniga iyo adiga iyo ... 9
· Habloow Guurka Fudud... 9
· Xasuusnow Mowdka [Ge... 8
· Tusaale unoqo Ilmaha... 8
· Kii gafuurtaag ayuu ... 8
· Fikrado roomaantik a... 7
· Aniga iyo adiga iyo ... 7
· Ha isu qurxin ninkaa... 7
· Galmada ammaanka ah 7
· Aabaha wanaagsan... 6
· Aniga iyo adiga iyo ... 6
· Hooyada Wanaagsan 6
 
Random Photo
 
Buuga bisha
Buuga u caansan
 48 su'aalood Ramd...
 Quick & Easy Dinners
 The Ten Secrets t...

Looking for something special?
Use search!
 
Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Habkeen u wada hadlaynaa (shukaansiga)
WQ:Najma Saciid
04-01-2010
najma@khadijahome.com

Hadalku wuxuu ka mid yahay waxyaalaha qofka bini aadamka ah uu ku cabiro dareenkiisa sida jacayl uu u hayo qof kale . carro. rabitaan. diidmo. sidoo kale waxaa jira in weedhaha loo adeegsanayo marka lala hadlayo hooyo/aabe. walal. Zowjka/zowjada saaxiib ,ay kala duwan yihiin mid walbana leeyahay hab gaar ah.

Habkee ula hadlaysaa markaad la hadlayso wiil aad wada sheekaystaan? Habkeedse ula hadlaysaa markaad la hadlayso gabar aad wada sheekaysataan? Kalmadaha aad adeegsanayso waa sideee? Habkee u wada hadlaynaa? wax walboo kugu soo dhaca maku oranaysaa uu jecel yahay inaa ku tiraahdo/ay jeceshahay inaa ku tiraahdo?mise waxaa jira weedho aan haboonayn inaad adeegsato? weedhahaa aad isticmaalayso markaad la hadlayso Ninkaaga /Xaaskaaga iyo weedhaha aad adeegsanayso markaa la hadlayso qof kale farqi intee le,eg ayaa u dhexeeya? Erayada macaan erayada soo jiidashada leh erayada dareenka qofka kicinaya iyo erayada caadiga ah ee ay isku oran karaaan dadkoo dhan waa kala duwan yihiin .hadaba Maxaa ugu wacan dhalinyaro badan inay adeegsadaan erayo loogu talagalay dad xalaal isu ah inay isku yirahadaan markay wada hadlayaan (shukansanayaan) siiba Netka Soo lagama wanagsana in nin aan ku qabin aad ku tiraahdo GACALIYE ,ABOOWE MACAANE , XABIIBI.QAALI. DAWADII NAFTAYDOOW ,MA SEEXDO DARAADAA ADAAN KUGU FEKERAA WAAN KUU XIISAY

sidoo kale aad ku tiraahdo gabar aadan qabin GACALISO ,ABAAYO MACAANTO,XABIIBTI,QAALI,DAWADII NAFTAYDAAY,xalay waxan ku riyooday inagooo!! Inta la soo xafido erayo iyo gabayo yaab leh la is dhaafsado waxay is waydiin karaan dad badan maxa ku jaban? waa wanaag uune,, erayadan isticmaalkooda wax weyn ayay keeni karaaan hadaan laga feejignaan booskooodiina la dhigin, waxa dhacda inaa tiraahdo afkaa iga bartay anoo iri ayaan is arkayaa wax xumaan iyo soo jiidashana kama wado iyo khiyano iyo been toona waa iga daacad qalbigeey ka soo go,eeen !!.qaar kale waxay Xujo ka dhigtaan Waan is jecel nahay,Waa isu doonanahay Waan is rabnaa, waxaaba jira qaar markaa ku tiraahdo erayadaa isticmaaleyso looguma talagalin inaa aniga igu tiraahdo la soo booda waa ku Rabaa oo waan ku danaynayaa soomaha maxaa ka micno ah hadaaan isku niraahno!! Wax walba markii Caadi laga soo qaado waxaa caadi noqda Waxaan caadi ahayn!! Gabdhaha qaaar waxa jira Codkoodu aad u macaan yahay aad u dabacsan yahay markay kalmad yiraahdaan aad loola dhaco ku suuxinayo codkoodu hmmm. Ama ha ugu talagaleen ama yaysan ugu talageline

ha ilaaliyaan gabdhuhu hadlkooda iyo codkoodaba yayna jilcin intii karaankooda ahna ha isku dayaan inaysan u noqon sabab Midka qalbigiisu jiran yahay inay Damac geliyaan. waxaa jirtay gabar codkeedu aad u dabacsanaa aadna u macanaaa markay is tiraahdo dukaan wax ka soo iibso nimanka dukaanka iibiya wada eegaan lana dhacaan codkeeda kuna yirahadaan cod macaanidaa .!!. laakin iyada ujeedadeedu maaha ku soo jiido codkaaga Raggaan ee waaa cod Allaah u dhaliyay maalinkii danbe waxan go,aansaday bay tiri inan waxan rabo ku qoro warqad kadibna u dhiibo ninka wax iibinaya anigoon la hadal sidaasna uga soo iibsado waxaan rabay iyagoo i mooda inan dhego la,ahay anoo Fitnayn cidna. si aan uga badbaado inan ka mid noqdo kuwuu yiri Allaah

(Ha jilcnina oo ha dabcinina hadalkiina si uusan idiin damcin midka qalbigiisu jiran yahay) suratu Axzaab 32 waxaa la sii raaciyay aayada inteeda danbe hadal Macruuf ahna ku hadla. adigu ma ogid markaa ninkaan ku leedahay Macaane Gacaliye siduu noqonaayo qalbiigiisu sidoo kale adna ma ogid gabdhaan markaa ku tiraahdo Xabibti siduu noqonaayo qalbigeedu.dadka is shukaansanaya maaha dad isku xalaal ah oo waxay doonaan isku dhihi kara sidoo kale kuwa isku doonnan maaha dad isu xalaal ah.waxaa loo baneeyay waa inay ka hadlaaan wixii dantooda ah iyo inay ka wada hadlaan mustaqbalkooda Waa inuu Caqligu kulmiyaa labada is doonaysa ee guur xalaal ah iska raba ,hadii caqliga meesha laga saaro oo xaalku noqdo waan jeclahay way i jeceshahay lagana gudbo xuduudii loo dhigay wada hadalkooda waxaa dhacaysa wax aan ciribtiisa la mahdin . waqtiga isbarashaduna waa waqti loo gogol xaarayo sidii loo dhisi lahaa Guri ee maaha waqti guri la wada joogo.Hadeey sidaa tahay waxa lagama marmaan ah inan hadalkeena kontaroolno inagoo raacayna ku hadla hadal Macruuf ah, 2da qof ee isu doonnan guur iska

raba sheeko u socoto dabcan waa dad is doortay hadey niyadooda wanaajiyaana waxaa xaqiiq ah in Alle wax walba waafajinayo sidaan wada ognahay islaamku wuxuu leeyahay qaacido taasoo ah inuu ka hortago wax walba intaysan dhicin sameeyana sababihii loo xakamayn lahaaa waayo cudurku intuusan ku dhicin qofka hadii la xakaameeyo lana sameeyo ka hortag waxaa dhab ah inuu yaraanayo faafitaankiis((Alwiqaayatu khayrun minal cilaaj)).2da isu doonan waxaa ka xaaraam ah (Khalwah)Inay isla kali noqdaan. is Taabasho. Sidoo kale Eegis midba kan kale ka eego intii sharcigu u baneeyay mahee, Waxaa sahlan inaa iska ilaaliso Taabasho iyo eegmo laakiin ma sahlana sidaa u kantarooli lahayd waxa afkaaga ka soo baxaya ilaa aad la timaado mooyeee dadaaal badan iyo ka fiirsasho badan.

Hadaba walalayaal waxan qoraalkaan yar ugu talaglay inan isku baraarujino inan ka dhigno hadalkeena mid ilaashan aynaan isaga hadal wixii nagu soo dhacaba. siiba marka telefon lagu wada hadlayo wuxuu ku dhiiradaa qofku wax uusan oran karin markuuu qofka si toos ula hadlayo.waxaa laga yabaa waxay ka xishoon lahaayeen labada is shukaansanaysa inay isku yiraahdaan marka ay Telefonka isticmaalayaan ama Netka , Iska jir gabar walbaay ama wiil walboow inaa shaqsi aan xalaal ku ahayn (isqabin) ku tiraahdo erayo aan banaanayn ama codkaaga jilciso adoo is leh soo jiido qofkaan ama telefon ha ahaato ama Net,e waxaa laga yabaa inaa tiraahdo waan jeclahay wiilkaan/gabdhaan markaa qofkaa jeceshahayna waa inaad ku tiraahdo erayo macaan..si aad u muujiso jacaylkaad u qabto, diinteenu jacaylk ma diidana waana diin jacayl laakin jacaylka dhabta ah waa kan dhowrsoon wuxuu na barayaa in jacaylka labada is qabaa uu yahay midaan la barbar dhigi karin jacayl kale siduu Rasuulku salalahu calayhi wasalim ku yiri xadiis micnihiisu ahaa sidaan ((Ma arag Jacayl la mida sida kuwa is qaba )) kuwa isku doonan ha u dhigtaan dib waxay isku oranayaan hadeer, erayada ay dhici karto inay ku danbaabaaan hadeer ay ajar ka helayaan xiligaa ay xalaasha isu yihiin

markaa naftiina iyo taydaba waxan kula dardaarmayaa inan inagoo is leh qofkaan qanciya oo soo jiita aan ka careysiino Allaah waayo markaa ku ag wareegto waxan laguu banneyn waxaa suurtagal ah inaad ku dhacdo Xaraam,waana sababtaa waxa loo diidayo wax walba oo cawaaqibtiisu xuntahay in loo dhowaado.. Allaah markuu ka hadlayay Zinada ma dhihin ha zinayzanina ee wuxuu yiri ha u dhowaanina Zinada! halkaas waxaa nooga cad wixii ku gaarsiin lahaa ama wadooyinkii ku gaarsiin lahaa inaa ku dhacdo Zinnada ka fogoow. qofkii Dab ku cayaara inuu ku gubto waa wuxuusan seegayn, waxan ku sooo koobayaa iska jir wiil aanku qabin, gabar aadan qabin inaa weedhahaan soo shegnay u adeegsato markaad la hadlayso qasab maaha inaa meesha keento hadal kicin kara qofka dareenkisa ama laga wada hadlo sheeko Gogosha reer is qaba u gaar ah . waxaa ku oran kartaa hadal wanaagsan dhowarayana xuduuda Alle aan Kontaroolno hadlkeena inagoo nafteena tababarayna kuna toosinayna inay barato wax walboo anfacaya aduunkeeda iyo aakhiradeedaba. Nafta hadaan khayrka lagu hogaamin iyadaa xumaanta kuu hogaaminaysa..

Intaas ayaan ku soo koobayaa waxaan Rabbi ka rajaynayaa inaa noqono kuwii hadalka maqla kiisa wanaagsana raaca aamin.aamin

 
Related Articles
 
FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Facebook Comments Dhiibo Ra'yigaaga
Comments
Sharmaarke
on January 27 2011 06:59:50

Run ahaan waa hadal qiimo weyn leh dadku meelaha ay ka fitnoobaan waxaa ugu weyn hadalka gaar ahaan marka aanay labada qof is arkayn ee ay k awda hadlayaan ama telefon ama bet-kaba ,

fitnada badi dhacdaa waxaaa ka horeeyaa gogol dhig dheer oo hadal ah ka dibna waxaa ku xigo gacan iyo is dhex gal.

hadii hadalka la hagaajiyo dhibaato ma imaato lakin dhibtu waa marka hadalka la xumeeyo.

qoraaga khayr alle ha siiyo
Sharmaarke
on January 27 2011 06:52:01

Run ahaan waa hadal qiimo weyn leh dadku meelaha ay ka fitnoobaan waxaa ugu weyn hadalka gaar ahaan marka aanay labada qof is arkayn ee ay k awda hadlayaan ama telefon ama bet-kaba ,

fitnada badi dhacdaa waxaaa ka horeeyaa gogol dhig dheer oo hadal ah ka dibna waxaa ku xigo gacan iyo is dhex gal.

hadii hadalka la hagaajiyo dhibaato ma imaato lakin dhibtu waa marka hadalka la xumeeyo.

qoraaga khayr alle ha siiyo
samsam
on December 26 2010 04:51:40

ASALAAMU CALAYKUM

MASHA ALLAH, THANKS WALALO NAJMA WAA MAQAAL AAD U QIMO BADAN. I HOPE DAD BADAN OO DHALINYARO AHI INAY KA FAAIIDI DOONAAN.
Bashiir_mahdi
on January 24 2010 04:24:40

masha'allah walalo very helpfull macluumad dadka badankood ilahay ha uga dhigo kuwii ka faidaysta beautiful<<<<<<<<
Najma Hoodo
on January 08 2010 00:36:22

Maasha Allaah Jzk Khair dear sis
 
Dhiibo Ra'yigaaga
Please Login to Post a Comment.
 
 
Khadija Shop
















 
IlaTalida KHome
 
KhadijaHome Facebook
 
Latest 20 Articles