Taariikhda: 04 January 2010
Magaca: Jamaal
Su’aasha:
salaan kadib waxaan doonayaa inaan idinkala tashado arin waxaan doonayaa inaan
guursado dumarkana waxaa la ii amaanay dumarka suni gudka ah bal arintaa kawarama
ana waxba kakala garan maayo wiil dhalinyaro ah ayaan ahaye
Jawaab: Khadijahome.com
Walaal marka hore gabadh hadii aad xulanaysid waxa ugu muhiimsan ee lagu
xushaa waa diinta iyo akhlaaqdeeda wixii intaa kadanbeeya wuu iska
sahlananayaa.
Hadaba walaal su'aashaada jawaabteedu way sahlan tahay, waxaad ogaataa in
baahida jinsiga ee gabadha in ayna xadidayn inay u gudan tahay suni ama
fircooni ama inayna gudnaynba, gabadha suniga ahi kama baahi badna gabadha
firconiga ah sida gabdha aan gudnayn ayna uga baahi badnayn mida gudan.
dhamaan baahida jinsigu wuxuu ku xidhan yahay walaal xaalada nafsiga ah ee
qofku kolba ku sugan yahay iyo qaabka gabadha aad gogosha ugu yeedhi
doonto. Markaa walaal midaas ogow, waxaa buuxa gabdho badan oo fircooni
ugudan oo hadana ka baahi badan mida aan gudnayn iyo mida suniga ahba,
cakiskuna wuu jiraa.
Walaal jawaabtaadu waxa ay kusoo koobmaysaa gabadh kasta baahideeda
jinsi kuma xidhna qaabka ay u gudantahay ee waxay ku xidhan tahay xaalada
nafsiga ee ay ku sugan tahay iyo qaabkii loo soo rabeeyey. dumar badan
waxay u arkaan in waxaasi ceeb yahay sidaa darteed waxay ku keentaa dareen
qabow oo ayna ninkeeda la raaxaysan karin.
sababaha keena inay ka dareen qaboobaato gabdha gudani gabdhaha kale waxa
weeye walaal nabarada loo geysanayo habeenka 1aad oo ah nooc kufsi ah
sidaa ayaana ku keenta inay nacdo gogosha... hadaba hidii calafkaaga ay
noqoto gabdh gudani walaal dhakhtar u tag ku dheh intaydan is arag kahor
si iyadoo caadi ah oo diyaar u ah aydun isu aragtaan... markase ninkastaa
dhaho anaa qorshaysanaya oo meesha qasab ku dilaacin taas weeye mida ku
keenaysa gabdhu inay nacdo nonol jinsi oo dhan, waxay markasta xasuusanaysaa xanuunkii ku yimid iyadoo ku reebta xaalad nafsi ah.
hadal iyo dhamaantii walal gabdhkasta baahideeda waxaa xadidaya kolba
qaabka aad ula dhaqmi doontid xaga gogosha.. ogowna habeenka koowaad sida
aad ugu tagto xaaskaagu inay tahay qaabka noloshaada guur oo dhan xadidi
doona.
|