najdi   najdi 9. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:621
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Tusaale unoqo Ilmahaaga Q1aad
WQ:Najma Saciid
08-02-2010
najma@khadijahome.com




Assalamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh

Hooyo iyo aabe walbaa waxay leeyhiniin rajo ay ka qabaan caruurtooda inay ka arkaan wax wanaagsan iyo mustaqbal iftiin leh. taasoo ka dhigaysa inay il gaara ku eegaan lana socdaan waxa ku soo kordha ilmaha una noqdaan iyagu tusale wanaagsan ma ogtahay in ilmahaaga wax walbood sameyso u arko wax wanaagsan haba xumaadee?, ma ogtahay inuu kuu arko tusaale midka ugu wanaagsan ee uu ku dayan karo? ma ogtahay inuu kaa qaato dabeecadaha qaar. Hooyadu mala socotaa inuusan ilmaheedu ka nuugin caano kaliya ee uu ka nuugo naxariis iyo jacayl

 

Tusaale dhinaca runta u noqo ilmahaga ma taqaan inuu beenta ka barto markaa ku tiraahdo aabo ma joogo ku dheh adoo jooga !! nin fanaan ah ayaa maalin ka sheekaynayay wuxuu lahaa maalintaas ayaan iska daayay beenta nin saaxibkay ah ayaa telefon ii soo diray ana ma rabin inan la hadlo markaa wiilkayga yar ayaan ku iri waxaa ku tiraahdaa aabo ma joogo, wiilkii markuu ninkii telkii ka qabtay ayuu ku yiri aabe wuxuu ku leeyahay ma joogo ku dheh !! ilmaha markaa ku tiraahdo been ha sheegin adigii tusalaha u ahaana aad sheegayso waxay noqonaysaa maahmaahdii carbeed ee ahayd ((Laa tanha can khuluqin wa ta ,tii mithlahaa caarun calayka idaa facalta cadiimun)) taasoo macnaheedu yahay ha reebin dabeecad ama dhaqan adiguna aad la timado iyadoo kale ceeb weyn weeye hadaa sameyso sidaa ..

 

Quraanka bar ilmahaaga adoo jecleysiinaya haku dilin quraanka ilmaha si uusan u nicin jeclaysii waxad ka yeeshaa inuu ku farxo quraanka akhriskiisa iyo xifdintiisaba abaal marin sii haduu xafido Juz ama ka yar ba ha noqdee ku dhiiri geli inuu sidaa ku wado ,


Waqti uu ku ciyaaro ilmaha u ogoloow. waayo ciyaarta waa wax ku abuuran ilmaha ilmo aanan ciyaareyn waa ilmo xanunsan ! u ogolow inaa siiso waqti ciyaar , waqti waxbarasho, waqti aad isla qaadataan ood ka wareysato xaalkiisa ,,

 

Su,aalaha caruurta waa kuwo qariib ah .hala yaabin su,aalahaaas ee uga jawaab si uu fahmi karo caqligiisa . ha oran naga aamus maxay tahay waxad waydiinayso doqon yahow ama doqon yahay, ma waxan ayaa la is waydiiyaaa ,? Matalan waxaa dhacda in ilmuhu ku waydiiyo , aabe iyo hooyo maxa isu tihin ? xagee ka soo baxay markii lay dhalayay, si caqligiisa le,eg uga jawaab adoon been u shegayn ama hadalka ku celinayn haka dhaadhicin waxyaalo khuraafaad ah sida inaa tiraahdo waan ku soo helay, calooshaydaa la jeexay ka dibna halkaas ayaad ka soo baxday

Caqiidada ilmaha sax ha uga sheekeyn sheekooyin khiyaal ah sida sheekooyin ku abuuri kara caqiido xumo sida inaa uga sheekayso nin cirka u duula dhulka hoos gala , wax walba burburiya aan cidna ka sareyn,, (super man) waxaas ilmaha caqiidadiisa ayay baabi,isaa ilaa uu rumeysto inuu jiro cid aan Allah ahayn oo wax walba sameyn karta aan laga adkaan!

 

Uga sheekee ilmaha sheekooyin caqligiisa iyo maskaxdiisaba dhisa sheekooyin faaiido leh, sheekooyin caqiidadiisa aan waxba u dhimayn. Sheekooyin run ah .

 

Ha u kala eexan caruurtaada waa dulmi iyo wax uusan ilaawi doonin ilmuhu waligiis , Rasuulku salalahu calayhi wasalim wuxuu yiri (( ilaahay ka baqa oo cadaalad u sameeya caruurtiina ) ha u kala soocin wiil iyo gabar mid weyn iyo mid yar.

FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Tarbiyada caruurta

Top 5: Tarbiyada caruurta

Share

Comments
S@H@L
on February 08 2010 17:34:57
User Avatar

Ascwrwb
Masha'ALLAH wa Qoraal Aad U wanagsan Jzk sis ALLAH inaga dhigo kuwa unoqdo ubadkooda Tusale fiican ... thnx
Najma Hoodo
on February 09 2010 01:05:17
User Avatar

Maasha Allaah Walaashay Najma Jzkaailaah khayr waxaad noosoo diyaarisay maqaal aad u wanaagsan Maqaalkaan iyo kuwa kalee badan ee aad nooso diyaarisaba waan kaaga mahadcelinaynaa Jzk
nasroruun
on February 09 2010 13:05:26
User Avatar

Masha allah Najma. Waa maqaal aad u wanaagsan. Bravo, hurdada waad ka kacdeen. Thanks Najmo. You are great...
Humayra
on February 09 2010 21:45:37
User Avatar

MashaAllah Najma :-)
UmmU
on February 17 2010 07:39:04
User Avatar

Asc wr wb maasha ALLAAH habo najma
jzkillaah khhayr waa maqaal muhiim no ah haddaan nahaha waalidiinta jzk mar kale hao

wsc wr wb

Umu_anas
on February 20 2010 18:24:18

Asc Wr Wb , Waxaan Halkan Ka Salaamayaa Dhamaan Bahda Pagekan Qaas Ahaan Qofka Soo Gudbiyey Maqaalka Tusaale U Noqo Ilmahaaga Jazaakalaah Wa MAshkuuriin Jidan Wcs Wr Wb
umu zak
on February 22 2010 13:30:27
User Avatar

ASC WR WB
Jazakalaahu khayr walaal Najmo waa maqaal heersare ah, waalidiintana waano iyo wax qaadasho ugu filan.

Wacalaykuma salaan waraxmaaulaahi wabarakaauh
Arwaa
on March 05 2010 20:51:52
User Avatar

asc wr
MaashAllah, maqaal aad iyo aad u xiisa badan wax tarkiisu badanyahay soo koobayne dhamman sidii caruurtu tusaale wanaagsan loogu noqon lahaa.
Jazaakiallah sistah

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

Awesome! Awesome! 0% [No Votes]
Very Good Very Good 100% [1 Vote]
Good Good 0% [No Votes]
Average Average 0% [No Votes]
Poor Poor 0% [No Votes]



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 736
Hilib Digaag & Makaroone 590
Peanut butter & Red C... 452
Hilib & Fuul 695
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 736
Hilib & Fuul 695
Hilib Digaag & Makaroone 590
Peanut butter & Red C... 452
Info.
Categories: 7
Reads: 2473
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

783,218 unique visits