WQ:Najma Saciid 17-02-2010 najma@khadijahome.com
Assalamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh.
Waxaan jeclaystay inan qayb labaad u sameeyo maqaalkii ahaa Tusaale u noqo ilmahaga anoo u arkay inay hareen tusaale yaal kale kuwaasoo mudan inan isku baraarujino. Marka lagu leeyahay tusaale u noqo ilmahaga micnaheedu waa adiga waalidka ah hakaa arkeen wax wanaagsan ku dayashana mudan markaa waxaa xaqiiq ah inuu kaaga dayan doono wanagaas, ilmuhu wixii la baro ayuu ku socdaa iyo wixii lagu barbaariyo markuu yaraa.
…Bar ilmaha ixtiraamka waalidkii ugu horeyn.ixtiraamnka dadka ka waaweyn naxariista kuwa ka yar yar, Rasuulku salalahu calayhi wasalim wuxuu xadiis ku yiri (naga mid maaha midkaan ixtiraamin kuweena waaweyn una naxariisan kuweena yaryar) xadiis
Waa adiga midkuu ka baran lahaa tixgelinta dadka ka waaweyn haduu ku arko adoo qadarinaya ugu horeyn hooyadiis /aabihiis dadka asxaabtaada ah iyo dhaman bulshada qaybaheeda waxaa xaqiiq ah inuu kaa qaadanayo dabeecadaa.
… Ku dhiiri geli ilmaha inuu ku faano diintiisa taasoo ka bilaabanaysa inaa barto diintiisa inaa Alaah jeclaysiiso. Inaa rasuulka salalahu calayhi wasalim jeclaysiiso caqiido saxiix ahna ku barbaariso. kana ilaali khurafaadka iyo bidcada aan diinta shuqul ku lahayn sidookale haku oran hadaa nahay qolo heblaayo adoo magacaabaya qolo gaara,ama firqo . ku beer qalbigiisa inuu yahay muslim,kuna faano muslinimo kaliya magacuu Allah noo bixiyay noona doortay. tacasub madhabeed haku barbaarin marna.
..Waxad u diidayso u sheeg sababtaa ugu diidayso ha oran kaliya(Ceeb) ee u cadeee xaraam weeye waxan ilaahay raali kama aha . ilaahay ma jecla adna Allah ayaad jeceshahay wuxuusan raali ka ahayn ma jeceshahay inaa sameyso? waxaa hubaal ah inuu ku oran doono Maya .Rasuulkena salalahu calayhi wasalim ayaa na amray inaa sameyno, ama waa waxa wanaagsan ajar ayaan ka helaynaa markaan sameyno iwm.
… Waxaad u kala sheegtaa saaxiibada xun xun iyo kuwa wanaagsan sifaadkooda si uu uga dheeraado ,una kala sooco. waajibaadkiisa iskuulka ha u qaban ee tus siduu uga shaqeyn lahaaa isagu, waxaad bartaa inuu naftiisa ku tashado inuu noqdo mid isku kalsoon arimihiisa qaarna xaliya isaga naftiisa.
…Hadeey gabar tahay ku barbaari xijaabka iyadoo yar jecleysiina ha oran way yar tahay wali xijaab ma gaarin , hadaa sidaa tiraahdo wax culus ayuu ku noqon doonaa markay weynaato hadii hal mar la dhaho xiro haduu kugu waajibee!!, hadeyse u barato wuxuu u noqon caado ay ku adkaato la,aantiis inay baxdo iyadoon xijaabnayn.
…Wiilkaga u kaxayso masaajidka isagoo yar waxad bartaa inuu kaala qayb galo salaadaha ha oran maxaa salaadna ka taqaan ! war naga har ! waxaad jeclaysiisaa masaajidka iyo jamaacada inuu kugula soo tukado yaysanba faral ku ahaane.
… Waxad barataa ood ogaataa (Mowhibada ilmaha) wuxuu jecel yahay hibana ilaahay u siiyay uuna kaga fican yahay caruurta kale. ku dhiri geli siduu uga gaari lahaa mustaqbal wanaagsan kula dadaal waxyaalahaad ku aragto inuu ku fiican yahay jecel yahayna mustaqbalka inuu meel sare ka gaaro. Kala qayb gal kuna garab joogso siduu u xaqiijin lahaa riyadiisaas
Waxan Alaah waydiisanaynaa inuu na waafajiyo inan tusaale wanagsan u noqono ubadkeena si ay noogu noqdaan (Waladun saalix yadcuu lahu)
Wixii aan saxay waxay ka ahaadeen xaga Rabbi wixii aan khaldayna waa shaydaan iyo naftayda daciifka ah . Ducada yaynaan iska ilaawin walalahayga qaaliga ahoow
Wasalamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatuh..
|