najdi   najdi 8. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:620
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Aan wada hadalo waa aan heshiino.
WQ:Najma Saciid
22-02-2010
najma@khadijahome.com


Assalamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh.


Maahmaah somaliyeed ayaa tiraahda aan wada hadalno waa aan heshiino.kala aamusnaanta qoyska dhexdiisa ka dhacdaa waa cadowga koowaad ee reerka waa jeermis runa oo ku faafa guriga dhexdiisa daawadiisuna waa wada hadal ,hadaan la wada hadal hadaan la isu sheegin waxa lakala tirsanayo ee cabasho ah. Hadeysan isu noqon lamaanuhu kuwo isa saxa kuwo isu sabra kuwo ka wada hadla wixii soo kala dhex gala ee ismaandhaaf ah , kuwo isu dacwooda aan kala dacwoon. hadii mid walba dhiniciisa afka buuro haduusan shegan wuxuu tabanayo ee uu aamuso waxaa dhacaysa in xalku noqdo mid sii fogaada in laga dhex faaiideysto, in qoysku ku burburo si sahlan .


U sheeg lamaanahaaga waxaad ka rabto sidaa uga rabto xiligaa ka rabto , ha uga dacwoon cid kale isaga /iyada u dacwoo ,waxaa dhacda in mid ka midda lamaanuhu u tago saxibkii ugana dacwoodo ama ka cowdo dhib uu ku hayo lamaanihiisu.iyadoo leh abuu somaal khatyaan baan ka joogaa inan furiin ka dalbdaan niyada ku hayaa waxan ka rabo kama helo iguma dhaho hadalo wanagsan waa nin qalafsan lama noolaan karo ee saaxiibeey maxan sameeya ?!! ama uu Abuu soomaali ka dacwood Umusoomaal , war nin yahow xaaskii waa isbedeshay waayadaan danbe madax adeyg aanan ku aqoon inan naag kale iska guursada i haysa meesheey rabto haka dhacdeee hadeey furiin dalbatana waa u diyaar warqadeedu!! awalba ciyaalkaas ayaan ugu dul qaadanayay . dulqaadkii waa iga soo dhamaanayaa ,,!!!


Maxa dhacaya hadeey dhexdooda isku shegaan mid walbaa wuxuu dhibsaday kana codsado si toosa lamaanihiisa inuu ka daayo waxa dhibaya ,maxaa dhacaya hadii umu soomaal ku tiraahdo xabiibi waxaan kaa rabaa inaa sidaa ii sameyso sidaana iga dayso khayr alaah ku siiyee ka dibna uu isku dayo inuu u sameeyo waxay rabto intii awoodiisa ah maxaa dhacaya haduu abuu somaali ku yiraahdo xabiibti sidaan inama anfacaysee naga daa . Soo lagama wanaagsana in cid aan xalkii hayn waxna ka bedeli Karin xaaladaa loo sheegto mushkiladaada . waxaaba dhacda in qofkaa sirtii uuna xifdin saaxibadii ama saaxibkii loo cowday uu u sheego dad kale ka dibna dhibaato weyn oon loo joogin dhacdo, xadiiskii Rasuulka salalahu calayhi wasalim ayaa micnihiisu ahaa sidaan (Mumin ma naco muminad haduu ku karaahiyeysto dabeecad mid kaluu kaga raali noqdaa)


Jacaylka lamaanuhu wuxuu u baahan yahay in laga shaqeeyo sida geedka marka la abuurayo ugu horeyn uu ugu baahan yahay waraabin ilaalin laga ilaaliyo in la gooyo laamihiisa si hadhoow loogu intifaaco haduu yahay mid la harsado ama mid la goosto. Sidaasoo kale ayuu u baahan yahay jacaylka lamaanaha in la ilaaliyo la waraabiyo waxa lagu waraabinayaa waa dulqaad iyo wada hadal iyo in la isu sheego wax walboo cabasho ah ood ka tirsanyso dhinaca kale adoo ugu sheegaya si dabacsan xilkasnimana ku jirto.

FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Lamaanaha
· (09/03/2010 12:29) Makaa dhabbaa Hijradu?? -
· (03/03/2010 13:10) Qiimaha gabadhu ma da'deedaa? -
· (22/02/2010 14:07) Aan wada hadalo waa aan heshiino. -
· (26/10/2009 10:04) Ima fahamsanid [Xabiibi] DHAMAAD -
· (25/07/2009 15:17) Waxaan rabaa Gabadh RAALIYO ah! -

Top 5: Lamaanaha

Share

Comments
No Comments have been Posted.

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 729
Hilib Digaag & Makaroone 577
Peanut butter & Red C... 444
Hilib & Fuul 688
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 729
Hilib & Fuul 688
Hilib Digaag & Makaroone 577
Peanut butter & Red C... 444
Info.
Categories: 7
Reads: 2438
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

779,344 unique visits