najdi   najdi 9. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:621
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
XAARAANTA OO LA CUNO
WQ: Zainab Maxamed Cali

21-03-2010

Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakatuh,Alxamdulillaah Wasalatu Wa salamu Calaa Rasulillah(scw)
Alle(swt) mahad oo dhan iska leh,Nabad galyo Naxariis korkisa ha ahado Nabi Muxammed Eehelkisi Saxaabtisi iyo inti Xaqa ku Raacday..

Qofkii aan Illaahay ka baqeyn dan kamalaha meeshii uu xoolo ka kasbayo iyo meeshii uu ku bixinayo,balse hamigiisu waa siduu u siyaadiin lahaa kaydkiisa xaraan ama booliba ha ahaadee,kaas oo uu ku keeney xadiid ama laaluush ama booli ama is daba mariin ama iib xaaraan ah,ama ribo ama xoolo agoomeed ama shaqo xaaraan ah,wuxuu ka kasbay caraafeysi,macsi,heesaha ama inuu ku xad gudbo bangiga muslimiinta iyo xoolaha dad weynaha ama dadka xoolahooda OO SHAXAAD LAGU QAATO ama baryo aan baahi u heyn iyo wixii la mid ah, kadibna uu cuno,labisto oo alaabo guri ka gato kaasi calooshiisa wuxuu galinayaa XARAAN. Maalinta qiyame waxaa la weydiinayaa Xoolihiisa meesha uu ka kasbay iyo wixii uu ku bixiyey,markaas ayey imaanaysaa HALAAGU IYO KHASAARADU,qofkii xoolo booli ah heysta waxaa ku waajib ah inuu u Deg Dego sidii uu u celin lahaa isaga oo weydiisanaya inuu cafiyo inta aan la gaarin MAALINTA AAN LA ISKU KALA XUKMINEYN DIINAAR IYO DIRHAM MIDNA EE LA ISKU KALA XUKUMAAYO XASANAAD IYO DANBIYO..

Waxan xagaa talo yar oo walaltinimo iyo islaamnimo ah uso jeedinaya xaasleyasha iyagoo is qabo dowlada u sheega inay yihin separation iyago xaga lacagta eegaya lakin ti akhiro iloobey iyo in caro allah ku dhacayso naxaristisana ka foganayan 'SAKO'SADAQO'XAJ'CUNO''IYO DHAR'GURI KU GADODO XALAAL KU AHEYN' walashaytiyey walalkeygiyow OGOW wa xoolo dad kale lagaga so goyo oo aad cuneyso dowladana aad khayanayso lakin ha iloobin inadan Rabbiga(swt) khiyanaynine oo uu idin arkayo Ubadkiinuna jidkan aad ku jirtan wa ku dabo jirayan ogow marka walashaytiyey walalkeygiyow illahay u tobad kena oo iska joojiya lacagta xaranta ah eed cuneysan.

Waxa laga weriyey Abuu Hureyrah(Allaha ka raalli noqdee)inuu yirhi Rasuulkii Alle(scw) wuxuu yiri Illaahay waa wanaagsan yahay mana aqbalo wax aan wanaagsaneyn,Illaahayna wuxuu faray Mu'miniinta,wixii uu faray Rususha sida uu ku sheegay Aayadda dheheysa. Rusuleey cuna raashinka kiisa bannaan ee fiican,camal fiicanna fala.'' iyo Aayadda dheheysa,'Muminiineey cuna waxa fiican aan idinku arsaaqnay,''Markaasuu xusay nin meel dheer u socdaalay oo timihii bassaaseen,kubabka boor ku leh,oo gacmaha kor u taagaya,isagoo Illaahay baryaaya oo leh; Rabigeeyow,Rabbigeeyow, isla markaana cuntadiisu xaaraan tahay,cabbiddiisu xaaraan tahay dharkiisu xaaraan yahay,xaaraan la soo quudiyay- sidee looga aqbalayaa ducadiisa?¿Waxa weriyey Muslim.

Marka walalaashaytiyey walalkeygiyow side ducadena la inoga aqbalaya hadi xaran dhex badalanayno,Qofka muslimka ah hadi u Iimaanka iska qaado wax dunida saran ma deeqayo waxu jecel yahay inu helo xoolo badan iwm, lakin qofka Iimankisa qaba ee Illaahay sida dabta ha uga cabsanaya oo waxi dowlada ama dadku siyaan(BISMILLAH) odhanaya wa deeqdoneysiya Eebe(swt) una barakeya xoolahiisa lakin kan Xaraanta dhexbadalanaya waliigi xoolahiisu uma barakoowdo madama xaraan uu cunayo.

Hadaba waxan kula talinaya xaasleeyda inaad ka foogataan waxi Eebe(swt) caro galinaya oo lacagtey dowlada idinku talo galen famllie ahaan bismileysta Rabbiga(swt) wa idin barakaynaya Xoolihiine hana iloobin Riisiqa allah inu baladhan yahay qofki talo sarta waxi la siyana BISMILLEYSTA kuna mahdiya rabbigi, illahay wa u barakeya xoolihisa iyo awladisa iwm wa ki ku mahdiye waxi la siiya Iimaankisana qaba,walashaytiyey walalkeygiyow ka tawbad keenna beenta aad dowlada kaga cuneysan sida separation, Illahay swt waxan idinkaga baryaya inu idinka dhaafo danbiyadaan amiiin

Waxan saxay xaga allah ayey ka ahaatay waxan qaldayna naf iyo shaytan ayey ka ahatay..


FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Dacwada

Top 5: Dacwada
1) Xasuusnow Mowdka [Geerida] :: 2458 views ::
2) NAFTA IYO EDAABTEEDA :: 2239 views ::
3) Salaada Istikhaarada :: 1798 views ::
4) Quruxda gabdhaha ee dhabta ah :: 1798 views ::
5) Isjir Gabaray oo taxadar badan qaado!! :: 1353 views ::

Share

Comments
Saabirah
on March 21 2010 19:56:16
User Avatar

Assalamu calaykum

Jazaki laahu khayran walal zaynab mowduucaan oo ah muhiim in la isku baraarujiyo , somalida qaarkood waxayba moodaan gaalka hadii been loo sheego inaysan danbi ahayn markaa xaraantaas Alaah ka hanuuniyo umada jirkii xaaraan ku kora naarta leh ayuu xadiis ku yiri Rasuulkeenii salalahu calayhi wasalim

inkastoo hada ay yaraatay culimadeena khayr Alaah siiyee dadaal badan ay sameeyeen saan maqlay ,
xaraantu yareysi ma leh ee Alle hanaga dhowro dhamaanteen aamin
abdiaziz
on March 25 2010 10:38:32

Aslaamu Caleykum

Jazaka laahu khayran ukhtii zaynab waa mowduuc aad iyo aad u muhiimsan mudan in la isku baraarujiyo miisaan kaaga xasanaad allah kugu kabo

Aamiin Aamiin Allow inoo akhbal ducada walaasheen Saabirah
Taqqiyah
on April 04 2010 15:56:11
User Avatar

asc
mashalah walalo zaynab jazaka lahu khayran alah nagu anfaco waanadada

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 736
Hilib Digaag & Makaroone 591
Peanut butter & Red C... 454
Hilib & Fuul 695
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 736
Hilib & Fuul 695
Hilib Digaag & Makaroone 591
Peanut butter & Red C... 454
Info.
Categories: 7
Reads: 2476
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

783,342 unique visits