najdi   najdi 8. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:620
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
NASIIXO WALAALKEY / WALAASHEY Q5aad [Dhamaad]
WQ:Ahmed Hassan (muxsin)
26-03-2010
muxsin@khadijahome.com



62- Xidhiidhi ehelka iyo qaraabadaada, u wanaag fal ehelkaaga ku dedaal inaad ka war hayso xaaladooda.

63 – Hadii ay jirto khilaaf ehelka dhexdiisa ah, isku day inaad qeyb ka qaadato sidii loo xallin lahaa, maxaa yeelay heshiiska la dhex dhigo laba dhinac waa xasanaatka kuwa ugu waaweyn.

64 – Wanaaji jaarkaaga, oo ha dhibin mid ka mida.

65- Noqo qof akhlaaq wanaag kula dhaqma ehelkiisa, jaarkiisa iyo asxaabtiisaba, maxaa yeelay ma jiro wax ka miisaan culus akhlaaqda wanaagsan maalinka qiyaame.

66- Martida oo la karaameeyo waxay ka mid tahay iimaanka, waana astaanta lagu garto edaabta iyo asluuubta fiican, karaamee martida ha ku jeclaadeene.

67- Ha xaqirin oo ha ku dheeldheelin qof muslim ah , waxaa laga yaabaa inuu kaa kheyr badan yahaye.

68- La saaxiib akhyaarta, kana dheeroow saaxiibada ashraarta ah, maxaa yeelay saaxiibtinimadu waa mid saameysa akhlaaqda qofka, waana mid laysu gudbiyo oo sidii copy iyo paste ah.

69- Salaam oo ka qaad salaamta cidii aad garanayso ama aanad garanaynba, waa tan kalgacayl iyo maxabo dhex dhigta dadka.

70- Ha ku bilaabin salaamta Yahuudi ama nasraani, maxaa yeelay maaha kuwo salaam ehel u ah.

71- Ka qaad darriiqa hadi aad ku aragto waxyaalaha dadka dhibaya, maxaa yeelay waa asbaabta lagu galo Jannada.

72- U naseexee ka lunsan, sii ka baahan waxii aad awoodo, u gargaar kan la dulmiyayo, qaado adigu gacanta la dhibteeyo, oo ha noqon gacanta dhibta gaysta, sii dariiqana xaqqiisa.

73- U dhig ishaada hoos, oo ha eegin haweenka ajaanibka kaa ah, kuwa dariiqa maraya, kuwa shaahadaha wax laga daawado kasoo baxaya, kuwa wargeysyada iyo majaladaha ku sawiran, kuwa goobaha dukaamada ah ku sugan – waxuu yidhi mid ka mid ah salafkii hore u dhiga ishiina hoos haba ahaato lax dhedig waxi ishaadu ku dhacdo’e

74- Xifdi farjigaaga ilaa xaaskaaga/ninkaaga maahee. Ka dheerow zinno, waa tan dariiq la maro ugu xun, waana dunuubta waaweyn

75- Ka dheerow caadada qarsoon, waana mid xun oo siyaadisa rabitaan xun iyo daciifnimo.

76- Waxaa korkaaga ah cillaajkii Nebiga calayhi affdallu salaatu wassalaam inaad rabitaanka xun ka hor tagto, waana guur cillaajkaasi, haddii aanad awoodin waxaa kuu fiican inaad soomto waana mid kaa daciifin rabitaanka xun.

79- Ka dhawrso saaxibtinimada teeda xun, maxaa yeelay waa mid fitno kugu reebi karta iimaankana kaa nusqaamin.

80- Ka taxadar inaad la keli noqoto ama qof aan kuu xalaal ahayn oo haweeney ah, maxaa yeelay keli la noqoshada iyo dhexgalka qof aanad xalaal u ahayn waa mid kugu raaligelin zinno .

81- Is hubi inaanad dhexgalin oo xasuusato meelaha lays dhexgalo inaad ka taxadarto markay duruuf ku geyso, noqo mid dantiisa ka qabsada oo ka taga.

82- Ka taxadar inaad salaamto haweenay aan xalaal kuu ahayn, maxaa yeelay Nebi Muxammed calayhi affdallu sallaatu wassalam waligii ma salaamin haweenay aan xalaal u ahayn.

83- Noqo mid isdhul dhiga, sida hadalka, dharkaaga, iyo arrimahaaga oo dhan, maxaa yeelay qofka isdhul dhiga Allah cazza wajal agtiisa ayuu derajo ka leeyahay, inaad qof addoon ah derajo agtiisa ka yeelatona waxaa ka muhiimsan kana fadli badan adoo Allah subxaanahu watacaalaa agtiisa derajo ku yeesha. Ogowna isdhul dhigu waa shacaa’irkiii anbiyada iyo dadka saalixiinta ah.

84- Iska ilaali inaad maradaad xidhanayso dheerayso oo labada kacbo ay ka hooseyso, maxaa yeelay waa calaamaadka kibirka iyo Sunnadi oo aad dhinac martey, Waxuu yidhi Nebigu calayhi affdalu sallatu wassalam(( Waxii labada kacbo ka hooseeya waa naarta )) Xadiith – Bukhaari.

85- Ha isku eekeysiin kuffaarta, haddey noqoto dhar qaadashadooda, iyo hab-u-hadalkooda iyo sheekooyinka muujinaya shucuurtooda, waxa uu yidhi nebigu calayhi affdallu sallaatu wassalaam (( Qofkii qoom isu eekeysiiya waa uu ka mid yahay )) xadiith- Abu Daud.

86- Ka ilaali carrabkaaga xanta, xaqqiraada, isku dirka, cayda iyo lacnadda, ku badal inaad carrabkaaga barto, dikriga, mahadnaqa, takbiirta iyo ammaanta.

87- Ha ku mashquulin indhahaaga iney arkaan dacfinimada iyo ceebaha dadka kale, ee ku mashquuli indhahaaga iney dacfigaaga iyo ceebahaaga arkaan.

88- Ha sheegin been haba noqoto mid kaftan ahe, hana ku murmin waxii xaq ah mooyee.

89- Noqo mid dulqaad leh, hana u cadhoon wax aan ahayn Allaah cazza wajal dartii , maxaa yeelay cadhadu waa mid shaydaan ka timi. Ka dhig jacaylkaaga iyo cadhadaadaba laba Allaah cazza wajal dartii ah.

90- Ka taxaddar shaashahadaha soo bandhiga waxyaalaha daawashada ah ee xun xun, kuwaaso soo bandhiga , jinsiga iyo fasaadka iyo qalbi xannuunka, ka dhawrso meelaha soo bandhigaya fasaadka ee internetka hana gelin.

91- Noqo mid u sabra dhibka ku yimaada qadarka Allaah subxaanahu watacaalaa, noqo mid mahadnaqa wakhtiga Allaah kuu nimceeyo, noqo mid raali ku ahaadaa wax walboo Allaah kuu sugo, ka mid noqo kuwa cidda ka hooseysa saacida.

92- Ha ku dhaaran cid aan Allaah subxaanahu watacaala ahayn, maxaa yeelay ku dhaarashada Allah sokadii waa shirki.

93- Ha dhibin qof muslim ah haba ahaato inta u yare, hana la wadaagin cidda dhibaateynaysa dhibka.

94- Ha khiyaameyn waxii lagugu aamino, hana balanfurin ee ilaali balanka,

95- Ka dhig hammigaaga inaad Islaamka faafiso,

96- Ha ku israafin / badsan cuntada iyo cabitaankaba, waxaaney keenaan caajis iyo hurdo, isku ilaali inta ku anfacaysa.

97- Ku soo gebagabee maalintaadan tawbo iyo inaad Allah cazza u noqoto, xisaabi naftaada, maalintaadu ha noqoto mid ka fiican shalaydaadi, beridaaduna ha noqoto mid ka sii fiican maantaada Insha Allaahu tacaalaa.

Dhammaad-

Wassalaamu calaykum waraxmatullaah.

FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Dacwada

Top 5: Dacwada
1) Xasuusnow Mowdka [Geerida] :: 2453 views ::
2) NAFTA IYO EDAABTEEDA :: 2231 views ::
3) Quruxda gabdhaha ee dhabta ah :: 1792 views ::
4) Salaada Istikhaarada :: 1789 views ::
5) Isjir Gabaray oo taxadar badan qaado!! :: 1349 views ::

Share

Comments
abdiaziz
on March 26 2010 18:19:13

Aslaamu Caleykum

masha Allah walaal muxsin Allah swt miisaan kaaga xasanaad ha kugu kabo Aad baan uga faa'iideystey mahad sanid akhii marlabaad iyo mar sadaxaad waxaana kugu boorin lahaa in aad dadaal kaaga meesha ka sii wado Allah kuu barakeeyo cilmigaaga dhamaanteen xaqa Allah nagu sugo Amiin Amiin Amiin
Taqqiyah
on April 04 2010 15:54:27
User Avatar

asc
mashalah muxsin walal jazakalahu khayran

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 729
Hilib Digaag & Makaroone 577
Peanut butter & Red C... 444
Hilib & Fuul 688
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 729
Hilib & Fuul 688
Hilib Digaag & Makaroone 577
Peanut butter & Red C... 444
Info.
Categories: 7
Reads: 2438
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

779,366 unique visits