Web Toolbar by Wibiya Guriga Qoyska & Wanaaga Bulshadda - Articles: Aabaha wanaagsan...
slide-1 slide-2 slide-3 slide-4 slide-5 slide-6 slide-7 slide-8 slide-9 slide-10 slide-11
Login
 
Navigation
· Home
· Photo Gallery
· Sheekooyin la alifay
· Forum
· IlaTali
· Send E-cards
· Media - Video
· Buuga Bisha
· Wakhtiga [Caadada]
· Xisaabi Miisaankaaga
· Miisaanka Munaasibka ah
· About Us
Dacwada
· Fanka Dacwada
· Qur'aan
· Qisooyin dhacay
· Ramadaan
Jikada-Madbakha
· Cunto Karis
· Cunto Karis Sahlan
· Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
· Qurxinta Jidhka
· Habbaynta Nolosha
· Habaynta Hoyga
· Caafimaadka
Arimaha Bulshada
· Maqaalo Guud
· Arimaha Bulshada
Information
· Usheeg Saaxiib
· Shuruda maqaalada
· Nala soo xidhiidh
· Search
· Links
 
Buuga bisha
Buuga u caansan
 48 su'aalood Ramd...
 The Ten Secrets t...
 Quick & Easy Dinners

Looking for something special?
Use search!
 
IlaTalida KHome
 
Mailing list KHome
Newsletters are for registered members only.
 
Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Aabaha wanaagsan...
WQ: Zainab Maxamed Cali
31-03-2010

Bismillahi Raxmani Raxiim..

· Maqaalkanu manta waxu ku socda {ABAHA}...

· Waxa jira qoysas badan oo dhibato ka dhex taagan maxa sababay dhibatada qoysaska iyo burburka qoyska?Waxan filaya Sua'shaan jawabtedu ma adka oo qof kasta wa fahmi kara sababta keenta dhibatada qoysaska iyo burburka.

wa maxay macnaha Aabo maxase loga raba?

· Abahu wa boqorka reerka hogaamiyaha reerka barbariinta ubadka daaryelka reerka..

· Aabaha waxa laga raba inu ubadkisa ka war qabo wa inu xidhiid la yeesha iskoolkisa macalimintisa waxbarashadiisa, adiga iyo ilmahagu xidhiid fican wa inu idin dhex yala kala hadal ilmahaga wax barashadisa haday liidato wax barashadisa ha canaanan ee u deeji kuna boori inu dadalo, una balan qaad in abala mariin sineyso hadi uu wanagsanado wax barashadiisa oo u ku baaso intaxamka ka ilaali ilmahaga niyaad jaab iyo canaan..

· Ka war hay caruurtada ciday la socdan sida saxiibo xun adigo ku qaylinin(CANANAN).

· Ha ku eegin hooyada caruurta iyo gurigaba ee caawi noqo abo ficaan oo bulshada dhexdeda magac wanagsan ku leh qoysaskuna kugu daytaan.

Walalkeygiyow miyaadan ogeyn inaad tahay madaxa reerka adigana reerkaga gacmahaga ku dhisan kara ama ku burburin kara ee ogow hadaad rabto in reerkagu wanag iyo degenasho ku dhisnado ka war hey waxi kuso kordha reerkaga iyo ubaadkaga siba Wilasha waxay noqdan sida abahood hadi u abahu yahay abo ehlu khayr ah dabci iyo akhalaq wanagsan diintisa ku dhaqmaya misjidka ku xidhan reerkisana ka war qaba waxa hubaal ah inu ilmahuna u marayo wadada abahi..

Aabaha xun ee masuliyada reerkisa dayaca?

· Waxa jira Aabooyin badan oo masuliyadi reerkisa dayacay oo ku odhanaya hoyada aya masul ka ah caruurta iyo reerka aniguna wa inan masruuf kooda kaliya keena...Sida ma aha walalkeygiyow masuliyda kaliya hoyadu ma sarna ee way idin wada saran tahay masuliyada reerka iyo barbaarinta ubadkina, ilmaha hadu arko in u abaha guriga ka maqan yahay inta badan oo u ka war qabin reerka iyo awladaba waxu doonu ilmahu sameya hoyadana kama baqan waxu barta saxiibo xun wax barashadisana way liitada oo kuma dadalo waxa ilmaha ka luma kalsoonida waxu ilmahu ka fogaada dhaqankisa iyo diintisa. Marka walalkeygiyow intu ilmahagu jidka xun mari laha ka gaadh oo reerkaga iyo caruurdada ka war qab walalkeygiyow miyadan ogeyn in Nabiga{salalaahu calayhi wasalaam} laga so wariyey xadiis aha qofka caruurtisa adeeg suuqa uga keena wuxu la mid yahay qof sadaqo u keenay. Walalkeygiyow caruurtadu meesha ay maran adiga malinta qiyamah lagu waydinaya hadad caruurtada ku barbariso sida ugu wanagsan oo Alle(swt) ka rali yahay aduun iyo akhiro wad libanaysa, saw ma ogid walalkeygiyow walidinta marka ay dhintan in 2 su'aalood la waydiyo 1 caruurtada 2 camal kaga...Walalkaygiyow ogow awladada sidaad u barbarisay noqdane..

talo hoyoyinka ku socota..

walashaydiyeey waxan kugula talin inaad guursato nin ehlu diin ah(rag) Nabigena waxu yiri: salalahu calayhi wasalaam guursada kan ehlu diinta ah walashaydiyeey ilmahaga abo wanagsan u door oo ka fogow aabo aan reerkisa iyo awladisa ka war qabin walashaydiyey ogow hadii ninka aad guursanayso adan diintisa ku dooran oo aad ku darato maal qurux babuur iwm in gadaal dhibato badan kala kulmi shalaytina ay wax dareyniin.

Ha noqdo ninka aad guursanayso Aabo ehlu diin ah oo misjidka ku xidhan reerkisa iyo awladisana ka war qaba ah Aabo akhalaq iyo magac wanagsan bulshada dhexdisa ku leh waxa hubaal ah in u reerkagu farxad iyo nolol barwaqo ah ku noolan dono..Waxan Allaha swt ka baryaya qoysaskan dhibatadu ka dhex tagan tahay inu nabad iyo kalgaceyl dhexdoda dhigo amiin amin..

 
Related Articles
 
FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Facebook Comments Dhiibo Ra'yigaaga
Comments
shukriya
on April 12 2010 20:58:35

Asc! XayaakiLLAAH sis Waa noo faa'iidaysay Allaah Ajar aan la soo koobi karin ha ku siiyo. Allaah Umaddeenna soomaaliyeed ee dhibaatada ku habsatay ha ka dul qaado isagaa awood badan, Xaqana Allaah hana fahamsiiyo "Aamiin"
abdiaziz
on April 11 2010 17:38:10

Assalamu Calaykum

Masha Allah Mahad sanid ukhtii Zainab waa maqaal aad iyo aad u wanaagsan Allah naga dhigo kuwii qaata waanada marlabaad mahad sanid
umu zak
on April 10 2010 20:01:53

Assalamu Calaykum Maashaa'allaah

Sidoo Kale Aabayaashana waxaan ka Rajaynaynaa Inay Noqdaan Kuwo Fikradahan Wax ku oolka Ah wax ku Qaata Insha.allah.

Mahadsanid Sis Zainab
Arwaa
on April 09 2010 20:08:00

Asc
MaashAllah maqaal aad iyo aad u faa´´iida leh
Jazaakiallahu kheyral jazaa
Saabirah
on April 09 2010 17:00:07

Asslamu calaykum

Masha alah zaynab jazaki laahu khayran waalidiinta waad waanisee Alaah ka yeelo kuwii qaata waanada guryahoodana khayr iyo wanaag ku maamula aamin
Taqqiyah
on April 04 2010 15:53:22

asc

walalo zaynab jazaka lahu khayran qoraalkan faaidada leh
 
Dhiibo Ra'yigaaga
Please Login to Post a Comment.
 
 
KhadijaHome DATING
 
Halkam Riix
Quran Explorer
Xadgudub copyright
 
Latest 20 Articles
 
Articles
 
Most commented
Articles
· Aniga iyo adiga iyo ... 15
· Aniga iyo adiga iyo ... 13
· Waxaan rabaa Gabadh ... 12
· Maxay rabaan dumarka... 10
· Aniga iyo adiga iyo ... 9
· Habloow Guurka Fudud... 9
· Xasuusnow Mowdka [Ge... 8
· Tusaale unoqo Ilmaha... 8
· Kii gafuurtaag ayuu ... 8
· Fikrado roomaantik a... 7
· Aniga iyo adiga iyo ... 7
· Ha isu qurxin ninkaa... 7
· Galmada ammaanka ah 7
· Aabaha wanaagsan... 6
· Aniga iyo adiga iyo ... 6
· Hooyada Wanaagsan 6