WQ: Xusen Sulub Jamac 23-05-2010
Maanta Aduunyadan aan ku noolahay Xaqa waxaa iska leh ka xooga weyn,Islaamkana Xaqa ayaa keena Xooga oo ay macnaheedu tahay Xaq marka la helo ayaa xoog la halaa,maanta waxaa lagu soo duulay Caadooyinkaagii iyo Caqiidadaadii waxa adag sida aad u haysan lahayd Dhaqankaaga iyo Caadooyinkaagu wixii aad adigu diidaysay mid kale ayaa fasaxaya taas waxa ay keentay in ay Dadka bilaa mabda ku dhacaan,hadaan si kale u dhigo maanta Aduunyadan aan ku noolahay waxaa hogaaminaya Dadka leh Aqoonta sidaa awgeed waxa ay kaa dhaadhicinayaan in ay iyagu sax yihiin oo ay hogaaminayaan Aduunka, adiguna aad khalad tahay sidaa awgeed iyagoo adeegsanaya Cilamiga Tignoolajida cusub ayay ka dhaadhicinyaan waxa ay raban iyo in ay sax yihiin, tusaale Internet waa cilmi cusub Aduunka oo dhan ayuu qabsaday Dadkii keenay Cilmigan adigoo Gurigaaga iska jooga ama wadankaaga ayaa lagu soo weerarayaa sidee laguu soo waararayaa kampuutarkan hortaada yaala ama Tvgan hortaada yaala ayaa lagaa dhaadhicinayaa in waxa aad haysto in uu Khalad yahay iyaguna ay sax yihiin adigoo aan ogayn, waliba bal ku darsoo Ummda cid walba si gooni ayaa loola hadlayaa Tusaale Dumarka muslimiinta ah waxa laga dhaadhicinaya in Xaqoodii la dulmiyay, Dhalinyarada Dharka aad sidataa Wuu danbeeyaa kan ayaa ah Casriga ee qaado waxaa la fidinayaa Fikrado, Dhaqano, Caqiido kale adigoon ogayn ayaad qaadanaysaa lana adeegsanyo cilmiga cusub.
Maanta Aduunyadan si toos ah iyo si aan toos ahayn ayaa laguu gumaysanayaa rumee ama ha rumayn, tusaale lacagta Jeebkaaga ku jirta si xooga ayaan ula baxayaa adigoo og waxana kama samayn kartid, Dadkan aan kuu sheegay ee ku horumaray Cilamiga cusub waxa ay weerar ku soo qaadeen Lacgtaada ,fikirkaaga ,Diintadad iyagoon Qori qaadan ayaa Dagaal lagugu soo qaaday, Tusaale lacgata oo jeebkaag kuugu jirta ayaan Tvga kaa tusay Moodeelka dharka dhalinyada ee cusub hadhaw ayaad is tiri inankaagii yaraa ee Guriga kuu joogay Dhar u soo iibi waxa aad tagatay Dukaanka dharka iibiya waxa aad ku xisaabtamaysaa Dakhligaag waxaad is tidhi mid jaban u iibi adigoo eegaya Dakhligaaga inanka marka uu iska fadhiyo fadhiga ee uu tvga daawanayo waxbaa laga iibinayaa, waxbaa la barayaa wax ayaa loo sheegayaa Fikrad ayaa laga dhaadhicinayay, markaa adiguna ma ogid markaad dukaankii tagtay ee aad istidhi u iibi koofiyadan jaban wuu kugu diidayaa waayo mid kale oo wadata calaamada sida Shirkad caan ah sida Nike oo kale ayaa laga tusay tvga in ay tahay ta ugu fiican isgagoo Kartoonkii iska daawanaya ayaaba Jiirkii kartoonka Jilayay loo soo galiyay wax ayaa laga iibiyay sida awgeed waadiga adiga iyo inankii isku qabsaday markii aad Dukaanka tagteen,Dukaanka dhakhdiisii Aakhirka marka uu kugu qayliyo ama kugu ooyo waxa ay noqonaysaa in aad u iibiso wax uu rabo marakaa inagoo iska fadhinayaa Ayaa wax laynaga iibinyaa ama Fikrado layna galinayaa, markaa si toos ah ayaa laguu Gumaysanayaa ama si aan toos ahayn rumayso ama ha rumaysan Qofka baadiyaha jooga ayaa Fikirkiisa labadalayaa Tignoolajidan Cusub waa mid xoog badan Dhaqano iyo Fikrado kale ayaa la fidinyaa ka aan lahayn Cilmigaa waa la gumysanayaa waxkasta oo uu haystana waxaa loo tusayaa in uu yahay wax aan Casriga la socon oo uu danbeeyo.
Maanta Dhalinyarada iyo caruurta khatar ayaa soo food sartay waxa ay u baahany yihiin in ay fahmaan Diintooda, Dhaqankooda arintaa maanta waa laga gaabiyay waana arin aan masuulaiydiida inagu leenahay waxa ay u baahan yihiin in loo cadeeyo Diintooda Dhaqankooda, Diintii iyo dhaqankii waa la soo weeraray inagan duli ayaa ina saaran muslimiintii ayaa is diliya Dhiigoodoo xalaallaysta si baadil ah dulmigii ayaa ku faafay Dhulkeenii waa lays cunayaa ka xooga weyn waxa uu cunayaa ka xooga yar iskhilaafka Dadka waxaa ka faa’idaysanay Shaydaanka iyo Cadawga.
Qofkasta oo Dhalinyaro ah waxa uu u baahan yahay Guri,Gabadh,Shaqo lakiin xalku waxa uu ku jiraa in ilaahay laga baqo, kii ilaahay ka baqaa waxa uu helayaa Faraj uu kagag baxo dhibtaa ma jirto Damaanad ka xoog weyn ta ilaahay hadii aad tahay nin Dhalinyaro ah oo toosan waxaad helaysaa Gabadh Saalixad ah Shaqo fiican ilaahay wuu jooga cidna wakiil kama dhigan, balse waxa uu inaga rabaa toosnaan ma jirto cid guulaysan kart aduunka ilaa tawfiiqda alle mooyaa, hadii hal Dhalinyaro ah ilaahay ka baqo waxaa loo furayaa Barakaadka Cirka iyo Dhulka ilaahy ayaa wax Ciseeya wax duleeya wax horu mariya wax dib u dhiga manta waxaa loo bahan yahay in la qaado hami umadeed iyo sidii dhibaatadan umada haysa wax looga qaban lahaa waxa loo baahan yahay dad aqoon leh oo Dadkooda u gurmada hadaad keento shirkad ay ka shaqeeyaan 80 qof waxaad dhistay Ummad hadaan ka soo qaadno in 80Qof masruufaan isku celcelis 5 Qof waxaa ka faa'iida Shirkadan 80*5=400Qof ama guri marka lagu dulaysanayaa waa marka aad daciifto, waxaa loo baahan yahay in laga fakiro sidii ummada dicfigan looga saari lahaaa maha in aan noqono Dad daciifiin ah oo aan waxba qabsan karin maanta waxaa laga fakirayaa sidii looga soo Haajiri lahaa Dalkii hooyo Sababtuna waxa weeye Dadkii oo Nolol ka waayay islamarkaa raacya doonyaha geerida ee badaha dhex heehaabay u dhaxeeya Afrika iyo Yurub iyagoo Nolol radis ah waa in uu ka fakiro sidaan u qaadi lahayn hami Umadeed Qofwalbana is waydiiyo maxaad u qabankartaa Ummda Muslimiinta maanta.
|