najdi   najdi 8. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:620
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Sideed isaga daahirin dhiiga caadada.

WQ:Najma Saciid
18-06-2010
najma@khadijahome.com

Bismillaah

Waxaan wada ognahay in dahaaradu tahay iimaanka badhkii ,waxaan kaloo ognahay in dahaaro la,aan ayna asnxayn acmaasha   qaarkood sida salaada .soonka . xajka  (camalada xajka qaarkood) iwm.


Hadaba su,aasha aan is waydiin karnaa waxay tahay sideen isaga daahirinayaa Xaydka(dhiiga caadada) ? maxaa la iga rabaa inaan sameeyo?


Ma biyaha unbaan  isku shushubaa  ka dibna saas ayaan ku daahir noqday ! mise? muxuu uga duwan yahay maydhashadayda kale?

Iinsha Allah  qodobo sahlan  oo ka midda talaabooyinka aan qaadayno markaan rabno inan iska daahirino  dhiiga caadada ayaan sheegi doonaa.hadii ilaahay yiraahdo.


1... marka ugu horeysa waxaad niyaysataa inaad iska daahirinayso Xayd.waayo niyada weeye waxa kala  saaraya  maydhashadaada caadiga ah iyo  isdaahirintaadan. Tani waa Cibaado ka midda cibaadooyinka. hadaadan niyo  la imaan   waxay noqonaysaa adoo iska qubeystay qubeys caadi ah oo kale,  niyaduna waa qalbiga ee maaha inaa leedahay  oo ku dhawaaqayso (Nawaytu) iwm. 

2... si fiicana u maydh  farjiga(xubinta taranka ) waxaad kaloo sameysaa oo Suno ah inaad  maro yar  intaa soo qaadato wax udgoona mariso ku masaxdo farjiga adoo raacraacaya raadkii dhiiga si urku u tago.

3... Bismilaah dheh , hadaad suuliga ku jirto niyada ayaad ka leedahay, sadexjeer maydh gacmahaaga  ka dibna   waysayso sida waysadii salaada oo kale. culimada qaar waxay leeyihin marka la waysaysanayo  lugaha waa laga tagayaa  oo marka u danbaysaa la maydhayaa qaarna  cagsiga.

4... waxaad maydhaa dhamaan jidhkaaga dhan adoo ka bilaabaya dhinacaaga midig. Sadex jeer ku shub madaxaaga biyaha   adoo ka bilaabaya dhinaca midig.

5... si fiicana u gelgeli biyaha timaha ilaa ay wada qoyaan  gunta timahana gaarsii biyaha , hadey  daban yihin( tidcan yihin) furfur  hadaa ka baqdo inay biyuhu si fican u gaari waayaan ka dib wada gaarsii biyaha jidhkaaga oo dhan.


6... markaa dhameyso intaa lugahaaga ku maydh  meel kale oo ka durugsan xoogaa mesha ku maydhanaysay.

Nb... hadeey waysadu kaa jabtay(burtay) intaa ku guda jirtay  maydhashada sida inaa taabatay si toosa  xubintii taranka  ku soo celi waysadii hadii kale waysadaadii hore ayaa kugu filan .


Nb... Timaha tidcan culimada qaar waxay leeyihin qasab maaha in la furfuro hadii biyaha  jirrida madaxa la gaarsiinayo   marka la furfurayo Tidica waa marka laga cabsi qabo in  biyuhu gaari waayaan jirrida ama gunta madaxa  taasoo noqon karta in Tintii ahaato mid ka qalalan hoosta.

 

Wixii faahfaahin intaas dhaaf siisan waxaad ka helaysaa kutubta fiqhiga.

 

Wabilahi Towfiiq

FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Iyada
· (18/07/2010 05:25) Yaa reerka ka mas'uula? -
· (30/06/2010 06:05) Lama huraan Hooyaa ah. -
· (18/06/2010 14:50) Sideed isaga daahirin dhiiga caadada. -
· (23/05/2010 13:56) Sideed ku Ogaan karta Zawjka aan wanagsaneyn! Q 2aad -
· (28/04/2010 12:56) Habloow Waxbarta -

Top 5: Iyada

Share

Comments
No Comments have been Posted.

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 729
Hilib Digaag & Makaroone 579
Peanut butter & Red C... 444
Hilib & Fuul 688
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 729
Hilib & Fuul 688
Hilib Digaag & Makaroone 579
Peanut butter & Red C... 444
Info.
Categories: 7
Reads: 2440
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

779,622 unique visits