najdi   najdi 9. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:621
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Madaxa Lagama Tumo Ilmaha Iyo Meesha Halistaa !!
WQ: Naasir Faarax Maxamed
06-07-2010

Abdunnaasir@khadijahome.com

Bismillaah Wassalaatu Wassalaam Callaa Rassuulillaah Scw-
Assalaamu Caleykum Waraxmtullaah Wabarakaatuh -

Waalidiinta soomaaliyeed waxay ugu horeeyaan Kuwa aaminsan in gacan qaadku yahay jidka ugu horeeya ee carruurta lagu edbin karo ,, badankoodana xisaabta uguma jirto in dhallaanka maskax lagu ababin karo laguna sixo karo -waxayna waalidiinta qaar dhallaanka gaadhsiyaan nabaro iyo dhaawacyo aad u culus iyagoo badhkood cadhada haysa darteed mar mar aysanba ogayn halka gacantoodu ku dhacayso .

gacan qaadka iyo garaacista carruurta waxaa ka haboon kana qurux badan in dhallaanka lagu saxo waano iyo hadal dagan oo naxariis leh ,islamarkaana wixii khaldan la yidhaahdo waa khalad hooyo/aabo ee ka joog -

Daraasad la Sameeyay ayaa waxay tilmaamaysaa in dhallaanka lagu soo koriyo gacan qaadka , cannaanta iyo qaylada aysan la jaanqaadi karin kuwa maskaxiyan lagu soo ababiyo islamarkaana aysan isku nooc wax u fahmin .... waayo ilmaha gacan qaadka lagu soo koriyo wuxuu la qabsaday in gacan qaad wax lagu fahansiiyo...

Haddaba aan xuso dhowr qodob oo aan aniguba soo maray dad badana ila soo mareen , carruur badana kujiraan oo ah gundhiga iyo seeska khaldan ee dhallaanka soomaaliyeed lagu soo ababiyo

@@ baraha ugu qaalisan ee wax bara bulsho muslim ah ugu kheyr badan looguna jecelyahay waa kan dadka bara quraanka kariimka .... waa Kii Rasuulkeenu Yidhi (waxaa idiinku kheyr badan kiina quraanka barta ee dadkana bara ,))Scw

Carruurta Soomaaliyeed Ee Ku Barta Quraanka Kariimka Ah dalkeena Hooyo ifka waxay ugu necebyihiin macalinka quraanka waayo wuu garaacaa ..
iyadoo waalidiinta soomaaliyeed qaarkood aaminsanyihiin in macalinka malcaamadaha quraanka dhiga ay ku saxsanyihiin arinkaas .qaar badana wuxuu gaadhsiiyaa macalinku nabaro jidhkooda ka muuqda .

waxaad arkaysaa carruur soomaaliyeed oo 05.00 subaxnimo iyaga oo aan quraacan taga malcaamada kadibna haddii uu ilmahaas kasoo bixi waayo quraankii shalay aan loo soo dayn quraacda ,Ardayda Kalena intay soo quraacdaan ugu soo noqdaan isagoo halkii fadhiya oo gaajoonaya ,,, xataa macalinku wuu soo quraacanayaa .....maalintaasoo dhan macalinku ul buu la dhacayaa ilmaha yar duhurkii ayaa ilmaha yaroo gaajaysan oo dilan kusoo noqonayaa guriga ,, waalidku xataa sidee wax u dhaceen odhan maayaan .

Waxaan hadaba is waydiiyay Haddii diinteena islaamku odhanayso (iyadoo salaadu joogto haddii lasoo dhigo cunto waa inaad marka hore cuntaa kadib tukataa ) waa maxay qiilka diiniga ah ee macalinka quraanku uu ilmaha yaree sabiga ah sidaa ugu galo .

@@@ Carruur badan oo soomaali ah waxay ku odhanayaan Suurata La Yidhaahdo Alshamsi waan ka xanaaqaa !!! Hadaba maxaa ku kalifaya inu ilmaha yar afkiisa soo mariyo kalmada culayskaa leh

Sababtoo ah ardayga quraanka kasoo bixi waaya macalinku intuu 20 arday dhex fadhiisiyo ayay intay suuradaa akhriyaan ay qanjiidho dhinacyada kala maraan --- taas lafteeda waxay ku beertaa xanuun maskaxiyan ah

@@ waalidka ugu naxariista badan waalidiinta soomaaliyeed ee aan u gacan qaadin carruurtiisa markuu ilmaha yar diido waxay ku yidhaahdaan , waxaa samee haddii kale dhakhtarka ayaan ku gaynayaa kadibna irbad ayuu kugu mudayaa , ama macalinka quraanka ayaan kuu sheegayaa !!

iyadoo dawadii lagu cabsiinayo ilmaha yar , ama macalinkiisii quraanka kariimka ah ee loo baahnaa inuu ilmuhu rayn rayn iyo farxad iyo jacayl ku qaabilo maadaama uu dhigayo Qowlkii Eebe Swt.

Hadhow Way adkaataa ilmahaa yar xataa isagoo xanuunsanaya inuu qaato dawooyinka sida irbadaha haddii loo baahdo waayo dawada ayaaba xanuun kale ku beereysa oo waa lagu soo xuuxiyay

Rassuulkeenu Scw wuxuu yidhi ((qofkaan ixtiraamin kaayaga wayn islamarkaana u naxariisan kaayaga yar nagama mid aha )) ee carruurta yaanan lagu ababin cunfiga , dilka, qaylada iyo cabsi galinta waayo lama jaan qaadi karaan qayrkooda.

Haddii ay lagama maarmaan tahay in ilmaha la yar xanuujiyo oo ay khasab noqoto sida markuu ku kaco khalad wayn ama diido salaada isagoo maraya marxalada la yidhi ha la xanuujiyo yaan lagu talax tagin oo yuusan shaydaanku kuu macaanayn garaacista balse haku dhufan meelaha aayaha sabiga mustaqbalka kusoo duxi kara sida madaxa ,wajiga feedha iyo wixii lami ah .

madaxa lagama tumo iyo ilmaha meesha halistaaye
tumistii maslaxad loo arkee lagama maarmaan ah
miyirkaaga oo taama iyo gacantoo miisaaman
mijaha iyo lugaha iyo gacmaha meel uu ka xanuuji.

Garaacista iyo gacan qaadku waxay kaloo abuurtaa cadaawad iyo nacayb ka dhex dhalata waalidiinta iyo dhallaankooda ,,ilmuhu markuu yaryahay waa sidii canjalad wixii lagu duubo ayaana laga dhagaystaa ,,ilmaha yarna ma iloobo gacan qaadka waligii.. waxaad arkaysaa carruur yar yar oo aan ku dhicin inay aabahood ama hooyadood hab siiyaan ama dhabtooda ku fadhiistaan oo ka baqaya markasta heegana kujira ....

Haddaad maqasheen ilmaha ay ayeeyadu koriso waa ilmo ka garaad dheer carruurta kale kana baarisan ,,waxaad maqlaysaa alla wanaagsan ma ayeeyo koris baa ? ,,,, wanaagaa lagu tilmaamayo wax kale Maaha ee sababtu waa ayeeyada oo aan caruurta ay ayeeyada utahay u gacan qaadin balse dhaqaalaysa u sheekeysa islamarkaana waanisa taasina waxay korisaa garaadkooda iyo bashaashnimadooda ....Halkaana Waxaa Ka Cad mar kale in ilmaha quruxdiisa dhan ee dhinac kasta edeb , akhlaaq ,xishood ,dhaga nuglaan, baarinimo iyo waalid adeecnimo intaba ay lagu kasbado koolkoolinta iyo naxariista oo xooga la saaro ee aysan ahayn cunfiga , qaylada , dilka iyo gacan qaadka .

Wassalaamu Caleykum Waraxmtullaah Wabarakaatuh .

FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Tarbiyada caruurta

Top 5: Tarbiyada caruurta

Share

Comments
Saabirah
on July 06 2010 16:43:36
User Avatar

Assalamu calaykum

Mashalah jazakalahu khayran maqalkaan qiimaha badan walal naasir ilaahay hakaa abaal mariyo waalidiinta wax baa u shegtay waana talo siisay ,
waxaa xaqiiq ah in somalia ciyaalka macaliminta quraanka saa sheegtay ka sasaan , taasna wax loo bahan yahay maaha waa in la jcelado macalinka quraanka , isaguna ahaado mid naxariis badan usha kaliyana aan wax ku edbin

markale jazaka lahu khayran walal
Taqqiyah
on July 10 2010 16:09:45
User Avatar

asc jasakalah khayr walalo naasir aad ayaan uga helay qoraalkaan
MUNA
on August 05 2010 18:43:39
User Avatar

maasha allaah naasir walalkiis jzkl qayr runta ayaad ka hadashay waalidiinta soomaalida ah adbay caruurta ugaraacaan ha ubadnaadaan abayaasha mafiicna in caruurta la garaaco waa masaakiin walaahi wan ooyaa caruur lagaraacaayo ama la cadaadinaayo markaan arko yaan lagaaraacin caruurta jzkl qayr

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 736
Hilib Digaag & Makaroone 591
Peanut butter & Red C... 454
Hilib & Fuul 695
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 736
Hilib & Fuul 695
Hilib Digaag & Makaroone 591
Peanut butter & Red C... 454
Info.
Categories: 7
Reads: 2476
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

783,306 unique visits