najdi   najdi 9. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:621
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Midee baan noolaadaa labada nololood? Q3aad
WQ: Layla Ahmed (Istaahil)
06-07-2010
layla@khadijahome.com

Waa maalin fasax ay ka tahay Amran iskoolka oo xaafaday joogtaa. Hooyadeed Ruun iyo kaligeed baa guriga jooga dadkii kale waa wax shaqo aaday iyo wax iskool\xanaano jira. Amran iyo hooyadeed maalintaa waxay isu heleen wakhti ay waxyaalo badan kaga sheekaystaan, sheekadii dhex martayna sidan bay u dhacday.

Amran: hooyo, horta waxaan anigu sameeyo maxay kuugu muuqan waayaan oo waxa gabdhaha kale siiba islaanta saaxiibtaa ah kabadheeda ay sameeyaan uun u amaantaa oo ay kuugu muuqdaan

Hooyo Ruun: akhas , naa iska aamus ma maantaad Caasha shankaroon afkaaga ku taagtay oo isku dhererisay cidkaleba ha joogtee?

Amran: hooyo maxay i dhaantaa dhoocisha xuntaa aad buun buunisaan wallahay waanba ka dhex arkay iyada iyo wixii ay isku mid yihiinba.

Hooyo Ruun: naa hooy gabadhaas islaameed ee sharafta leh afkaaga ka jeedi, hadaad rabtid inaan ku amaano oo dadku ku amaanaan sida Caasha , ku dayo maandheey oo naag waynoo intaa leeg baa tahee sharaf isu yeel.

Amra: hooyo sidaan ugu daydaa dhoocil yaroo aan kabahaygaba gaadhin horta hooyo bal ii sheeg waxaan kaga daydo?

Hooyo Ruun: kabahayga aan gaadhin kutee (iyadoo yara qoslasa) waxaan maqli jiray isu boga badh maqan yahay walee tiibaan haynaa oo iyadaaba aduun isula fiican.

Amran: hhh, hooyo igadaa ciyaarta oo hada dhab iila hadal ii sheeg maxay igaga fiicantahay

Hooyo Ruun: haa, hadeeraa lagu qaatay saas u hadal, oo ma waxaad i leedahay waxyaalahay igag a fiicantahay oo dhan ii tiri

Amran: haa dee ii soo wada tiri bal igagamana fiicna waxe adaa u malaynayee

Hooyo Ruun: ii soo wada tiri aa , naa ma wariyay i mooday, naa hooy waxaan ku idhi waxaas oodhan intaad iska dayso bal horta xijaabo oo naag wayn oo guur doon ah baa tahaye waxan iyo hawadan beentaa aad ku dhex jirto ka dhex bax wixii kaleba ha dambeeyaane.

Amran: ( iyadoo is yeelyeelasa) hooyo xijaabka markaan waynaado baan xidhanayaa hada aad muhiim uma aha oo 20 bas baan jiraa.

Hooyo Ruun: ala hoogay naa iga hor kac wajigaa gubaye, kutee 20 bas baan jiraa oo xijaab uma baahni, naa iga hor kac anigu ku maqlaye dadka kalena yaysan ku maqal.

Amran : hooyo waa runtay dee, 20 sano bas baan jiraa maxaad sidii islaan dhamaatay iila hadlasaa, meesha ma waxaad mooday dhulkii 10 jirka lagu duqoobi jiray . hooyo aduunka lama socotide indhaha kala fur!

Hooyo Ruun : naayaa iga hor kac juuq dambe ha iisoo dalicin, intaad saa u fakarasona isma naqaano bas hadalku waa xidhanyahay!!

Amran iyadoo hoosta kaleh waa runteed oo hooyo way saxantahay balse aan rabin inay wax ka badasho nolosheeda. Baa waxaa guriga soo galay odaygii aabaheed oo ay qado diyaarin u gashay. Intay jikad aku maqnayd baa hooyadeed iyo aabaheed sheekadani sii dhex martay.

Odaygii: ee heedhe Ruun maxaad dhabanada la haysaa adna intaa waad fakari jirtee?

Hooyo Ruun: Cawiloow iska aamus walee war mahayside, waxaan maqli jiray aakhru sabaan tiibaan ku jirnaa.

Odaygii: adna intaa wax baad sheeg sheegtaaye maxaa soo kordhay?

Hooyo Ruun: wax inagu cusub maaha balse maanta wayba soo qaadatay, oo qoftaan islahaa way garaadsan hoos bayba usii socotaa.

Odaygii: Ma gabadhayds Amran baa sheegasaa?

Hooyo Ruun: hadaa ogtahay waxay tidhi maanta gabadhaydaba maad dhahdeen.

Odaygii: hee, maxay tidhi ma ninkaan siiyay bay diiday

Hooyo Ruun: adna intaa wax aan loo joogin baad ka hadashaaye ninku xaguu joogaa gabadhan maanta tidhi 20 bas baan jiraa oo ma xijaabanayo baad adna nin siin ka hadlasaa

Odaygii: hadaba way maqlasaa wataase, naa Amraneey aabe waxaan kusiiyay wiilka inaadeerkaa ee Mustafe.

Amran: aabe anigu waxaad ku hadlaso ma fahmayo, Mustafahaa sheegasona baabuurtu yaysan ku jiidhine iska ilaali ku dheh.

Odaygii: naa waad rabaayad xuntahee anaga waxaas hanagula hadlin, Mustafena waa ninkaagi mustaqbalka oo barri baanba kugu meherin.

Hooyo Ruun: War bal heedhe sug , adna wax baad is dhex wadaaye. Gabadhan hada nin siin kaagama baahna inaad akhlaaqdeeda hagaajiso baa ka hooraysa intaad nin kula ordaso.

Odaygii: naa orod oo na dhaaf waxaas afka ha ugu ridin gabadhee, nin kaagama baahna kutee hadaa maxay u baahan tahay? Gu’gii 20 aad baa had au sii dhamaanayee.

Hooyo Ruun: cawiloow maxaad isla yeelyeelasaa, gabadha sidan ah hadaan hada guurino saw ceeb inoo soo jiidi mayso maxaynu ka faa’iidanaa aan ceeb ahayn bal ii sheeg?

Odaygii: ceeb aa?, oo waa maxay ceebta iiga imanasa guurka , ma waxaad rabtaa inay guumaysoowdo walee taasi waa mid aan dhacayne.

Hooyo Ruun: waa runtaa oo guur ceebi kama timaado, laakiin guurkaysan ceebtu ka iman waa guurka qof guur doonaya oo dhisan akhlaaq ahaan iyo maskax ahaanba, qoftan maryaha lagu kari la’yahay siday reer u dhaqanasaa bal adaan kuu daayee.

Odaygii: haaheey, waa runtaa Ruuneey balse reerka xagaagaa looga soo dhacay oo gabadhi waa hooyadeed

Hooyo Ruun: (iyadoo xanaaq ka muuqdo) allaylahe in xagaaga nalooga soo dhacay, caruurtan yaaba arki lahaa hadaanan anigu dhexda u xidhan heerkaas anaa soo gaadhsiiyay oo aabe iyo hooyoba u noqdaye abaalki ma saas buu noqday? Waa runtaa oo kulama yaabayo waayo nin soomaaliyeed baa tahay oo wax abaal loo galo ma tihidin?

Odaygoo: naa saa ha iila hadlin nimanka soomaaliyeed oodhana afka haku taagin anaa ku qabee, doodana inaga xidh oo gabadhaas oo diyaar ah aan u imaado. Hadal dambena iguma soo celin karto waa saan u bixiyay m hadeerba way maqlasaa hadalkuna waa xidhan yahay.

Hooyo Ruun: waligaaba dhiiga isku kici wallee wax baanan diyaarin, naa Amraneey aabahaa wakaas waad maqlasaa anigu waan idinka dhex baxay.

Amran: aabe anigu waxaad sheegaso kuma jiro hadeerba waan kuu sheegay

Odaygii: maxaad ii sheegtay? Maxaadse ku jirin?

Amran: inaanan guur hada doonayn waliba wiilkaad sheegaso doonayn baan kuu sheegay oo ku jirin.

Odaygii: waa hadaan wax kaa waydiinayo , oo aad adigu ismaamusho.

Amran: aabe waxaa aad ku hadlaso wa laga baxay, intaan leekahay aad ileedahay waxba lagaa waydiin maayo noloshaada eeg bal, mida kale aabe meeshan maaha dhulkaad moodaso Yurub la dhahaa!

Odaygii: waa tahay!! Yurub hakaa saarto, adiyo hooyadaaba yurub baa idiinka dartee . yaysan dhagahaygu mar dambe waxaas maqlin ( isagoo xanaaq daran ka muuqdo, oo inuu dhirbaaxo iska qabanaya buu baxay)

Amran: walle odaygii wuu soo khafiifay waxaasi ma soconayaan hooyo adna miyaa ku raacsantahay?

Hooyo Ruun: naa mayee waxaan ku raacsanahay ma jirto, anigu ninkan kulamaba rabee , adayse ku jirtaa saa ka yeelasid naagtaa waynbaa tahay.

Amran: haye hooyo mahadsanid aniyo odaygaa bal isku kaaya daawo!!

La soco Q. 4AAD insha allah

FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Sheekooyin la alifay

Top 5: Sheekooyin la alifay

Share

Comments
Saabirah
on July 06 2010 16:38:21
User Avatar

Assalamu calaykum

Mashalah tabaraka laah sheeko waaqica jira shegaysa layla taslamii xabibti waa xaqiiq waxad ka hadashay ismaandhaaf waalid iyo ilmo , islaan iyo oday
bal noo soo dedeji inta hartay waa sugaynaa inshalah
nasroruun
on July 07 2010 22:14:08
User Avatar

kkkkkkkkkk waa wax kale daran,habar waalan iyo oday ka daran yo gabar la dhaqan rogay, Odaygu maxuu ka wadyaa, gabar ayuu nn siinaya asigoo weeydinin, Hooyadana ma taqaano sida caruurteeda loola hadlo, hal kalmadoo wanaagsan meeysan ku dhiin gabadheeda, gabadhana diin maleh, So waxa dhan eber waaye, by the way sheeko qatar ah waaye,,,,,,,,,

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 736
Hilib Digaag & Makaroone 590
Peanut butter & Red C... 452
Hilib & Fuul 695
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 736
Hilib & Fuul 695
Hilib Digaag & Makaroone 590
Peanut butter & Red C... 452
Info.
Categories: 7
Reads: 2473
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

783,256 unique visits