|
WQ:Khadijahome.com March 18, 2007
Waxaa aad iyo aad u dhacda in laba kasta oo lamaane isu noqotaa inay la kulmaan dhibaatooyin fara badan dhibaatooyinkaas oo ka yimaada is fahan la’aan iyo iyadoon la isa su’aalayn qofkasta oo labadooda kamid’ahi muxuu ka kale ka rabaa oo uu ka filayey markuu guursanayey lamaanihiisa uu jeclaa wakhtigaas.
Jacaylku maaha mid soconaya oo midho macaan keenaya hadii ayna jirin wada hadal joogta’ah, wada hadalkaas oo’ah sidii loo sii kor dhin lahaa kalgacaylka iyo dareenka uu midkastaa ka kale u qabo iyadoon waxba la isu qarinayn lakala xishoonayna.
Lamaane kasta oo ay noloshooda soo gashay is af garan waa iyo mashaakil, waxaanu kula talinaynaa inuu midkastaa ka kale kadalbado arimahan aanu hoos ku sheegi doono, iyadoo si daacada loowada hadlayo wadnaha la isu furayo midkastaana uu tusayo ka kale dareenkiisa dhabta’ah. Is waydiiya oo iska dalbada arimahan. Midkasta oo lamaanaha kamidi ka kale ha waydiiyo.
Ibar sideen kuu jeclaadaa
Ibar sideen kuu raali galiyaa
Ibar sideen kuula dhaqmaa
Ibar sideen kuula hadlaa
Ibar sideen kuula qoslaa
Ibar sideen kuu ixtiraamaa
Ibar sideen kuula raaxaystaa
Ibar sideen kuula seexdaa
Ibar sideen kuula cunteeyaa
Ibar sideen kuu koolkooliyaa
Ibar sideen kuula kaftamaa
Ibar sideen u wada tashanaa
Ibar sideen u ixtiraamaa reerkiina
Ibar sideen u wada korsanaa ubadkeena
Ibar waxkasta oo aad iga doonayso.
Waxaa hubaala hadii midkastaa uu ka kale sidaacada uga dhaadhiciyo waxa uu ka kale ka sugayo inay wax badani hagaagayaan.
|