slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-1 slide-2 slide-3 slide-4 slide-5 slide-6 slide-7 slide-8 slide-9 slide-10 slide-11
Login
 
Navigation
· Home
· Photo Gallery
· Forum
· IlaTali
· Dhambaalo Jacayl
· Media - Video
Dacwada
· Fanka Dacwada
· Qur'aan
· Ramadaan
Jikada-Guriga
· Cunto Karis
· Cunto Karis Sahlan
· Cunto Karis Video
· Habaynta Hoyga
Horumarka Nolosha
· Qurxinta Jidhka
· Habbaynta Nolosha
· Caafimaadka
Arimaha Bulshada
· Arimaha Bulshada
· Murti iyo Madadaalo
· Buuga Bisha
Information
· Search
· About Us
· Nala soo xidhiidh
· Shuruda maqaalada
· Wakhtiga [Caadada]
· Miisaanka Munaasibka ah
 
Quranexplorer
Halkam Riix
 
Most commented
Articles
· Aniga iyo adiga iyo ... 15
· Aniga iyo adiga iyo ... 13
· Waxaan rabaa Gabadh ... 12
· Maxay rabaan dumarka... 10
· Aniga iyo adiga iyo ... 9
· Habloow Guurka Fudud... 9
· Xasuusnow Mowdka [Ge... 8
· Tusaale unoqo Ilmaha... 8
· Kii gafuurtaag ayuu ... 8
· Fikrado roomaantik a... 7
· Aniga iyo adiga iyo ... 7
· Ha isu qurxin ninkaa... 7
· Galmada ammaanka ah 7
· Aabaha wanaagsan... 6
· Aniga iyo adiga iyo ... 6
· Hooyada Wanaagsan 6
 
Random Photo
 
Buuga bisha
Buuga u caansan
 48 su'aalood Ramd...
 Quick & Easy Dinners
 The Ten Secrets t...

Looking for something special?
Use search!
 
Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Waa maxay Guurku!

WQ:Sucaad A Maxamed
March 28, 2006
sucaad@khadijahome.com


Guurku waa marka ay gabar iyo nin ajaanib kala ahaa ay isku noqdaan labada isugu dhow aduunka oo ay iska xigsadaan dadkoo dhan.

Illaahay wuxuu karameeyey bani aadamka, kamuu dhigin insaanka xidhiidhka ka dexeeya labka iyo dhadiga sida xayawaanka oo kale , haseyeeshee wuxuu ka dhigay labada qof xidhiidhka ka dhexeeya mid ku xidhan sharciyo iyo xuduud iyo jacayl iyo wanaag iyo naxariis iyo dabacsanaan dhexdooda iyo dhawrsoonaan ay kaga fogaanayaan xumaanta.

Guurku waa sune kamida sunooyinka anbiyada iyo rususha iyo kuwa raacay jidkooda, waligeedna way soo jirtay, waxayna ka mid tahay asaaska dhismaha bulshada iyo wanaaga umada, waxaana ku jirta daganaashaha nafta, isbarasho labo ruux, isdhexgal labo dabeecadood iyo jiil kadhalasho.

Illaahay subxaanahu wa tacaala wuxuu yiri:

ูˆูŽู…ูู†ู’ ุขูŠูŽุงุชูู‡ู ุฃูŽู†ู’ ุฎูŽู„ูŽู‚ูŽ ู„ูŽูƒูู…ู’ ู…ูู†ู’ ุฃูŽู†ู’ููุณููƒูู…ู’ ุฃูŽุฒู’ูˆูŽุงุฌู‹ุง ู„ูุชูŽุณู’ูƒูู†ููˆุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ูŽุง ูˆูŽุฌูŽุนูŽู„ูŽ ุจูŽูŠู’ู†ูŽูƒูู…ู’ ู…ูŽูˆูŽุฏู‘ูŽุฉู‹ ูˆูŽุฑูŽุญู’ู…ูŽุฉู‹ ุฅูู†ู‘ูŽ ูููŠ ุฐูŽู„ููƒูŽ ู„ูŽุขูŠูŽุงุชู ู„ูู‚ูŽูˆู’ู…ู ูŠูŽุชูŽููŽูƒู‘ูŽุฑููˆู†ูŽ

๏ฟฝ Waxaa kamid๏ฟฝah calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray naftiina Haween si aad isugu xasishaan. Yeelayna dhexdiina is jacayl iyo naxariis, taasina waxaa ugu sugan Calaamad Qowmkii fikiri. Suuratu Ar-ruum aayada 21๏ฟฝ

Illaahay ayaa mahad leh inuu tirtiray guurarkii jaahiliga ee islaamka kahoreeyey, waxaa ka mid ahaa guurarkaas:

  • Labo nin oo is yaqaana ayaa labadooda xaas isku badalaya
  • Ninka xaaskiisu markay daahir ka noqoto caadada ayuu ku oranayaa orod ninkaas utag ( intuu doorto ninka uu isleeyahay waa ka ugu fiican), marka ay xagiisa katimaadana ma taabanayo ilaa uu ka hubsado inay uur u yeelatay ninkaas, markaas ayuu ku farxi jiray.
  • Niman tiradoodu ka yartahay 10 waxay u tagayaan gabadh oo lawada aqal galayaan, mudo kadib markay uur yeelato oo ay dhasho ayey uwada yeeraysaa iyadu nimankii, markay uwada yimaadaana waxay ka xulanaysaa mid kamida oo ay ku dhahaysaa adaa leh ilmahan, ninka la doorto wuu ku khasban yahay inuu ogolaado oo sidaas ayuu ku guursan.

Shariicadeenuse waxay sharaftay gabadha muslimada cirdigeeda iyo jidhkeeda, saas darteed ayuu illaahay xarimay guurarkan hore.

Waa maxay ujeedada guurka laga leeyahay. Miyaa la iska guursadaa, waa maya illaahay xikmado ayuu u dhigay guurka, oo qof kasta markuu guursanayo uu ka fakarayo, kuna talagalaan labada qof ee is guursanayaa mas๏ฟฝuuliyadaas.

Hadafka ama u jeedada guurka waxaa kamid ah:

Xasilooni iyo daganaasho

qofku xasilooni ayuu ka helaa guurka, naftiisa, jirkiisa, akhlaaqdiisa iyo fakarkiisa ayaa u daga waana wax uu illaahay ku abuuray labada qof , hadii ayna jirin xasiloonida labada qof ka dhaxaysa way isnacaan labada qof oo kala tag ayey kaliftaa.

Diintaada oo ku ilaashamaysa

qofka waxaa u fududaata inuu indhihiisa daboosho, waxaana u fududaata inuu cibaadadiisa khushuuc iyo xasilooni u guto.

Tarankoo bato

ciyaal ayaa meesha imaanaya, oo ninkii aabe ayuu noqon, gabadhiina hooyo, oo mid walba wuxuu ku fakari sidii caruurtiisa uu kuwa saalixiin ah oo wanaagsan unoqdaan, sida ubad wax islaamka u qabta oo cabsida illaahay ku kora.

Naxariis iyo jacayl

qofku markuu ogyahay inuu jiro qof jecel, oo mar walba oo uu ku dhaco walwal uu ogyahay inuu qof jiro u naxariisanaya oo dhibta ka yareenaya, naftaa u dagtaa qofkaas. Mar walba markay labada qof wanaaga badiyaan ayey isa sii jeclaadaan.

Baahida qofka oo qarsoonaata

illaahay bani aadamka wuxuu ku abuuray baahiyo kala duwan, waxaana kamid ah baahida jinsiga. habka kaliya ee uu u gudan karo qofku waa markuu guursado, si uu ku xifdiyo cirdigiisa iyo naftiisa kuna dhawrsoonaado.

Wabilaahi tawfiiq.

 
Related Articles
 
FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Facebook Comments Dhiibo Ra'yigaaga
Comments
Farhan
on July 23 2009 10:02:54

Asc.
Mansha allah waaa Macaal aad U wanag Badan

Jzkh
 
Dhiibo Ra'yigaaga
Please Login to Post a Comment.
 
 
Ramadaan
Ramadaan inta ka hadhay Insha Allaah

Ramadaan inta ka hadhay Insha Allaah
 
Khadija Shop
















 
KhadijaHome Facebook
 
Latest 20 Articles