WQ: Khadijahome.Com 2012-04-06 khadijahome@khadijahome.com
Waxaad ka samaynayso 3-4 qof
- 6 xabo oo ukun (beed) ah
- Hilib shiishiid (duqad) aad adigu qiyaasatay
- 2-3 malgacad Saliid saytuun aad ku samayso
- Milix, xawaash iyo basbaas hadii aad rabto
Waxaad dabka saartaa maqle aad ku shubtay saliid saytuunta, kadibna waxaad ku shiishaa hilibka shiidan adigoo ku daraya waxyar oo milix ah, kadibna dabka u daa ilaa uu ka shaaxido.

Markaa kadib waxaad ku shubtaa weel duqadii aad shaaxidisay. Kadibna waxaad diyaarisaa beedkii oo aad ku shubtay madiibad ama weel godan kadibna si fiican isoogu garaac, kadib waxaad ku dartaa duqadii aad samaysay, milix, xawaash iyo basbaas haad rabto adigoo si fiican isoogu qasaya dhamaan.
Maqle nadiifa ku shub wax yar oo saliida kadibna dabka saar oo isla markiiba waxaad ku shubtaa ukuntii iyo hilibkii aad isku qastay. Ha iloobin in dabku uu ahaado mid khafiifa oo aan qaboobayn kulayl badana aan lahayn.

Dabka udaa ilaa uu ka bislaado, halkii dhinacba u daa daqiiqado intuu iska qabsanayo.

Quraac Wanaagsan 
FG: hadii aad rabto waad ku dari kartaa basala iwm ee aad jeceshahay.
NB: Sawirada waxaa iskaleh cookaround |