WQ: Khadijahome.Com 2012-04-27 khadijahome@khadijahome.com
Haweenay u dhalatay wadanka talyaniga ayey boolisku qabteen mudo dhawayd, kadib markii ay khiyaano iyo dhac soo waday mudo 40sano ah. Booliska canshuuraha magaalada Venezia ee ku taala wadanka Italy ayaa baadhitaan ku waday magaaladaas, ilaa ay kala kulmeen haweenaydan oo sidata qoriga ay qaataan dadka indhaha la’ oo dawarsanaysa. Kadib markii ay su’aalo waydiiyeen ayey ka shakiyeen kadibna way sii daayeen. Boolisku waxay daba dhigeen si qarsoodi ah dad soo ogaada indho la’aanta ay sheeganaysaa inay sax tahay. Ninka mid ahaa booliska daba socday ayaa watay kamarad uu kusoo sawiray iyadoo dariiqa si qof caadiya uga gudbaysa oo hareeraha iska eegaysa, suuqa markay tagtana dharka ay iibsanayso isku daawanaysa, gurigeeda marka ay tagtana posta kala soo baxaysa waraaqaheeda oo akhrisanaysa.
Kadib markii ay xaqiiqsadeen ayey go’aan ku gaadheen sidii loo soo xidhi lahaa, nin booliska kamid ah ayey u xidheen labis caadiya wuxuuna ugu yimid iyadoo suuqa joogta, kadib wuxuu ula yimid rasiid uu wax kusoo iibsaday isagoo iska dhigaya in lasoo dhacay, kadibna wuxuu ka dalbaday inay caawiso oo ay la eegto in la dhacay iyo in kale, ilayn waa qof bani adam ahe inta ay is ilowday ayey la akhriday waraaqdii kadibna halkaa lagu qabtay ayna ku cadaatay khiyaanada ay ku jirtay.
Waxay soo ogaadeen boolisku in 60jir ay tahay mudo 40sano ahna ay khiyaanadan ku dawarsanaysay. Waxaa lasoo ogaaday in lacagta ay ka aruursatay ay gaadhayso 665 kun oo doolar ah.
Subxaanallaah khaayin si kasta oo uu wakhtigu u caawiyaba midan oo kale ayaa u danbaysa. |