WQ: Anisa Sh Ibrahim  2012-04-27 anisa@khadijahome.com
Sida ka muuqata ciwaanka maqaalka markiiba waxaad fahmi kartaa yey ku socotaa fariintaasi, hadii aad fahantay dadkay ku socoto markiiba waxaa maskaxdaada soo galaya oo maxaa dadka la isoogu wada darayaa sidaa ma wada ahee. Waa runtaa dadku sidan ma wada aha sidaa darteed hadii aabad ogtahay in cida maqaalkan uu ku socdo aadan ahayn, fadlan dhaliil iyo anigaa la iila jeeda haka horkeenin.
Hadii aan usoo guda galo maqaalka dabcan maqaalkan wuxuu ka hadlayaa waa nimanka masuuliyadaha saaran iyo reerkiisaba kasoo hor mariya sidii uu niman saaxiibadii ah ula sheekaysan lahaa maalin kasta, meesha lagu sheekaysanayaa waxay noqon kartaa jaaliyadaha qolka lagu tilmaamo ama maqaaxiyaha ay leeyhiin soomaalidu iyo dadka kale. Maqaaxiyaha qaar ee ay leeyhiin dadka aan soomaalida ahayn waxay gaadheen qaarkood inay ka mamnuucaan inuu nin soomaaliyeed fadhiyo maqaaxida 10daqiiqo ka badan. (waa ceeb soomaali loosoo jiiday)
Inaan dad ku caayo ama ku xaqiro midna uma dan lihi waayo ninka soomaaliyeed waa walaalkay oo xaq ayuu iigu leeyahay inaan u sheego markuu qaloocsamo. Hadaba anoo walaaltinimadaa kuu qiraya waxaan kuusoo gudbin arimahan, sidaan kor kusoo sheegayna waa hadii aad tahay dadka uu ku socdo.
Wali ma isa su’aashay booska aad ku leedahay nolosha caruurtaada aad ku dhashay ama keentay Yurub, wadan gaaleed oo aduunka dabadiisa ku yaala ayaan ubadkeenay ama ku dhalay kadibna waan ka seexday, sawma ogid inay saa ku nool yihiin ubadkaagu. Waxay u dhigantaa adigoo baabuur kuwada reerkaaga kadibna wadada badhtamaheedii seexday adoo wali baabuurkii wada.
- Goormaa kuugu danbaysay inaad wakhti ka siiso wiilkaaga wakhtigaaga qaaliga ah ee aad ku dilayso fadhi ku dirirka iyo meelaha aan noloshaada waxba usoo siyaadin inay kaasii goostaan mooyaane.
- Goormaa kuugu danbaysay inaad wiilka yar ee aad dhashay aad ula ciyaarto sida aabaha wanaagsani uu ula ciyaaro wiilkiisa.
- Saw ma ogid in wiilaakgu uu qiiroodo ama hinaaso marka uu saaxiibkii uga sheekeeyo inuu aabihii geeye meelaha sportiga, suuqa soo wareejiyo, salaada jimcaha geeyo, inuu tababaro iwm.
- Wali maka fikirtay usbuucu wuxuu ka kooban yahay 7maalmood maalinkastaana 24saacadood wali ma isa su’aashay wiilkaagu imisa saacdood oo isaga u khaasa ayuu kaa helaa wiigii, walise ma isa su’aashay imisa saacadood ayaan ku isticmaalay jaaliyada inaan ka doodo. Waajib ku sugaya miyaa inaad siyaasad maanta oo dhan kasoo doodo iyada oo wiilkaagii uu yahay agoon aabihii guriga ku nool yahay.
- Wali ma isa su’aashay inuu wiilkaagu ka mid yahay ciyaalka xaqira aabahood ee ku tilmaama waa qudhun waxa uu aabahay cunayo, sidii xoolo uu yahay ayuu caleen meelahaa la taagan yahay iwm.
Taasi waxay ahayd wiilkaaga ee bal eeg gabadhaada iyadana
- Wali ma isa su’aashay aniga iyo gabdhayda xidhiidh noocee ah ayaa naga dhexeeya tolow.
- Sawirka xun ee ay nimanka qaar ka qabto tolow ma anigay iga aragtay kadibna ay mooday inay nimanku sidaa wada yihiin.
- Gabdhaydu tolow ma igu faantaa mise way aamustaa marka ay saaxibadaheed amaanaan aabayaashood.
Walaalka soomaaliyeed ee wakhtigiisa 70% ku bixiya sidii uu maalinkasta xaadir uga ahaan lahaa meelaha lagu sheekaystow, walaal inaad siyaasad kasoo doodo ama aad saaxibadaa ka hor mariso reerkaagu maaha waajib ku sugaya ee ha iloobin kuwa lagu su’aali aakhiro inay yihiin reerkaaga.
- Usbuucii halmar oo aad soo sheekaysato ayaa kugu filan oo aad asxaabtaada lasoo dalxiisto. Walaal xaaskaagii oo udgoon oo quruxbadan iyadoo gurigii kugu sugaysa seed jaaliyad u dhextaagnaataa,
- ubadkaagii yaryaraa ee quruxda badnaa iyagoo gurigii kuu jooga seed jaaliyad u joogtaa.
- Farxadaha aduunku sawma ogid inay kuwa ugu waawayn ay tahay jacaylka iyo raxmada aad siiso reerkaaga, laga yaabaa in adiga iyo xaaskaagu aad kala daasheen sidaa darteed aad xujo ka dhigato sidii aad guriga uga carari lahayd. Ubadkaaga iyagana maad ka daashay, maad casharada lasoo siiyey ka caawisid oo wakhtigaaga qaybta ugu wayn siisid. Adiga iyo xaaskaaguna hadii aad kala daasheen noloshiina soo cusboonaysiiya.
Hadalka anigoon kusii dheeraanayn walaal hal fikir ayaan kusiin hadii aad u aragto in asxaabtaada aadan siin wakhtigaaga badankiisa.
Fikrad
7bada maalmood ee usoo horeeya adoo noloshaada caadiga ah wali ku jira waxaad qiyaastaa wakhtigaaga waxaad ku isticmaasho. Hadii ay kuu cadaatay in sida maqaalka ku qoran aad tahay waxaad u baahan tahay isbadal wayn intay goori goortahay, hadiise uu cakisku kuusoo baxay oo aad aragtay inaad tahay nin reerkiisu ay ugu jiraan nr1 waa khayr oo waa sidii lagaa rabay inaad ahaato, garabka midig intaad iska dhirbaaxdo waxaad tidhaahdaa INAAN FARIID AHAA WAAN IS OGAA JJ.
FG: ka raali noqo hadii uu kugu dheeraaday qoraalku. |