Web Toolbar by Wibiya Guriga Qoyska & Wanaaga Bulshadda - Articles: Naagyahay NUSKA ninka ayaad tahay! Q1aad
slide-1 slide-2 slide-3 slide-4 slide-5 slide-6 slide-7 slide-8 slide-9 slide-10 slide-11
Login
 
Navigation
· Home
· Photo Gallery
· Sheekooyin la alifay
· Forum
· IlaTali
· Send E-cards
· Media - Video
· Buuga Bisha
· Wakhtiga [Caadada]
· Xisaabi Miisaankaaga
· Miisaanka Munaasibka ah
· About Us
Dacwada
· Fanka Dacwada
· Qur'aan
· Qisooyin dhacay
· Ramadaan
Jikada-Madbakha
· Cunto Karis
· Cunto Karis Sahlan
· Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
· Qurxinta Jidhka
· Habbaynta Nolosha
· Habaynta Hoyga
· Caafimaadka
Arimaha Bulshada
· Maqaalo Guud
· Arimaha Bulshada
Information
· Usheeg Saaxiib
· Shuruda maqaalada
· Nala soo xidhiidh
· Search
· Links
 
Buuga bisha
Buuga u caansan
 48 su'aalood Ramd...
 The Ten Secrets t...
 Quick & Easy Dinners

Looking for something special?
Use search!
 
IlaTalida KHome
 
Mailing list KHome
Newsletters are for registered members only.
 
Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Naagyahay NUSKA ninka ayaad tahay! Q1aad

WQ: Layla Ahmed (Istaahil)
2012-06-08
layla@khadijahome.com

Waxay tidhi  Caasha: maalinbaa  islaan soomaaliyeed guriga nagu soo booqatay, sidii sheeko loo waday baa waxay sheekadii gashay rag iyo dumar. Oo waxaa la yidhi  raggu waa boqole  naa adna  hooy kontonlay baa tahaye ragga ha isla simin! Waan yaabay oo  arinkii waan ka dooday, waxaana idhi:

 ” Aniga walaalkay muxuu i dheeryahay? Miyuu iga maskax badanyahay, aqoon badanyahay ama dadnimo kale buu i dheeryahay?” idinku yaanan hadal idinku daaline doodii baa dheeraatay oo buuq baaba ka dhashay, waxayna gaadhay heer ay aniga hooyaday i dhahdo naa islaanta  hala murmine afkaaga xidho! Hooyaday macaan baan maqlay oo afkaygi baan iska xidhay ,anigoon sababta aan ninka badhkiisa u ahay la ii sheegin. Su’aashiina madaxayga ka guuxaso.  Diinta waan ka aqaan in igu filan oo aan ku kala garto  ama ku kala ogaado arinkaas isagaa , waana ogahay inaysan kitaabka qur’aanka kariimkaa aysan meelna kaga qornayn ”raggoow boqolayaal baa tihiin, dumaroow idinkuna kontonlayaal”   Aad baan ugu wareeray sheekadan meesha ay soomaalidu ka keeneen. Waxyaalo badan baan baadh baadhay oo dhaqanka soomaalida ku salaysan , wax i anfacana waanka waayay. Kaaga darane dad soomaali ah oo badan  oo aan wax ka waydiiyo meeshaan ku noolahay ma joogaan . Anigoo su’aashii sidii  jawaabteedi u raadinaya baa habeen habeenada ka mid ah waxaan xaafad isugu nimi 3 gabdhood. Sheekaan galnay say ku timi garan maayee su’aashii aan jawaabteeda raadin jiray baan  gabdhihii su’aalay oo idhi ”Horta sheekadan raggu waa qof dhan dumarkuna waa ragga badhkiisa ma maqasheen ? maxaadse ka aaminsantihiin?” Gabadhii gabdhaha ugu waynayd  hooyona ah baa markiiba soo booday oo  igu tidhi:

”Haa, adigu kontonley  baa tahay oo ilahay baa kaa dhigaye maxaad ku diidi?”

Aniyo gabadhiina hadalkan baa na dhex maray:

Caasha: Ma anaa kontonley ah walaalkayna boqole….see ku ahay?

Quman: Naa ilaahay baa kontonlay iga  dhigaye maxaan ku diidayaa!

Caasha:  Oo side ilaahay kontonlay kaaga dhigay?

Quman oo aad moodo inuu xanaaq ka muuqdo korna hadalkii u qaaday baa tidhi   “ Naa dhaxalka waalidkaa walaalkaa wuxuu  qaato badhkii baa lagu siinayaa adiga! Saas baad kontonlay ku tahay  kitaabkana way ku qorantahay!

Caasha: anigoo oo  yara farxay is idhina gabadha  hada baad isi soo fahmasaan baan idhi “ Haa, sax. Dhaxalka walaalkay intuu qaato badhkiis baan qaadanayaa ,laakiin sababta uu allah swt saas uga dhigay miyaad garan?”

Quman wayba xanaaqday oo tidhi  “ Naa diinta ilahaay sabab malaha sababna ma gashee hadalada gaaladu ku hadlaan hanoola imane diinta ilaahay sabab malaha! Ee dooda iyo buuqa iskadaa!

Caasha: waan yaabay oo  2dii gabdhood ee kale baan ku jeestay oo dhahay hada aniyo gabadhan keebaa khaldan? Sababta dhaxalka allah swt saas uga dhigayse hadaan waydiiyo  ma  khaladbaa?

Hodan: Iyadu ismaba lurine waxay tidhi “ Naa horta maxaad isku haysataan..idin ma fahminba anigu”

Nawaal: Caashaay walaalo inagadaa doodan iyo waxan diinta ilaahay dood ma gashee. Waxyaalahaasna lagama hadlo.

Caasha oo sheekadii sii wada baa tidhi: waan yaabay oo waxaan is idhi Quman diinta ma  aqoon la’aan baa ka haysay? Miyaysan ogayn in diinteena macaan wax walba oo ay ina fartay sabab leeyihiin waliba macquula oo lagu qanco xikmadna ku dhisan, miyayse ilawday in hadii dumarka muslimiinta la odhan lahaa dhaxalka ninka badhkiis baad leedihiin  oo bilaa sabab ah aan la heleen dumar muslimiin ah?

Waxaan kaloo is waydiiyay  sababta  Hodan iyo Nawaal uga gaabsadeen inay wax ka dhahaan  mawduucan, mise dumarka soomaalida oo dhan baa lagu qafilay inay nuska ninka yihiin ay kitaabka qur’aankaa ku qorantahay  duuduubna ku liqaan iyagoon aqoonteedi raadin diinta  wax ka baran?

Diinta Islaamka  dad aad u badan baa soo gala maalinkasta,dadkaas oo dumar u badan, badankooduna u dhashay wadamada reer galbeedka oo isku sheega inay xaquuqda dumarka ilaaliyaan, halka ay dunida Islaamka ama diinta Islaamkana inay dumarka  lagu xaqiro  ku sheegaan.  Miyay dadkaasi soo gali lahaayeen diin kala dhimasa dadnimadooda?  Intay kasoo tagaan dad     xuquuqdooda ilaalinaya? CAQLI GAL MAAHA!

Caasha waxay tidhi  anoo niyada iskala  hadlaya baan idhi “may ,may. Waxbaa khaldan waa inaad soo ogaado meeshay salaadu iska qaban la’dahay”

Anoo sidii u yaaban su’aashaydina cid iiga jawaabta aan soomaalida ka waayay ,oo isleh soomaalidu xagay ka keeneen waxan ileen kitaabka meel ay kaga qorantahay ma jirtee. Baa maalin maalmaha ka mid ah anagoo wada hadlana wiil aanu asxaabnahay waxay sheekadii nala gashay mawduucii isaga ahaa. Saan ku idhi waar horta Cumaroow adigu miyaad aaminsantahay inaan badhkaaga ahay? Cumar wuxuu iigu jawaabay walaaleey horta waxaan aaminsanahay inay ragga iyo dumarku maskax ahaan iyo dad ahaanba ay isku mid yihiin. Hase yeeshee waxaa jirta arin soomaalida ka dhex jirta oo odhanasa in dumarku ragga  badhkiisa yihiin. Su’aashii baan misna si kale ugu dhigay oo ku idhi,  oo Cumaroow ma kitaabka bay ku qorantahay in dumarku  ragga badhkiisa yihiin?

Cumar wuu ka yara gaabsaday,cudurdaar la fahmi karo oo ah inaanu  arinkaas hubin diintuna aysan male iyo fikir ku dhisnayn, balse uu la joogo macalinkiisi Qur’aanka kaasna uu wax ka waydiin doono. Buu ii sheegay ana waan ka aqbalay. Cabaar kadib buu igu soo laabtay uu igu yidhi Caashay sheikhii baan waydiiyay arinkii  oo wuxuu igu yidhi: “ kitaabka meelna kagama qorna in dumarku ragga  badhkiisa yihiin , laakiin waxaa jira arimo kale oo sida dhaxalka ah oo ragga iyo dumarka  aysan isku mid ka ahayn, waxaan ku idhi “niyow sheikha aan la hadlee ma ii dhiibi kartaa?

Lasoco...

 
Related Articles
 
FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Facebook Comments Dhiibo Ra'yigaaga
Comments
No Comments have been Posted.
 
Dhiibo Ra'yigaaga
Please Login to Post a Comment.
 
 
KhadijaHome DATING
 
Halkam Riix
Quran Explorer
Xadgudub copyright
 
Latest 20 Articles
 
Articles
 
Most commented
Articles
· Aniga iyo adiga iyo ... 15
· Aniga iyo adiga iyo ... 13
· Waxaan rabaa Gabadh ... 12
· Maxay rabaan dumarka... 10
· Aniga iyo adiga iyo ... 9
· Habloow Guurka Fudud... 9
· Xasuusnow Mowdka [Ge... 8
· Tusaale unoqo Ilmaha... 8
· Kii gafuurtaag ayuu ... 8
· Fikrado roomaantik a... 7
· Aniga iyo adiga iyo ... 7
· Ha isu qurxin ninkaa... 7
· Galmada ammaanka ah 7
· Aabaha wanaagsan... 6
· Aniga iyo adiga iyo ... 6
· Hooyada Wanaagsan 6