WQ: Khadijahome.Com  2012-07-13 khadijahome@khadijahome.com
Wuxuu ka kooban yahay 4-5 qof
500g tufaaxa dahabiga ah
150g sonkor
180g daqiiq
3 xabo oo beed ah (ukun)
1dl caano
100g shukulaato
Subag ( wax yar oo kugu filan)
Qorfe (qiyaaso adigu)
Milix (wax yar)
½dl Rum
1½ qaado oo Baking powder (qiyaaso adigu)
Sidan isoogu dar
Ukunta waxaad ku qastaa sonkorta ilaa ay si fiican isoogu milmaan. Eeg sawirka hoose

Adigoo wali walaaqaya waxaad kolba siyar ugu dartaa daqiiqda, Baking powder, caanaha,Rum iyo subagii oo aad dhalaalisay aad isoogu walaal ilaa ay sifiican isoogu dhex milmaan. Eeg sawirada hoose.
 

Kadib waxaad ku dartaa Tufaaxii oo aad diirka ka dhishay qaab dhexdhexaad ahna aad u jarjartay, kolba qayb ku dar keega adigoo si fiican isoogu walaaqaya. Eeg sawirka hoose

Kadib waxaad ku dartaa qaado yar oo Qorfe ah, kadibna shukulaatadii oo aad burburisay markaa kadib si fiican isoogu walaaq. Eeg sawirka hoose

Kadib waxaad ku shubtaa weelkii aad ku galin lahayd offinka, saxan wareegsan oo qiyaastii 24cm ah ayaa ku fiican, saxanka intaadan ku shubin keega waxaa fiican inaad saarto waraaqda keega hadii aadan haysana waxaad marisaa saxanka subag si uu uga ilaaliyo in keegu ku dhago saxanka. Eeg sawirka hoose.

Markaa kadib waxaad dusha kaga daadisaa sonkorta shiidan hadii aad rabto

markaa kadib waxada galisaa offinkii oo aad hore usii diirisay waxaanad ku shidaa 200º C mudo saacad ah u daa adoo kolba eegaya inuu dhexda ka bislaaday.

Waakan keegii oo bislaaday. Cunto wanaagsan.
|