Web Toolbar by Wibiya Guriga Qoyska & Wanaaga Bulshadda - Articles: Goormaan Dhiisha Faqriga jabin doonaa!!!
slide-1 slide-2 slide-3 slide-4 slide-5 slide-6 slide-7 slide-8 slide-9 slide-10 slide-11
Login
 
Navigation
· Home
· Photo Gallery
· Sheekooyin la alifay
· Forum
· IlaTali
· Send E-cards
· Media - Video
· Buuga Bisha
· Wakhtiga [Caadada]
· Xisaabi Miisaankaaga
· Miisaanka Munaasibka ah
· About Us
Dacwada
· Fanka Dacwada
· Qur'aan
· Qisooyin dhacay
· Ramadaan
Jikada-Madbakha
· Cunto Karis
· Cunto Karis Sahlan
· Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
· Qurxinta Jidhka
· Habbaynta Nolosha
· Habaynta Hoyga
· Caafimaadka
Arimaha Bulshada
· Maqaalo Guud
· Arimaha Bulshada
Information
· Usheeg Saaxiib
· Shuruda maqaalada
· Nala soo xidhiidh
· Search
· Links
 
Buuga bisha
Buuga u caansan
 48 su'aalood Ramd...
 The Ten Secrets t...
 Quick & Easy Dinners

Looking for something special?
Use search!
 
IlaTalida KHome
 
Mailing list KHome
Newsletters are for registered members only.
 
Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Goormaan Dhiisha Faqriga jabin doonaa!!!

WQ:Najma Saciid
2012-07-21
najma@khadijahome.com


Bismillaah..

Waqti  badan   waa iga khasaaray intaan meshaan soo fadhi weyna dad  badanoo iga hooseeyay  xag tacliin iyo xag dhaqaalaba waa kuwaan i dhaafay  intaan soo taagnaa magaaladaan  baas waligeyna aanan dhinac u dhaafin,  maxay dad badan horumar gaareen  guryo dhisteen, dadkooda wax tareen, guursadeen, halkaan anigu anoo  10 sano iyo ka badan shaqeynayay aan laba shilin isku qaban  la'ahay.  Alla ciilkeeyga  goormaan   dhiisha faqriga  jabin doonaa,  bal aan is waydiiyo anigu   horta maxaa iigu wacan  oon u tahriibi la'ahay ? ma fuleynimo iyo naf jacayl bay iga tahay  ma garanayo  mise   lacagtaa igu  yaroo waxaan sugayaa inta  wax isku kay duba dhacayaan  waayo   tahriibku laftiisu ma yareysto kumanaan dolar  ayaa ku baxda, naftu mar bay baxdaaye aan  go,aan rasmiyana gaaro  igu filan intaan ka fakarayay ma baxdaa mise waad iska joogtaa, go'aanku waa  laba midood

Waa inaan   faqriga tuuraa ama nafta tuuraa. ! 

Iskuma sheegayno Tahriibka iyo dhibkiisa  iskumana sheegayno  raafaadka jidka iyo  waxa dhibaato ku xeeran  waxanse waydiinayaa   walalahayga  qaaliga ah ee  Tahriibka u taagan   har iyo habeena wax kalena aan ku fakarin  waxaad ogaataa in  wuxuu Alle subxanahu watacala   kuu qoray aadan marna seegayn  waxaad  kaloo ogaataa in  riziq  kuu qornaa uuna  qof kale cunayn, marna maku fakartay   naftaan aad leedahay iyadaan mustaqbal u doonayaa inaadan iyada silcin  ka hor raaxadaad iyada  u doonayso, ma lihid  10 nafood waa mid kaliya waxaad leedahay inaad ku khamaartana ilaahay kuma  gelin. malaga yaabaa markaad Yurub tagto inay kuu noqon waydo sidaad  fileysay   iyo sidaad ku riyoonaysay  malaga yabaa inaad  ku baroorato Alla maxaa i keenay meshaan miyaan u soo maray wixii rafaad iyo silic aan soo maray,  waxaa laga yaabaa inaad  tiraahdo ma dhici karto ma cid  Yurub     ka cabanaysaa wali aragteen ? mise waxaad aragtay  qof xitaa ka soo guurey  oon dib ugu laaban, meesha  malab baa yaalee   aan malabkaas mar  uun farta soo daree iga daa niyad jabka..

Qof  walboo ku fakaraya  Tahriib iyo inuu  Yurub  lug ku gaaro waa sida dadka qaar dhahaane   waxaan kula dardaarmayaa naftaada  ha halaagin. hadaad heleyso dariiq nabad  ah ama  wado sharci ah eed ku tagi karto   kuma lihi ha aadin   laakin dariiqyada qaar waa qar  iska xoornimee  iska jir , naftaadu xaq bay kugu leedahay wax walboo  khatar ah inaad ku tijaabiso  kuma haboona, waa qaali naftu dheeman iyo  dahab  xitaa laguma helo waa hibo ilaahay bixiyo  waxana  ku haboon qof walba  inuu ka   dhowro dhiboo dhan, hadaadse ku adkeysato go,aankaaga ah  waa inaan dhiisha faqriga jabiyaa  ama nafta tuuraa ama  faqriga tuuraa  kutalagal
 wixii kaa soo gaara   qar iska xoornimda aad   u bareertay, hana ka shalaayin  mar xeero iyo fandhaal kala dhaceen ee hadaad fursad haysataaye ka fakar  dibna isugu laabo  mar walbana xasuusnow

 intaadan falin ka fiirso....

 
FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Facebook Comments Dhiibo Ra'yigaaga
Comments
No Comments have been Posted.
 
Dhiibo Ra'yigaaga
Please Login to Post a Comment.
 
 
KhadijaHome DATING
 
Halkam Riix
Quran Explorer
Xadgudub copyright
 
Latest 20 Articles
 
Articles
 
Most commented
Articles
· Aniga iyo adiga iyo ... 15
· Aniga iyo adiga iyo ... 13
· Waxaan rabaa Gabadh ... 12
· Maxay rabaan dumarka... 10
· Aniga iyo adiga iyo ... 9
· Habloow Guurka Fudud... 9
· Xasuusnow Mowdka [Ge... 8
· Tusaale unoqo Ilmaha... 8
· Kii gafuurtaag ayuu ... 8
· Fikrado roomaantik a... 7
· Aniga iyo adiga iyo ... 7
· Ha isu qurxin ninkaa... 7
· Galmada ammaanka ah 7
· Aabaha wanaagsan... 6
· Aniga iyo adiga iyo ... 6
· Hooyada Wanaagsan 6