Web Toolbar by Wibiya Guriga Qoyska & Wanaaga Bulshadda - Articles: “Markii geel loo heeso ayuu gorayo u heesaa”. Doorka weyn ee Ismaqalka
slide-1 slide-2 slide-3 slide-4 slide-5 slide-6 slide-7 slide-8 slide-9 slide-10 slide-11
Login
 
Navigation
· Home
· Photo Gallery
· Sheekooyin la alifay
· Forum
· IlaTali
· Send E-cards
· Media - Video
· Buuga Bisha
· Wakhtiga [Caadada]
· Xisaabi Miisaankaaga
· Miisaanka Munaasibka ah
· About Us
Dacwada
· Fanka Dacwada
· Qur'aan
· Qisooyin dhacay
· Ramadaan
Jikada-Madbakha
· Cunto Karis
· Cunto Karis Sahlan
· Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
· Qurxinta Jidhka
· Habbaynta Nolosha
· Habaynta Hoyga
· Caafimaadka
Arimaha Bulshada
· Maqaalo Guud
· Arimaha Bulshada
Information
· Usheeg Saaxiib
· Shuruda maqaalada
· Nala soo xidhiidh
· Search
· Links
 
Buuga bisha
Buuga u caansan
 48 su'aalood Ramd...
 The Ten Secrets t...
 Quick & Easy Dinners

Looking for something special?
Use search!
 
IlaTalida KHome
 
Mailing list KHome
Newsletters are for registered members only.
 
Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
“Markii geel loo heeso ayuu gorayo u heesaa”. Doorka weyn ee Ismaqalka

WQ: Bazi Bussuri Sheekh articles: maqal.gif
2012-07-21
bazi@centralparklondon.co.uk

Is maqalka wanaagsan marka la wada hadlaayo door weyn ayay ka ciyaartaa kordhinta kalgaceylka ka dhaxeeya labada is qaba. Laakinse aad ayaan uga gaabinaa, oo shaqo xoog leh ayay u baahan tahay sidaan u horumarin lahayn xirfada dhagaysashada iyo ismaqalka.  Gaar ahaan ragga ayaa aad ugu baahan, taasna waxaa daliil u ah in cawashada haweenka ay ugu badan tahay in ninkoodi uusan si fiican u maqal markay wada hadlayaan.  Badanaaba marka la maslaxaynayo waxaad maqlaysaa xaaskii oo leh “ima maqlo oo markii geel loo heeso ayuu gorayo u heesaa”.   Markii cilmi baaris lugu sameeyayna, reeraha ku guuleystay guurkooda, sababta ugu weyn waxay noqotay in awoodooda is maqalka ay ahayd mid aad u sareysa.  Maxaa yeelay marka lamaanahaaga si dhab ah uu kuu dhagaysto waxaad dareemeysaa kalgaceyl, dhiirigelin iyo qadarin.  Laakin marka qofka layska dhaga tiro ama intuusan hadalkiisa dhameysan lasoo dhexgalo oo la aamusiyo, wuxuu ku dhacayo qalbi jab ka yimid qadarin la’aanta.

Bal kaalaya aan fiirino sida nabigeena suubanaa uu u dhagaysan jiray xaasaskiisa iyo dadkoo dhanba.  Nabigeena suubana markuu qof dhagaysanayo, waa usoo jeesan jiray asagoo jirkiisa oo dhan u soo jeedinayo.  Si qadarin iyo ixtiraam ku jirana ayuu u maqli jiray asagoo indhahana si naxriis leh uga eegayo qofka hadlayo. Waxaa tusaale inoo ah Caa’isha (Umul Mu’miniin) waxay nabiga u sheegi jirtay sheekooyin.  Mar ayay waxay u sheegtay sheeko aad u dheer oo jeceyl ah kuna saabsan (Abi Zare iyo UM Zare) oo ahaa nin xaaskiisa aad u jeclaa daacadna u ahaa.  Ugu dambeyntii, wax baa dhexmaray oo way iska hor imaadeen saas darteed waa uu furay.  Nabiga ilaa ay sheekada ka dhamayso wuu maqlaayay, wuxuuna ku yiri Caa’isha: “Aniga waxaan kuu ahay sida Abi Zare xaaskiisa uu u jeclaa uu daacadna ugu ahaa, laakin waligay kuma furaayo oo agtayda khaali ayaad ka tahay.  Marka waxaa nala gudboon, inaan ka tusaale qaadano nabigeena suubanaa akhlaaqdiisa.   Ma uusan dhihin sheekada waa dheereysay naga soo gaabi, xitaa wuxuu dareensiiyay inuu si fiican u dhagaystay sheekada markuu yiri hadalada macaanka badan oo aan kor ku xusnay.

Habka wax loo maqlo waa xirfad muhiim u ah dadka wax hogaamiya sida Aabe iyo Hooyo.  Xitaa hada dhakhaatiirta waa ku khasab inay bartaan xirfadaha loo dhagaysto bukaanka.  Dhakhaatiir badan marka loo bandhigay  hababka ugu fiican ee wax loo dhagaysto ayay qirteen in sanooyin badan ka gaabiyeen kuna xad gudbeen daryeelka bukaanka. Maxaa yeelay, bukaanka oo hadlaayo oo aan hadalkiisa dhamaysan bay durbadiiba waxay ku fakari jireen wuxuu ku jawaabi lahaayeen oo dareenkoodi meel kale ayuu jiray. Aniga laftayda aad baan ugu liitay dhinacaan oo xaaskaygaa hadlaysa, dareenkaygana meel kaluu jiraa, mar dambe ayaan dareemaa in ay carootay oo ay dhibsatay akhlaaqdeyda.  Xaaskaagana markay kugu faraxsanayn dhibkeeday leedahay (Naagi nimay legdaan, kama kacaan”). Al Xamdulillah, waxaa isbedel weyn igu abuuray cajalad aan maqlay oo muxaadaro diini ah guurka ka hadlaya, hadana aniga iyo xaaskayga waxaan is qabnaa mudo 24 sanadood oo saaxiib baanu noqonay.

Hadaba hadii aan soo koobno aadaabta maqalka qaybihiisa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

  1. Wejigaada usoo jeedi qofka hadlaya oo dareenkaaga sii

TVga, wargeyska, radiyaha iyo wax alla wixii ku mashquulinayo iska dhig, oo qofka kula hadlaayo u soo jeeso oo dareenkaagoo buuxa ku maqal hadalka. Qofka markuu hadlaayo afka kaliya kama hadlo, qeybaha jirka intiisa kalena wuu isticmaalaa sida indhaha, gacmaha iyo habkuu u fadhiyo iwm.  Kuwa ku takhasusa arimaha ijtimaaciga waxay cadeeyaan in waxyaabaha qofka aadamiga sheegayo 45% kaliya hadal ka kooban yahay, inta kale wuxuu ku gudbiyaa hadal la’aan asoo adeegsanayo jirka intiisa kale sida oohinta, naxdinta iyo dhoola cadaynta.   Sidaas darteed si aad qofka si fiican u fahamto wuxuu ku hadlayo waa inaad usoo jeesataa qofka sida Satelitte Dishka oo kale. Si loo helo signal fiican waa in lagu aadiyaa Jihada ugu fiican.   Maansada ABWAAN CISMAAN CABDULAAHI GUURE “OGow quruxi Waa Diin” intuusan talooyinka bilaabin ka hor wuxuu yiri.

 

 “Dulucda yeey ku dhaafinee dulka dhagaha maqalkiyo I amaahi dareenka”

 

  1. U ogoloow qofka inuu dhamaysto Hadalkiisa:

Markuu qofka kale hadlaayo, waa inaad samir la imaadaa oo aad nafsadaada xakamaysaa mar alla markaad damacdo inaad hadalka soo dhexgasho.  Maxaa yeelay markaad qofka ka dhexgalaysid hadalka waa adigoo ku leh qofka:

  • Aniga ayaa kaa Muhiimsan.
  • Hadalka aan dhihi doono ayaa ka xiiso badan kaana saxsan.
  • Tani sheeko ma aha, waa tartan oo anigaa ku guulaysan.

 

  1. Ogow kala duwanaashaha habka ragga iyo dumarka wax u maqlaan:

Ilaahay ragga iyo dumarka abuurtooda waa kala duwey si ay isku dhameystiraan uu qof walba doorkiisa cayaaro.  Bani’aadankana rag iyo dumarba sida ugu fiican ayuu ilaahay u abuurey. In kastoo dad badani ay si qalad ah u fahmeen xadiiska nabigeena ku sheegay in haweenka laga abuurey feer qaloocan. Nabigeena marnaba hadafkiisa ma ahayn inuu dumarka liido, laakin wuxuu inoo sheegayay kaliya in raga iyo dumarka ay kala duwan yihiin dabeecadooda, waana dambi hadii aad ictiqaadiso in dumarka abuuristooda yahay mid dhiman. Hadii qof walbo uu garaysto kala duwanaashaha dhinaca jirka, dareenka iyo fikirka, waxaa sahlanaanaya wada hadalka iyo ismaqalka.  Maxaa yeelay haduu ninkii xaaskiisa sida nin oo kale ula dhaqmo, naagtana ninkeeda sida naagaha kale ula dhaqanto waxay sababee inuu fawdo iyo isfaham la’aan dhaco.  Tusaale ahaan, xaaskaaga markay dhib maalmeedka ay kaaga hadlayso, hadafkeedu ugu weyn waa inaad ula dareento siday dareemeyso marabto inaad adiga xal u hesho mashaakilkeeda. Raggana waxaa caado u ah in markay xaaska hadlayso uu isla markii xalkii la soo boodo asagoo leh maxaad saa u yeeli weysay, sidaa baa luguu qaatay, ha isku wareerin oo wax weyn haka dhigin, wixii dhacay waa dhaceen IWM.  

Ugu dambeyntii waxaan walaalahayga gaar ahaan haweenka usoo jeedinaa talooyinka hoos ku qoran:

  • Markaad la hadlaysid ninkaada, ereyadaadi ha ahaato mid maqalka u roon. Iska ilaali ereyada sida “Adiga mar walba sidaan baad sameysaa”, Adiga waligaa IWM.  Waxaa haboon inaad dareenkaaga ka hadasho.  “Aniga markaad sidaa fasho waxaan dareemaa sidan”.  Tusaale, ninkaada shaqaduu ku soo daahaa ama ka dhig asxaabtiisa la soo sheekeystaa.  Marka aad rabtid inaad u sheegto, waxaa haboon inaad dhibka jira ka hadasho oo ah soo daahida oo asaga aad weerarin, Tusaale ahaan :

“Markaad soo daahdo, waxaan dareemaa cidlo oo waa murgoodaa,walaalow qof mas’uul ah noqo”.

“Markaad gaariga saa xoog ugu wadid, waxaan dareemaa in nafsadayda iyo nafsada caruurtaada uusan qiima kula lahayn”.

                                  Hadalani waxay dhaamaan

“Adiga mar walba waa soo daahdaa, qof mas’uul ah ma tihid”

“Adiga waligaaba gaariga xoog ayaad u wadaa oo in aad aniga iyo caruurtaadaba kow naga siisaa rabtaa”.

Asagana haduu qof suuban yahay,waa inuu qadariyaa sidaa dareemaysid tix geliyaana waxaad weydiisatay.  Hadalkana in laga fiirsadaa roon, maxaa yeelay dhaawac weyn ayay u geysataa qalbiga aadanaha sida Soomaalida tiraa:

“Hadal aadan filayn iyo falaarba waa kugu fogaadaan”

“Canaani reer ma dhaqdo”

  •  Hal mar arimo kala duwan haka hadlin: Haweenka dhexdooda markay hadlayaan waa awoodaan in ay arima badan hal mar ka wada hadlaan isna fahmaan.  Ragase arintani waa ku adagtahay, waxaa haboon in arinba mar inaad ka hadasho.  Sida caadada ah naagta waxay awood u leedahay in howlo badan mar wada qabsato oo ayadoo teleefoonka ku hadlaysa ay cuntada karinee, caruurta kale hagee oo wax nadiifinee.  Ninka sidaa ma aha, hal ukun haduu dubaayo, albaabka jikada inuu soo xirto ayuu damcaa in wax kale uu soo dhex galo ma jeclo.

Fadlan walaalayaal, hadii maqaalkani aan ku sheegay wax khalad ogow wuxuu ka yimid nafsadayda daciifka ah iyo sheydaanka, wixii fiicana waa ilaahay xagii, mahad weyna asagaa iska leh.  Waxaan kaloo idiinka codsanaayo inaad ducadiina iga iloobina.

Qore: Bazi Bussuri Sheikh. E-mail: bazisomali@hotmail.co.uk

 

 

 
Related Articles
 
FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Facebook Comments Dhiibo Ra'yigaaga
Comments
Taqqiyah
on July 26 2012 21:17:37

mashalah nice maqaal jazalah khayr bazi walal
 
Dhiibo Ra'yigaaga
Please Login to Post a Comment.
 
 
KhadijaHome DATING
 
Halkam Riix
Quran Explorer
Xadgudub copyright
 
Latest 20 Articles
 
Articles
 
Most commented
Articles
· Aniga iyo adiga iyo ... 15
· Aniga iyo adiga iyo ... 13
· Waxaan rabaa Gabadh ... 12
· Maxay rabaan dumarka... 10
· Aniga iyo adiga iyo ... 9
· Habloow Guurka Fudud... 9
· Xasuusnow Mowdka [Ge... 8
· Tusaale unoqo Ilmaha... 8
· Kii gafuurtaag ayuu ... 8
· Fikrado roomaantik a... 7
· Aniga iyo adiga iyo ... 7
· Ha isu qurxin ninkaa... 7
· Galmada ammaanka ah 7
· Aabaha wanaagsan... 6
· Aniga iyo adiga iyo ... 6
· Hooyada Wanaagsan 6