najdi   najdi 9. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:621
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
Sideen uga dheeraan karnaa saaxiibada xun..!

WQ:Anisa Sh Ibrahim
February 1, 2008
anisa@khadijahome.com


Qofkasta oo inaga mid ahi wuxuu leeyahay qaar badan oo saaxiibada xun ah, saaxiibadaas oo aan u fiicnayn xaga diinta, caafimaadka, reerkaaga, bulshada iyo dhaqaalaha. Sidaa darteed ayey u fiican tahay inaad ka dheeraato ama aad iska dayso saaxiibadaas xun, waxaase is waydiin ah sideen isooga daayaa? Jawaab rasmiya oo loo hayaa majirto su’aashaas, waxayse ku xidhan tahay qofkasta aragtidiisa iyo sida ay daacada u ga tahay inuu ka dheeraado, saaxiibadaas xun waxay noqon karaan kafeega, shaaha, khamriga, sigaarka, jaadka, cunto badni iyo waxkasta oo naftaada mustaqbalka u keenaya dhibaato.

Xal ma noqonayso in damiirkaagu ku cadibo markasta!

“ caruurtaada waxaad u tahay sawir xun marka ay ku arkaan adoo balwadle” hadii aad sidan kusii jirto waxaa laga yaabaa inaad u dhimato waxan.... inaad naftaada ku canaanato hadalo noocan ahi waxaa laga yaabaa inay mudo yar ku anfacaan, ama ay damiirkaaga toosiso wakhti xadidan... sidani xal maaha, mana joojinayso waxaad rabto inaad iska dayso. Waxaan sii wadnaa saaxiibadii xumaa inagoo wali ku fakarayna xumaanta ay inoo soo jiidanayaan, wakhtiyada qaar waxaynu ku dhaqaaqnaa inaan iska dayno, aad ayey u dagatahayse.... mudo yar kadibna waxaan aragnaa inagoo meeshii kasii wadna.

Saaxiibadaa waa saaxiibadaa!

Hadii ay dhab kaa tahay inaad ka dheeraato saaxiibkaa xun, ka dheeraw inaad damiirkaaga cadibto oo isku day inaad dhinac kale ka eegto... saaxiibkaa waa saaxiibkaa!

Waxaa laga yaabaa inay kula cuslaato inaad ka dheeraato balwadaad mudada dheer soo waday, wax yar ka fikir intaadan la yaabin... Hal sigaar ahi waa saaxiib wanaagsan marka uu ku dajiyo adoo isku buuqasan. Koob kafe ahi waa saaxiib wanaagsan, marka aad aroortii isku toosisid. Bac nacnac ahi waa saaxiib wanaagsan markaad ku cawayso habeenkii... Hadalka oo kooban saaxiibka xumi waa koox saaxiibo ah oo maalinkasta ku caawiya ama noloshaada oo dhan. Saaxiibka in laga dheeraadaana way xun tahay. Wali maku fakartay inaad ku badasho nooc kale oo saaxiibo ah, hal nacnac inaad ku badasho hal kaarooto ah markaad Tvga daawanayso, hal sigaara marka aad nafta ku sasabayso maku badashay inaad laba rakcadood tukato ama tusbax intaad qaadato aad tasbiixsato.!

Inaad waydo saaxiib wanaagsan!

Hadii aad waydo saaxiib wanaagsan oo aad jeclayd, waad u xiisoonaysaa booskiisii cid buuxisana ma helaysid. Sidaas oo kale ayey u dhigantaa marka aad saaxiibadan xun ku badalayso mid kale oo wanaagsan, dareenka aad dareemayso marka aad waydo qof aad jeceshahay oo kale weeye ka aad dareemaysa markaad ka dheeraato saaxiibkan xun, waxaase hubaala marka aad ogaato inay kuu fiican tahay inaad ilowdo dareenkaasi inaad fahmi doonta faa’iidada aad gaadhay.

Furaha guusha!

Marka aad rabto inaad ka dheeraato saaxiib xun waxaa wanaagsan inaad ka fikirto midkasta iyo dhibaatada uu kuu keeni karo iyo wax yaabaha kugu kalifaya inaad la kulanto. Markaa kadib ka fikir sidii aad uga dheeraan lahayd intaad awoodo inaad joojiso ilaa aad ka gaadhayso in xiisihii kuu hayey uu kaa ba’ay. Waxaa laga yaabaa mudo inay kugu kalifto inaadan kafee meel lagu cabayo aadan fadhiisan ama meel sigaar iyo jaad yaalaan, waxaadse ku badalataa halka aad ka tagi lahayd meel lagu qayilayo inaad hiwaayad kale samaysato sida inaad masjidka soo booqato, inaad soo jimicsato, hadii aad reer leedahayna inaad lamaanahaaga iyo ubadkaaga la qaadato wakhtigaas.

Aad ayey muhiim u tahay inaad naftaada ku koolkooliso wax wanaagsan oo ay ku ilowdo saaxiibkii hore, si ayna naftaadu u dareemin inaad ciqaabayso oo ayna dib kuugu was waasin inaad ku noqoto xaaladii hore.

Waxaa muhiima inaadan ku badalin saaxiibkii xumaa mid kale oo xun. Ku dadaal sidii aad ugu badali lahayd saaxiib u wanaagsan ruuxda iyo jidhkaba.

Quraan akhris, diinta oo aad barato, jimicsi, cunto caafimaadleh, dhar cusub oo kuu qalma iwm.

Maqaalkan qayb kamida waxaan kasoo qaatay www.housewife.dk

FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Habaynta Shaqsiyada
· (30/06/2010 06:18) Ma ogtahay inaad qurux badan tahay. -
· (22/01/2010 12:19) Waari mayside wanaag hakaa haro. -
· (18/01/2010 14:00) Maxaa kuu qorsheysan? -
· (14/12/2009 20:43) Ahmiyad intee leeg ayaad siisaa hadalka dadka.!!! -
· (18/07/2009 11:44) Tilmaamaha qofka dib u socodka ah -

Top 5: Habaynta Shaqsiyada
1) Kalsoonida Q1aad :: 2505 views ::
2) Tilmaamaha qofka dib u socodka ah :: 2367 views ::
3) Wakhtigaaga siwacan uga faa'iidayso :: 1576 views ::
4) Hurdo Wanaagsan :: 1383 views ::
5) Ahmiyad intee leeg ayaad siisaa hadalka dadka.!!! :: 1283 views ::

Share

Comments
No Comments have been Posted.

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 736
Hilib Digaag & Makaroone 590
Peanut butter & Red C... 452
Hilib & Fuul 695
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 736
Hilib & Fuul 695
Hilib Digaag & Makaroone 590
Peanut butter & Red C... 452
Info.
Categories: 7
Reads: 2473
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

783,215 unique visits