najdi   najdi 8. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:620
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



Fadlan idin la'aan ha koobiyeysan Maqaalkan [ Xuquuqda Maqaalkan waxay u dhawran tahay KhadijaHome]
ISKAASHI IYO WADA JIR (9) (Dhamaad qaybta koowad)
WQ: Sharif Mahamed
2009-03-03
Ibnsufi1@gmail.com


Mahad aan la koobi Karin waxaa Alle ,, nabad galyo naxariisina ha ahaato suubanaheenii muxamed .

Wada jirka amuur loo wadda go,aan qaato waa bar bilowga lagu gaaro wax dhamaystiran, guurkii uusan waaridku ogalaana waa wax kala dhiman oo mar walba qabyo nimadisu muuqanayso, sidaa oo kale ,, caruurtii lagga dul keeno qof aysan ku qanacsanaynna iyagguna waa qabyo guux hoosta ka qabba ama ay dhacdo in ayba waaridka ka guuran (dhulka hadda loo soo qaxay). Haddaba si aan u yareyno ama aan u tir tirno kala shakiga dhex yaala waaridka caruurta ,, marxalada guurka doonka waxaan jeclahay in aan ku soo gabagabeeyo qoramadeenii taxanaha ahayd qaybteeda koowaad amuurahan soo socda.

Talooyin u socda waaridka : Hooyo ama aabbe in kasta oo aan cidna kaaga wal wal badanayn caruurtaada, kaana jeclayn wanaagooda ,, hadana waxaa jirta in ubadka maanta joogaahi uusan aheyn kii shalay ,, degaankuna uusan aheyn midkii la kala adkaa ee hadii la isku dhaco waaridku mar walbba lahaa guusha, waa degaan qofka lakala boobbayo oo uu u dhaxeeyo ,,, dhaqan shisheeye , qalooc sanaan , ku xiran da’ada, iyo waxyaabo badan oo uu qofku si fudud ku heli karo … kuna rida hammi iyo jaah wareer “ hadaad waridka ka tagto waad shaqaysan ,,, ma waayaysid cid wax kusiisa .. iwm” hadaba waa in aad ubadkaaga marxaladdan la ahaato SAAXIIB, ka wayn ,, iyo WAARID wadda socda,, KALA TASHO wax kasta oo ku saabsan mustqabalkiisa ,, ha is ticmaalin marna erayo keeni kara in ay ilmahu kugu kalsoonan waayan ,, oo ay samaystaan ,,,, dad kaaga dhaw ,, aynna wax kasta kala sheekeysan karaan. Haddaad damacdo in aad qof aad jeceshahey u guuriso ,, isaga/iyadda marka hore waydii waxay la tahey ,,, unna ogolow in uu /ay ka fekero/to.

Talooyin ku socda caruurta : walaal wax aduun la helo waxaa uggu wanaagsan caruur baari ah ,, hadii hamigaagu yahey in aad hesho kuwo maqla ,, oo aad ku nasato ,, maanta ayaad haysataa fursaddii ,, ee addiguna maqal waaridkaa . ha u qaadan in waaridkaa marna wax xun kugu QASBAYO ,, waa dhacdaa kal feker duwaanan ,, waana la is khilaafi karaa ,, balse addigon xad gudbin waa in aad qancisaa waaridkaa ,, xasuuso si kasta oo aad u xoolo badan tahey ama u caafimad qabto ,, in xaqqooda aadan gudi Karin. Haddii gabar/wiil aad rabto lagaa REEBO (diido) isku day in aad waaridkaa dhan kale wax kasto kana qanciso sheekaddaa,,, ha noqon qof isagu iska CAD GOOSTA “ in wax aan waaridkii ku qanacsanayn aad ku dhaqaaqdo” sidaa oo kale hadii gabar / wiil laggu daro aadan addigu jeclayn ,,,, waxaa banan wada hadal ,, qaylo ama buuq wax badan ma soo kordhiyan ,, isku day in aad sida uggu macquulsan ku qanci waaridka ,, (culimmada ka ag dhawow ,,,,).

Waxaan u mahad celinayaa dhamaan walaalihii fikirkooda naggu darsaday intaan wadnay ararta (hordhaca qoraalkan, ee 9 qaybood ahaa) ,, haddii alle idmo waxaan bilaabi doona NUXURKA GUUD EE mowduuca ,, kaas oo aan ku soo sheegnay qormadeenii uggu horeysay, inagoo mid mid u dul istaago doona waxyaaba yareeya guurka . dhamaan qormooyinka hore waxay ahaayen HORDHAC GUUD si qofka aqrinaya ,, qoraladain u fahmo dhibka jira ,uuna si dhaw ugga qayb qaato dooda dambe ee la socon doona qoraal kasta .. hadii rabbi idmo.

SU’AASHA AQRISTAHA:

Aqristow ma noo sheegi kartaa shan waxyaabood oo guurka ka hor kuu ah target ( aad higsanayso in aad samayso ,, ama aad ka hesho qofka aad jecshahey in aad wax la wadagto ,, Diinta, Akhlaaqda , Waxbarashadda ,Isku da’a dhawaansha ha ,, marka laga reebo )
FG: Fikirka maqaalkan waxaa iskaleh qoraaga ku saxiixan.
Maqaalada u danbeeyey: Isa Saluuga Soomaalida

Top 5: Isa Saluuga Soomaalida

Share

Comments
No Comments have been Posted.

Post Comment
Please Login to Post a Comment.

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 729
Hilib Digaag & Makaroone 577
Peanut butter & Red C... 444
Hilib & Fuul 688
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 729
Hilib & Fuul 688
Hilib Digaag & Makaroone 577
Peanut butter & Red C... 444
Info.
Categories: 7
Reads: 2438
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

779,379 unique visits