Sheekooyinka waxaa loo kala qaybiyaa sheeko aqooneed, sheeko cilmiyeed ,sheeko taariikheed,sheeko jacayl iyo sheeko caruureed .
Juxaa maalin maalmaha ka mid ah loo dhiibay dameero si uu u soo waraabiyo. waxay ahaayeen tobon dameeraad,dameerihii ayuu tiriyay isagoo mid saaran mise dameerihii mid baa maqanoo waa 9 ,markaasuu ka degay oo hadana tiris dib ugu celiyay mise waa 10 walee yaab .
Isagoo isla hadlayaa wuxuu yidhi "dameerka markaan u baxana dameer baa la waayayaa ,markaan ka degana dameerkii ayaa soo noqonaya."
wuxuu go'aansaday inuu lugihiisa ku Socdo ,lug ayuuna dib ugu noqday. markuu reerkii gaadhay dameerihiina xereeyay ayuu sheekadii ku dhacday uga sheekeeyay reerkii markaasaa cidina ka hoos qaadi wayday ilayn waa juxoo way yaqaanaane,habeenkii markuu seexday ayuu saqdii dhexe xusuustay inuu ka ilaabay tirada dameerkii uu saaraa .
waxaa jirta maah maah carabiya oo ku saabsan sheekadan oon u malaynayo in macnaheedu yahay "doqonka caqligiisu saqda dhexuu kala miirmaa"
Edited by umu zak on 21-03-2010 19:39