najdi   najdi 9. 9. 2010 | najdi | najdi | najdi
Menu
Home
Forum
Sheekooyin la alifay
IlaTali
Send E-cards
Buuga Bisha
Arimaha Qoyska
Qoyska
Guurka Soomaalida
Dacwada
Fanka Dacwada
Qur'aan
Qisooyin dhacay
Ramadaan
Jikada-Madbakha
Cunto Karis
Cunto Karis Sahlan
Cunto Karis Video
Horumarka Nolosha
Habbaynta Nolosha
Dumarnimo
Caafimaadka
Arimaha Bulshada
Maqaalo Guud
Arimaha Bulshada
Media - Video
Daryeelka Jidhka
Fikrado Muhiima
Noocyo Iskujir ah
Shuruda maqaalada
Nala soo xidhiidh
Search
Links

Database indhold
Maqaalo Guud:38
Maqaalo:283
MESSAGES:6785
Links:11
Members:621
COMMENTS:326
Forum
THREADS:565
POSTS:7328



View Thread
 Print Thread
TUUG BAAN ARKAA!!!!
mohamed-kadarmohamed-kadar is Offline
#1 Print Post
Posted on 26-07-2010 18:36
User Avatar

Junior Member


Posts: 19
Joined: 13.06.09

A/C
Sheekadan waa sheeko run ah balse way dheertahay hadana way qosol badantahay marka si toos ah looga sheekaynayo.
goor habeen ah ayaay labo wiil oo saxibo ah ku soo daaheen dawashada cayaraha yurub. waqtigu waa 2:00 habeenimo dadka guriga joogay oo dhan way seexedeen labada wiil waxay seexdaan qol iridbanaan ah,(albaab banaanka ah ayuu leyahay) meeshu waa xamar(muqdisho) oo nabad kama jirto hadan tuugadu waa shan qabo shan siidaa.gurigu waa koronto la'aan.indhaha hadii faraha lagaagaliyo waxba ma arkiisid.
labdii wiil waxay galeen qolkodii oo ay seexasho isku diyariyeen.
goor daqiiqado kasoo waregtay ayaa waxaa dareemay mid kamid ah wilashii in gurigu uu ku jiro qof sadaxaad.(tuug )..
labada wiil waa kala daran yihiin xaga cabsida, tuuga ayaaba kasii cabsi badan oo sadex dooduba nin walboo naftaa ayaa kadhacaday mesha. waa la isku aamusay oo labdii wiil iyo tuugiiba aamusnaan ayaa kadhacday. tuugii wuxuu la yahay meel uu ku ganbado, gurigana mayaalo wax aan aheen katabaan oo ay dharku saaran yihiin. labadii wiil mid kamid ah ayaa waxuu ku fakiray in uu galo katabaanka gadaashiis, kiikalna isla meeshii ayuuu ku fakiray in uu isagana galo kii kowaad oo meshii galay ayaa waxaa kadaba yimid kii horoo ku jiro mesha. saa laad iyo laba feer ayuu ku soo kiciyay kii oo meel laqbto laheen ayaa wuxuu ku dhacay albaabka meel u dhaw. tuugii waa yaaban yahay oo wuxuu leyahay qubqacdaan yeraysa adiga maa lagu raadinayaa?.
kii katabaanka kujiray oo is yiri meshaan walgugu ogaaday ee kabadlo ayaa wuxuu u soo guurguuraty dhankii ninkii saxiib kiis ahaa oo uu ku soo dhuftay darbada(laadka)iyo feerka oo baalidyaashii birta ahaa oo albaabka agtiisa yaalay ayuu gacanta lahelay........... iska qabo madaxuu kagadhuftay. kadibna albaabkii ayaa waxaa furay kii kale oo ku haya tuug!!tuug!! waxaa kadaba baxay tuugii oo isla markii albaabaka kabxay.
tuukii waa uu iska tagay isagoon waxba qadan hadana waxba gaarin.
labadii saaxiib dadkii ayaa iskugu yimid labadoodii midba meel ayuu shir jaraa'id ku qabtay nin walbo waxuu ka sheekeyay wixii ku dhacay balse ma oga waxa uu dilay in uu yahay saaxiibkiis.
nin dariska kamid ah oo sheekada labadooda midba mar dhagaystay ayaa wuxuu qabtay isla meshiii shirkale wuxuuna sheegay in waxa is dilay ay labadoodii yihiin.smiley35 dakina habeenkii qosol ayaay laseexan kariwayeenGrin,,,,, dacaayadii waxaa loo baxshay labadi wiil walalaha geesiyaasha ah.
smiley25
Edited by mohamed-kadar on 26-07-2010 18:38
I have been ordered to fight against people until they testify that there is no god but allah and that muhammad is the messenger of allah and until they perform the prayers and pay zakat, and if they do so they will have gained protection from me for their lives and property,unless{they do acts that are punishable) in accordance with islam,and their reckoning will be with allah the almighty.
al- BUKHARI AND MUSLIM
 
www.qardhaawi.com
faras xasanfaras xasan is Offline
#2 Print Post
Posted on 27-07-2010 18:36
User Avatar

Junior Member


Posts: 13
Joined: 17.05.10

s/cww.
wallahay waa sheeko aad u qosol badan maxamedow sxb . waxay i xasuusisay sheeko aan goob joog u ahaa oo aan tan ka fogayn oo lix bilood ka hor ku dhacday niman aanu isku meel deganayn shaqona naga dhaxaysay weliba .
waa laba nin oo qol wada seexda oo dhallinyaro ah mid ka mid ah labadoodu waxa jinka la yidhaahdo ayuu ka baqaa lama tuso bahalkaa xitaa haddii laga sheekeeyo qofka k sheekeeya wuu ka shakiyaa , wiilka kale wadankii markuu joogi jiray wuu qayili jiray halkan aanu joognana dhawaanbaa qaadkii la mabnuucay markaa bahal curri la yidhaahdo oo raga qayilaa markay qaadka waayaan u yimadda ayaa habeen habeennada ka mid ah yagoo labadoodiiba hurda ninkii qayili jiray u yimi ninkii intuu aad u cabaaday ayuu kii jinka ka biqi jiray toosiyey isagoo leh war hayay bahalka iga qabo , qolkana la soco oo nalku wuu u dansanyahay ninkii odayga ahaa ee jinka ka biqi jiray maba hubsane wuxuu is yidhi ninka wakhtigan waxa eryaya jin hurdada ugu yimi oo wuu iskaga kaa reebayaaye jinku yuu idin kala garan , ka dibna marka midi cabaadaba kan kalena waa cabaadaa si waxan wax ka cabaadinayaa aanu u kala gran , cabbaar markii qolkii oo madaw laga wada cabaadayey oo jaarkiina wad atoosay ayaa kii muqayyilka ahaa ee curigu weeraray intay macawistii ka dhacday daaradda u baxay isagoo cabaadaya weli oo dabadana is haya , ninkii kale ee odayga ahaana intuu isaguna macawistii iska bixiyey ayuu ka daba baxay oo sidii u cabaaday gacmahana dabada saartay si aan jinku u kala garan labadooda hadda la soco meesha jinba ma joogo,e markii xoogaa daaradii marba dhinac loo cararaye cabaadkuna isu baxay daaraduna nalbay leedahay ayaa nin qol ku dhaw deganaa oo intuu qayladii ku toosay is yidhi malaa gangs baa nimanka werartaye haw bixin markii hore oo difaac iskaga jiraa adkaysan waayey qayladii oo dibada u soo baxay mise waa abadii nin oo labaduba qaawanyihiin mid walibana cabaadayo si isku mid oo daarada iska daba wareegaalaysanaya markay arkeenbay qolkii ku yaaceen oo shukumaanno ama tuwaallo isku duubeen ,
waahay intii indhaweyd sheeko igaga qosol badan maan arag dhawr week baan markaan xasuustaba qosli jiray .haddii aanan goob joog ahayn waxan is odhan lahaa waa been lakin dadkii qaylada ku toosaybaan ka mid ahaa markii waxa sabaay aan weydiiyeyna raga laftoodiibaa iiga warramay .

sheekadaa maxamed khadar ee funnyga ah uunbaa tanna ila gashaye bal raalli ahaada culimo.


Ma laxiibto geelaba hashii lahantay jiilaale
Ku laabudan shisheeyaha ninkii laxawsi moodaa
 
aniisaaniisa is Offline
#3 Print Post
Posted on 27-07-2010 22:37
User Avatar

Member


Posts: 67
Joined: 27.07.09

Ascwrwb thkx walaalka mahamed iyo faras runtii waa sheekooyin qosol badan dadka fulayadaa caadi ma ahan ll waa funny,
You captured my heart with the story of your past,,,,,,,,You captures my love with the hope of your future &,,,,,, You captured my soul with the touch of your hand,,,,,,You made a space in my heart so big,,,There is no room for anyone esle,,,
 
abdiazizabdiaziz is Offline
#4 Print Post
Posted on 28-07-2010 12:05
Senior Member


Posts: 274
Joined: 07.04.09

Asc wr wb Mahad sanid Bro Mohamed & Faras Xasan waa sheekooyin qosol badan runtii inta badan fulayada caadi ma ahan c)
Allahuma inaka Cafuwun Kariimun Xaliimun Tuxibul Cafwa Facfu Canaa Yaa Allah Yaa Allah Yaa Allah
 
http://kafaalo.com
Jump to Forum:

Share



Login
Username

Password

Remember Me


Cunto Karis Sahlan
Kuwa u danbeeyey
Shurbada Karooto 736
Hilib Digaag & Makaroone 591
Peanut butter & Red C... 454
Hilib & Fuul 695
Kuwa u caansan
Shurbada Karooto 736
Hilib & Fuul 695
Hilib Digaag & Makaroone 591
Peanut butter & Red C... 454
Info.
Categories: 7
Reads: 2476
Halkan Riix

Islamic Nasheeds
Mp3 Player

Buuga bisha

783,368 unique visits