WQ:Ahmed Hassan (muxsin) 2011-07-29 muxsin@khadijahome.com
Marka la leeyahay aadaabta soomka, macnaheedu waa in lala imaado waxyaalaha soomkaaga ajarkiisa ilaalinayaa, islaamkuna cibaadaadka iyo daacaadka lala imanayo waxuu raacinayaa aadaab.
Aadaabta soomkana waxaa ka mid ah
1- Inaad la timaado Allaah ka cabsi, waxaa lagaa rabaa inaad la timaado waxii lagu faray, kana dheeraato waxii lagaa reebay sida ku cad qawlka Allaah cazza wajal .
((يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُون
2- Aadaabta soomka waxaa kale oo ka mid sadaqada oo la badsado, wanaag iyo samafal loo sameeyo dadka, iyadoo ay habboontahay in mar walba qofku wanaaga iyo samafalkaba la imaado, hadana waa in gaar ahaan ramadaanta lagu dedaalo.
3- Waxaa ka mid ah aadaabta soomka in qofku ka dheeraado waxii Allaah subxaanahu watacaalaa ka xarrimay, sida beenta, cayda, khiyaanada, eegmada xaaraamta ah iyo dhagaysiga waxyaalaha xaaraamta ah.
4- In la suxuurto waxay ka mid tahay aadaabta soomka, gaar ahaan in suxuurta dib loo dhigto, oo la suxuurto nuska dambe ee habeenkii wakhtiga ducadana la aqbalo. Waxuu yidhi nebigu calayhi affdallu salaatu wassalaam ( Suxuurta, maxaa yeelay suxuurta waxaa ku jirta barako )
5- Waxaa kale oo ka mid ah aadaabta soomka in qofkii heli kara uu ku affuro rudabka ,hadii taas aanad heli karina ku affur timir, hadii aanad heli Karina biyaha, iyadoo loo degdegayo affurka marka la xaqiiqsado in cadceedi dhacday , sida ku cad xadiithka nebiga calayhi affdallu salaatu wassalaam لا يزال الناس بخير ما عجلوا الفطر – اخرجه البخاري ( kama tagayaan dadku wax loo degdego oo ka kheyr badan affurka ).
والسلام عليكم ورحمة الله
Waxaan kasoo turjumay kitaabka – Fiqhul Cibaadaat, ee fadiilatu sheikh Muxamed Bin Saalix Al-cuthaymiin رحمه الله |