WQ:Najma Saciid 2011-07-30 najma@khadijahome.com
Bismilaah..
qof walboo khayrka jecloow toos qof walboo ka gaabiyay adeecida Rabbigiisoow baraarug. Qof walboo macaasida ku talax tagayoow soo laabo. Midkii wax bixintu ku adkeydoow gacantaada fur oo wax ka bixi wixii Allah swt kugu deeqay,Waxaa inoo dhalatay bishii lagu tartami jirey khayrka bishii loo kala dheereyn jiray cibaadada iyo sadaqada , waxaa inoo dhalatay bishii qofkaan loogu danbi dhaafin yahay mid khasaaray, waxaa inoo dhalatay bishii qof walbaa guntiga dhiisha isaga dhigi jiray, waxaa inoo dhalatay bishii qof walboo khayrka jecel Allah swt ka baryi jirey inuu gaarsiiyo, hadeey sidaa tahay ma doonaysaa inaad ramadanka laba jeer soonto ?ma doonaysaa inaad hesho ajar aad u badan wax lagu qiyaasana uuna jirin? ma doonaysaa in soonkaagu noqdo mid lagugu dhaafo waxaad hore u sameysay ee danbi ah?ma doonaysaa in laguu qoro qof kale ajarkii? Diinteena islaamku markeey dadka khayrka iyo wanaaga inay sameeyaan farayso way dhiirigelisaa wayna jeclaysiisaa adoomaha ajarka arinkaa la amray uu leeyahay si ay ugu kala dheereeyaan.uguna baratamaan.
qofka doonaya inuu laba jeer Ramadanka soomo meel dheer yuuna ka raadin ha akhriyo xadiiskaan micnaha weyn ku fadhiya
عن زيد بن خالد الجهني رضي الله عنه قال قال الرسول صلى الله عليه وسلم ( من فطر صائما كان له مثل اجره ، غير انه لا ينقص من اجر الصائم شيء ) رواه الترمذي وقال حديث حسن صحيح
Macnaha xadiiska (Qofkii qof sooman afuriya wuxu leeyahay ajarkii qofkii soomanaa oo kale iyadoon laga dhimayn kii soomnaa ajarkiisi) maxaa kaaga soo baxay halkaa inaad 2 ajar leedahay kaagii iyo kii qofkii aad afurisay taasna waxay ka dhignaan kartaa adigoo 2jeer soomay maadama aad qof kale ajarkii leedahay, hadaba yuuna ku dhaafin ajarkaa iyo fadligaa weyn ee ku dadaal inaad walalaheena baahan ee aan heli karin cunto.biyo iyo hoyiba afuriso adigoo Allah swt xagiisa ka xisaabsanaya, sadaqada ramadanka lala baxaana waxaad ogaataa in ajarkeedu laba laab yahay iyo waliba camalada ramadanka la qabtoo dhan, waa fursad in laga faaiideysto mudan in yaroo lacaga aad bixisay ayaad ku heleysaa ajar aan la soo koobi Karin, waa qofkee qofka aan doonnayn inuu camal yar ku helo abaal marintaa weyn?
F.G. fikirka maqaalkaan qaar ka mida waxaa iska leh saaid.net |